Doorka ay hooyada iyo aabuhu ku leeyihiin koritaanka iyo tarbiyada caruurta.
Doorka hooyadu ku leedahay koritaanka ilmaha yar iyo tarbiyadiisu waa mid aasaasi ah oo aan la bedeli karaynin madaama hooyadu tahay dugsiga ugu horeeye ee ilmuhu wax kaso barto noloshiisa. Muhiimada uu ilmaha u leeyahay doorka hooyadu. Dugsiga ugu horeeya ee ilmuhu so maro= Hooyadu waa qofka ugu horeeya ee ilmaha bara hadalka, hab-dhaqanka wanaagsan, qiyamka nolosha. Hooyadu ilmaha yar waxay bartaa labada sanno ee noloshiisa ugu horaysa muhiimada ay leedahay noloshu. Dejinta jadwal maalinle ah iyo nidaaminta ilmaha= Hooyadu waxay xooga saarta sidii ay u maamuli lahayd jadwalka hurdada ee ilmaha, barida waqtiga cuntada, iyo abuurista jawi dhiirigelineed, nadaafada ilmaha taas oo ilmaha muhiim u ah intii ka yaryahay shan sanno. Maamulida dareenka iyo maskaxda ilmaha yar= Ilmaha yari waxa uu u baahanyahay Dareen badbaado iyo jacayll siin joogto ah siu u ugu koro caafimaad qab maskaxeed iyo mid jidh ahaaneed. Hooyadu waa Meesha kali ah ee ilmuhu uu kuso cararo marka uu dareemo cabsi....