Hordhac:
Manta waxa aynu qormadeena ku faahfaahin doona tallalka ubadka la siiyo, faa’iidada caafimaad ee uu leeyahay, khasaaraha ka dhasha tallaal la’aanta, iyo gunaanadka qormada.
Waa maxay tallaalku?
Tallaalku waa walax caafimaad oo loo isticmaalo in lagu tababaro difaaca jidhka inuu ka hortago cudurada halista ah ee ka dhasha fayrasyada hawadu sido.
sidee u shaqeeya tallaalku.
Tallaalku waxa uu jidhka usoo bandhigaa qayb ah difaac, iyo qayb ah cudur dhaliyaha ah oo lagu tallaalayo jidhka siu u u sameeyo iska cabin cudurada lagu tallaalay.
Nidaamka difaaca jidhku waxa uu aqoonsadaa walaxdaas lagu tallaalay, waxa uuna soo saaraa booratiin loo yaqaano (antibody) unugyada difaaca jidhka.
Jidhku waxa uu leeyahay xasuus caafimaad. Haddii cudurkaas uu la kulmo waxa uu markiiba aqoonsanayaa oo baabbi’nayaa ka hor inta uu san xanuun ku keenin jidhka.
Sababta uu muhiim u yahay.
Ilaalinta qofka; waxa uu ka hortagaa isla markaana si weyn u yareeyaa halista cudurada khatarta ku ah nafta.
Ilaalinta bulshada; marka dad badan oo bulshada ka mid ahi tallaalaan ubadka waxaa yaraanaysa faafitaankii cudurada, taas oo ilaalinaysa dadka jilicsan ee u nugul xanuunada.
Cudurada layska tallaalo;
Cudurrada ugu waaweyn ee layska tallaalo waxaa ka mida tallaalka caadiga ah ee la siiyo carruurta marka ay dhashaan ilaa sannad iyo badh ay ka soo gaadhaan, tallaalka dadka waaweyn, iyo tallaalka marka ay jiraan xaalado gaar ah.
Cuddurada carruurta laga tallaalo: carruurta waxa laga tallaalaa cuduro halis ku ah koriinkooda iyo naftooda:
Tb: cudur ku dhaca sambabada carruurta iyo kuwa dadka waaweyn, waxa u uku keenaa oof iyo neef qabatin.
Dabaysha(booliyada): kani waa fayras ku dhaca si guud qof kasta oo aan qaadan tallaalkiisa, waxa uuna ku keenaa curyaanimo ama dhimasho.
Jadeecada(measles): kani waa cudur ku dhaca carruurta aadna ugu faafaa bulshada dhexdeeda, astaamahalagu garto waxaa ka mid ah xumad daran, finan kasoo baxa dhamaan jidhka gudihiisa.
Gawracatada: kanina waa mid ka mida cudurrada laga tallaalo caruurta, waxa uuna ku dhaca cunaha, waxa uu dhibaato ku keenaa dheef mareenka.
Teetanada: kani waa cudur ka dhasha bakteeriyo ka soo gasha dhaawaacyada ku dhaca jidhka, kaas oo keena in muruqo wax noqdo.
Cagaarshowga(hepatitis): waa fayras saameyn ku yeesha beerka.
Oof-wareenka: waafayras ku dhaca sambabada oo caabuq ku kena dhagaha.
Cudurrada la qaato tallaalkooda marka ay jirto xaalad caafimaad oo gaar ah:
Shuban biyoodka daran ee ka dhasha cabbidda iyo cunita waxyaabo wasakhaysan.
Malariyada oo uu keeno fayras kaas oo ay keneecadu gudbiso.
Tayfoodha: caabuq bakteeriyo ah oo ku dhaca caloosha iyo dhiigga.
Raabitada: fayras ka dhasha qaniinyada eyga, kaas oo si degdeg ah laysaga tallaalo.
Covid-19: fayras saameeya marinka neefsashada, waxa uu keena inuu kaxeeyo urta iyo dhadhanka.
Da'da
Magaca tallaalka
Cudurrada uu ka hortago
marka uu dhasho ilmuhu
BCG
Qaaxada
6 todobaad 1 bil iyo badh
penta1, polio1/1pv, pcv1, Rotavirus1.
Hargabka noociisa B, Dabaysha, oof-wareenka, shuban biyoodka.
10 toddobaad laba bil iyo badh
penta labaad, polio labaad, pcv labaad, Rotavirus labaad
xanuunada kor ku xusan dose koodii labaad
14 toddobaad 3bil iyo badh
penta 3, polio 3/ipv, pcv 3
dose kii saddexaadxanuunada horeoo kale
9 bilood
jadeecada iyo vitamine A
Ka hortaga jadeecada iyo nafaqaynta vitaminka indhaha
15-18 ilood 1sanno iyo badh
jadeecada labaad iyo DPT
xoojinta jadeecada iyo difaaca jidhka
Faa’iidada guud ee tallaalka.
Ka hortaga xanuunada: waxa uu ilmahakailaaliyaa xanuunada khatarta ah kuwaas oo sababi kara curyaanimo, jadeeco, cagaarshaw iyo oof-wareenka.
Dhisidda difaaca jidhka: tallaalku waxa uu jidhka ku tababaraasidii uu u aqoonsan lahaa una dili lahaa fayrasyada iyo bakateeriya ka timaada dabada inta aanay xanuun sababin.
Badbaadinta bulshada: marka carruurtii la tallaalo xanuunkii ma helay habu u ku faafo. Tani waxay badbaadinaysaa bulshada dhexdeeda inuu ilaaliyo carruurta aan la tallaalin sababo caafimaad awgeed.
Badbaadinta wakhtiga iyo lacagta: ka hortaga ayaa ka fiican iska daaweynta. Tallaalku wuxuu qoyska ka baajiyaa lacagtii cusbitaal lagu tagi lahaa iyo wakhtigii ilmuhu kaga so kaban lahaa xanuunka.
Dabargoynta xanuunada: tallaalkii dhiirigelintiisa darted, xanuuno badan oo dunida dad adan ku laayey ayuu gabi-ahaanba dabar gooyay.
Khasaaraha ka dhasha tallaal la’aanta.
Tallaal la’aantu waxay halis weyn ku tahay caafimaadka ilmaha, qoyska, iyo dhamaan bulshada. Marka ilmaha aan la tallaalin, jidhkiisu ma helo hubkii uu kaga hortagi lahaa fayrasyada iyo bakteeriyada daran ee sababta ilaa heer dhimasho
Halis dhimasho iyo curyaanimo:
Dabaysha: waxay sababtaa curyaanimo aan dib loo bogsiin Karin.
Jadeeco: waxay carruurta ku sababtaa oof-wareen daran, maskaxda oo bararta, ama dhimasho.
Xiiq-dheerta: waxay xidhaa marinka neefsashada ilmaha.
Difaaca jidhka ayuu dhisaa: ilmaha aan la tallaalin marka uu so weeraro fayras amabakteeriyo, difaaca jidhkiisu ma yaqaano sidii uu ula dagaallami lahaa. Tani waxay u keentaa inuu cuddurkii si dhakhso ah ugu faafo jidhka, kaas oo keena dhibaatooyin caafimaad oo soo kabashadoodu muddo dheer qaadato.
Marka carruur badan oo bulshada ka mid ah aan la tallaalin, waxaa Meesha ka baxa difaacii wadajirka ahaa. Tani waxay sababtaa in xanuunadii la xakamayn kari waayo, cudduraduna dib u dilaacaan oo ka gudbaan magaalo, tuulo, ilaa miyi, taas oo saameynta ugu badani ku dhacdo carruurta yaryar.
Dhibaato dhaqaale: lacag badan oo qoyska u kaydsanaan lahayd ayaa ka baxaysa, sidoo kale waxa uu murugo iyo walaac ku abuuraa qoyska ilmaha yar ee aan qabin tallaalka. Haddii u uku dhaco mid kamida cuddurada aynu soo sheegnay, sida dabasha. Dabayshu ma lahaa dawo haddii ay ilmaha ku dhacdo waxay ka dhigtaa curyaan.
Gunaanad:
Tallaalku maaha oo kaliya doorasho caafimaad, ee waa gaashaan iyo badbaado nolosha ilmaha dhashay ilaa uu ka gaadhayo laba sanno. Tallaalku waxa uu ilmaha ka ilaaliyaa xanuunada nafta halista galiya sida dabaysha, jadeecada, iyo oof-wareenka. Marka uu ilmuhu qaato dhamaan tallaalkii loo baahnaa, kaliya naftiisa lama badbaadinee waxa la badbaadiyay bulshada oo dhan. Tallaal la’aantu waxay horseedi kartaa curyaanimo aan dib loo bogsiin Karin, dhibaato dhaqaale, iyo halis dhimasho laga baaqsan karayay haddii talaalka la siin lahaa ilmaha yar. Caafimaadka iyo horumarka ilmahaagu waa maalgashiga ugu weyn ee nolosha. Waalid xaqiiji inaad jadwalka tallalka si sax ah u raacdo oo aad si joogto ah u booqato xaruumaha lagu bixinayo noocyada kala duwan ee tallaalka.



0 Comments