Hordhac:
Maanta waxa aynu ka hadli doonaa sida loo nidaamiyo wakhtiyada kala duwan ee maalinta iyo hurdada ubadka, waxtarka uu u leeyahay ilmaha iyo waalidka, haddii aanu jirin nidaam caqabadaha ka dhasha, iyo gunaanad.
Nidaaminta maalintu waa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee haddii uu hagaago nolosha qoyskuna hagaagayso. Waalidka waxa looga baahanyahay inuu nidaamiya wakhtiga cuntada, ciyaarta, iyo hurdada ee ubadka si loo helo degenaanshiiyo maskaxeed oo caafimaad qaba. Nidaaminta maalinta iyo hurdada ubadku kaliya maaha wax u roon waalidka si uu naftiisa wakhti ula qaato, lakiin waa mid maareysa hab-dhaqanka iyo baahida ilmaha.
Maxay carruurtu ugu baahanyihiin jadwal go’an?
Carruurtu marka ay ogyihiin maalintii waxqabadkooda sida, wakhtiga cuntada, ciyaarta, iyo hurdada waxay ku dareemaan amni iyo xasillooni. Tani waxay ubadka ka fogaysaa inay dareemaan caajis, walwal iyo jahwareer.
Ilmuhu marka uu leeyahay jadwal maalinle ah oo go’an waxaa ka yaraada xanaaqa, maadaama xanaaqu ka yimaado daal ama carruurta oo aan garanaynin waxa laga rabo. Jadwalka go’ani waxa uu hoos u dhigaa is-qabsiga iyo diidmada ilmaha.
Ilmuhu marka uu helo hurdo ku filan waxa uu noqdaa mid maskax ahaan iyo jidh ahaanba u kora. Hurdada habeenkii oo xilli hore la seexiyo waxay jidhka ka caawisaa inuu soo daayo hoormonada koboca iyo habaynta xogta maskaxdu baratay maanta oo dhan.
Tiirarka ugu muhiimsan ee jadwalka maalinta:
In ilmaha wakhti go’an la kiciyo subaxdii si uu u helo falaadhaha cadceeda una qaato quraac fiican wakhti habboon waxay ilmaha ka dhigtaa mid firfircoon.
In ilmaha wakhtiga cuntadu uu noqdo mid go’an si aanu ilmuhu ugu khalkhalin haddii maalinba xili la siiyo. Inaan ilmaha lagu bilaabin cuntooyin aan waxtar u lahayn jidhka sida macmacaanka iyo sharaabada aan nafaqada lahay. In ilmaha la siiyo saddex wakhti maalintii cunt oleh nafaqo oo isu dheelitiran siu u u helo koritaan dhamaystiran.
In ilmaa maalintii loo ogolaado saacado uu ciyaar iyo dhaqdhaqaaq ku filan uu sameeyo si uu tamar badan u bixiyo, taas oo ilmaha u fududaysa inuu si hufan u seexdo habeenkii.
Hab raaca hurdada habeenkii;
In ilmaha marka uu so gaadho xilliga fiidka loo sameeyo qubays diiran, lana siiyo casho fudud oo booratiin leh. Tani waxay ilmaha u sheegaysaa inuu dhawyahay xilligii hurdadu.
In ilmaha loo madooeeyo Meesha uu seexanayo, tani waxay jidhka ka caawisaa inuu soo daayo hoormoonada hurdada.
In ilmaha loo sheekeeyo ama loo akhriyo buugaag xilliga hurdada ka hor, waxay kordhisaa luuqada ilmaha, isla markaana kor u qaada xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo ilmaha.
Wakhtiga hurdadu haddii uu soo dhawaado waa in ilmaha laga fogeeyaa shaashadaha laba saac ka hor wakhtiga hurdada.
Waxtarka uu u leeyahay waalidka:
Faa’iidooyinka waaweyn ee uu u leeyahay waalidku waa mid aad u ah muhiim. Marka uu ilmuhu leeyahay jadwal go’an, waalidkuna waxa uu helaa xasillooni maskaxeed iyo wakhti uu naftiisa wax ugu qabto.
Marka aanay ubadku lahayn jadwal nidaamsan, waalidku waxa uu maalintiisa oo dhan ku jiraa xaalad jahwareer ah iyo qaylo joogto ah. Waalidku waxa uu isku mashquuliyaa xilliga ay seexan lahaayeen, wax cuni lahaayeen, taas oo ka dhalata habayn la’aanta jadwalka ilmuhu ku socon lahaa. Nidaamka jadwalka go’ani waxa uu waalidka siiyaa xasillooni iyo maamul, waxa uuna ka badbaadiyaa walwalka iyo diiqada ku timaada waalidka.
Marka uu ilmuhu leeyahay wakhti go’an oo u uku seexdo habeenkii ama maalintii, waalidku waxa uu helaa 1-3 saacadood oo u uku qabsado hawlihiisa u gaarka ah sida inuu guriga hagaajiyo, buug ku akhristo, naftiisana ku maalgaliyo.
Tani waxay dib u soo celisaa tamarta waalidka siu u maalintiisa oo dhan u noqdo mid dulqaad leh.
Marka uu ilmuhu habeenkii si fiican u seexdo waxa uu lasoo kacaa niyad wanaagsan. Tani waxay waalidka u furta inuu ilmaha la qaato wakhti ciyaar iyo wada sheekaysi, taas oo dhista kalsoonida ilmaha iyo waalidka ka dhaxaysa.
Nidaaminta maalinta ilmuhu maaha oo kaliya edbin la siinayo carruurta, ee waa habka ugu fiican ee uu waalidku ku daryeelo caafimaadkiisa maskaxda iyo jidhkaba.
Waxtarka uu u leeyahay ubadka.
Ubadka oo hela nidaamin iyo jadwal sax ah waa mid ka mida aasaaska ugu muhiimsan ee dhisa maankan ubadka. Marka uu ilmo kasta leeyahay wakhti go’an oo uu ku seexdo, ku ciyaaro, waxna ku cuno, waxa uu helaa jawi degen oo xasiloon.
Nidaaminta joogtada ahi waxay ilmaha bartaa maamulka wakhtigiisa iyo nadaafada.
Caadooyinka si maalinle ah loo sameeyo ilmuhu marka uu weynaado way u fududaataa inuu sii wado.
Ilmuhu marka uu leeyahay jadwal cad, waxa uu bartaa madaxbannaanida iyo mas’uuliyada isagoo isku daya inuu qabto hawlaha loo xilsaaray.
Ilmuhu marka aanu lahayn jadwal hurdo oo sax ah waxa uu noqdaa mid daalan, taas oo ku keentaa inuu xanaaqiisu bato muujiyana cadho iyo caasinimo.
Ilmaha oo hela hurdo ku filan iyo wakhti cunto oo habaysan, waxa uu si toosa u saameeyaa korriinkiisa maskaxeed, xusuustiisa, iyo xakamaynta naftiisa.
Marka guriga maamulkiisu ku socdo nidaam loo dhan yahay, waxaa yaraada buuqa iyo adkaanta waalidka ka yimaada.
Habka ugu fudud ee loo bilaabi karo nidaaminta wakhtiga iyo jadwalka maalintii, waxa uu noqdaa mid lagu bilaabo ilaa saddex waxyaabood oo muhiim ah sida, wakhtiga la seexanayo, wakhtiga cuntada, iyo wakhtiga ciyaarta ka dibna si tartiib-tartiib ah loogu kordhiyo hawlaha kale yadoo la isticmaalayo dabacsanaan iyo Samir.
Gunaanad:
Nidaaminta ubadku maaha oo kaliya maareynta wakhtiga ee waa aasaas dhab ah oo lagu dhiso dabeecadaha, xasilloonida, iyo madaxbannaanida ilmaha. Marka waalidku ubadka si naxariis, Samir, iyo dabacsanaan leh ugu dajiyo jadwal maalinle ah oo cad, waxa uu sameeyaa jawi degan oo kooc dhanka maskaxda, jidhka iyo shakhsiyada ah. Ugu danbayn, ilmaha oo loo sameeyo jadwal nidaamsan waxay ka dhigtaa ilmo diyaar u ah inuu wajaho nolosha isla markaana dhisa mustaqalkiisa, maamula wakhtigiisa, yeeshana mas’uuliyad buuxda.


0 Comments