LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.

 Hordhac:

Mawduuca manta waxa aynu ku eegi doona daryeelka iyo kor u qaadida nadaafada ilmaha yar, waxtarka uu u leeyahay ubadka, iyo gunaanadka.

Daryeelka iyo nadaafadda ubadku waa aasaaska cafimaadka, koritaanka iyo farxada ilmaha. Madaama carruurtu marka ay yaryihiin difaacoodu aanu xaagannayn, nadaafad-darradu waxay si fudud ugu sahli kartaa xanuunada. Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa sida ugu habboon ee loo daryeelo nadaafadda iyo caafimaadka ubadka.

Nadaafadda jidhka.

Qubeys joogto ah: carruurta yaryar ee ka yar 1 sanno uma bahna in maalin kasta loo maydho haddii aanay wasakh lahayn sida, inay ku ciyaaraan dhoobada, lakiin waxa muhiim ah in 3-4 jeer loo maydho toddobaadkii taas ayaa ku filan ilmuhuna uu ka fogaanayaa inay ku dhacaan xanuunada ka dhasha nadaafad-darrada. Ilmaha ka weyn 3 sanno ee Sameeya ciyaaraha badan sida, orodka waxaa muhiim ah in loo maydho habeenkii inta uu seexan ka hor.

Biyo diiran iyo saabuun khafiifa: ilmaha marka loo maydhayo waxaa muhiim ah inad u isticmaasho sabuun iyo shamboo ku habboon da’diisa oo aan indhaha wax yeelo uga gaysanaynin madaama ilmaha yari aanu indhaha isku xidhaynin.

Qalajin: markaloo dhameeyo qubeyska waa in ilmaha yar loogu qalajiyo tuwaal jilicsan, gaar ahaan meelaha laalaabma sida luqunta, kilkilaha, iyo bawdooyinka si looga ilaaliyo inay ku dhashaan bakteeriyo.

Nadaafadda gacmaha: gacmuhu waa Meesha ugu muhiimsan ee u baahan in la maydho mar kasta, madaama ay gacmuhu yihiin jeermis qaadayaal fudud.

Waa in ilmaha la baro inuu gacmaha iska dhaqo markasta kuna nadiifiyo sabuun iyo biyo diirran.

Waa in ilmaha la baro inuu gacmaha si fiican u maydho, marka uu wax cunayo, marka uu dhameeyo cuntada, xilliga uu ka yimaado dabada, wakhtiga uu kasoo kaco hurdada, iyo marka uu musqusha ka yimaado.

In ilmaha laga gooyo cidiyaha toddobaadkii hal mar kuwa faraha iyo cagaha adiga oo u adeegsanaya qalabka loogu talo galay. Cidiyuhu waa Meesha uruurisa jeermiska haddii aan lagu dadaalin jaristoodana waxay keentaa dhibaato caafimaad.

Nadaafadda afka iyo ilkaha.

Haddii ilmuhu yahay mid aan gaadhin wakhtigii ilkaha, ku nadiifi ciridkiisa maro jilicsan iyo biyo diiran caanaha ka dib.

Haddii uu yahay kuwa ilkuhu u soo baxeen bar ilmaha inuu cadaydo ugu yaraan laba jeer maalintii subixii marka uu soo kaco, iyo habeenkii marka uu seexanayo.

Isticmaal caday jilicsan iyo dawo loogu talo galay o oleh xaddi yar oo fluoride ah si aysan dhib ugala kulmin haday liqaan.

Beddelida xafaayada:

Beddel degdeg ah: in ilmaha yar laga badalo xafaayada loogana tagin xafaayad leh wasakh muddo dheer, si uu uga badbaado xanuunada ka dhasha xafaayada.

Nadiifin sax ah: in si qoto-dheer loo nadiifiyo ilmaha marka laga badelo xafaayada adigo xagga hore iyo xagga danbe kala maydhaya si aanay isugu gudbin marinka xasarada iyo marinka kaadidu jeermis siiba gabdhaha.

Hawo siin: in ilmaha yar maalin kasta la siiyo wakhti uu ka nasto xafaayadda si uu maqaarkiisu u qaato hawo nadiif ah.

Maydhida alaabta ay ku ciyaaraan: carruurtu badanaa afka ayay geliyaan ciyaaraha yaryar ee ay ku ciyaaraan, waa in si joogto ah loo maydho marka ay seexdaan si ay hadhow dib ugu noqdaan yadoo nadiif ah.

Gogosha carruurta: waa in si joogto ah looga badelo go’yaasha iyo bustayaasha toddobaadkii hal mar si looga fogaado boodhka iyo wasakhda ku dhalata sariirta. Daryeelka ubadku maaha oo kaliya nadiifinta jidhka, afka, siinta jacayl iyo naxariis, siinta cunto caafimaad leh oo dheellitiran ayaa iyaduna qayb weyn ka qaadata koritaanka maskaxda iyo jidhka ilmaha.








Faa’iidada Nadaafadda.

Nadaafaddu waa tiirka ugu muhiimsan ee caafimaadkaiyo fayo-qabka qofka, qoyska, iyo bulshadaba. Sida ay inoo sheegtay diinteenna suubban [ nadaafaddu waa qayb kamida iimaanka]. Taasi waxa ay ina tusaysaa muhiimada ay nadaafadu u leedahay nolosheena maalin laha ah. Halkan waxa aynu ku soo koobaynaa waxtarka guud ee ay inoo leedahay.

Ka hortagga xanuunada iyo jeermiska: tani waa faa’iidada ugu weyn ee ay inoo leedahay nadaafadu si aynu uga fogaano xanuunada kadhasha nadaafad darrada. Inta badan jeermiska, fayrasyada, iyo bakteeriyooyinku waxa ay ku tarmaan meelaha wasakhaysan. Gacmo-dhaqida joogtada ah waxa ay ka hortagtaa xanuunada ku dhaca caloosha sida shubanka, iyo kuwa ku dhaca hab-dhiska neefsashada sida hargabka. Nadaafadda deegaanku waxay Meesha ka saartaa meelihii ay ku tarmi lahaayeen kaneecadu taas oo keenta xanuunka duumada/malariyada, iyo dukhsiga oo faafiya xanuunada.

Ilaalinta caafimaadka jidhka iyo maqaarka, in loo maydhaa carruurta waxay ka ilaalisaa caabuqa ku dhaca maqaarka. Ilkaha oo la nadiifiyo waxay ka hortagtaa suuska iyo urta aan fiicnayn ee kasoo baxda afka.

Hagaajinta caafimaadka iyo maskaxda. Deegaanka nadiifta ah iyo jidhku waxay si toosa ah u saameeyaan niyada iyo maskaxda. Marka gurigu yahay mid nadiif ah maskaxdu waxay noqotaa mid deggen oo dareenta raaxo. Deegaanka habaysan ee nadiifta ah waxa uu kor u qaadaa firfircoonida iyo diiradda marka uu qofku wax baranayo ama shaqaynayo.

Qofka ku dadaala nadiifinta jidhkiisa, timihiisa, iyo dharkiisaba wuxuu yeeshaa kalsooni buuxda marka uu bulshada ku dhex jiro. Tani waxay u fududaysaa inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho bulshada isaga oo si kalsooni leh u matala naftiisa iyo shaqadiisa.

Badbaadinta dhaqaalaha: nadaafaddu waa maalgashi caafimaad. Marka lagu dadaalo nadaafadda waxaa yaraanaya xanuunada ka dhasha nadaafad xumida. Taasina waxay badbaadinaysaa kharashkii kaga bixi lahaa dawooyinka iyo cusbitaallada. Nadaafaddu maaha wax hal mar la sameeyo, ee waa hab-nololeed joogto ah oo u baahan in carruurta lagu tarbiyeeyo marka ay yaryihiin si ay caado ugu noqoto marka ay weynaadaan.








Gunaanad:

Nadaafadda iyo daryeelka ubadka maaha uun hawl maalmeed lagu khasbanyahay, balse waa muujinta ugu horreysa ee jacaylka, naxariista, iyo mas’uuliyadda uu waalidku iska saaro. Marka aynnu ubadkeena barno nadaafadda, waxa aynu u dhisaynaa gaashaanka ugu adag ee ay kaga hortagaan xanuunada, waxa aynanaftooda ku abuuraysaa kalsooni. Waalidku waa inuu ubadka tusaale u noqdaa, marka uu ilmihii arko waalidkiisa oo markasta nadiifinaya ilkihiisa, maydhaya gacmaha, dharka wasakhda leh iska ilaalinaya iyaga faraya wax kasta oo uu sameeyo, ilmuhu si toos ah ayuu u aqbalayaa isna inuu noqdo mid nadaafaddu agtiisa qaali ka tahay. Barbaarinta toosan waxay ka bilaabataa caafimaadka iyo fayo-qabka ubadka, nadaafadduna waa furaha koobaad ee furaya albaabkaas. Samee xaercaadooyin maalin le ah si nadaafaddu u noqto muhiimada kobaad ee nolosha.




Post a Comment

0 Comments