Kala duwanaanshaha korimeed ee wiilasha iyo gabdhaha.
Kala duwanaanshaha koriimeed iyo wiilasha iyo gabdhuhu waa mawduuc muhiim u ah waalid kasta, taas oo u fududaynaysa fahamka koriinka carruurta. Inkasta oo ilmo kasta leeyahay xawaare koriimeed oo u gaar ah, haddana cilmi-baadhisyadu waxay sheegaan in ay jiraan kala duwanaansho muuqda oo u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha. Qodobbada ugu muhiimsan ee kala duwanaanshaha. Koriinka luuqadda iyo hadalka Gabdhaha= Sida caadiga ah, gabdhuhu waxay hadalka iyo luuqadda ka hor bartaan wiilasha. Sababtuna waa gabdhuhu waxay si dhakhso ah u fahmaan ereyada, taasina waxay ka dhigtaa inay awood u yeeshan inay sameeyaan weedho dhamaystiran yago yar. Sido kale waxay gabdhuhu ku fiican yihiin fahamka dareenka wejiga iyo luuqadda jidhka. Wiilasha= Wiilasha waxay ka ragaan hadalka marka loo eego gabdhaha. Wiilashu waxay inta badan xoogga saaraan ficilka marka loo eego ereyada si ay isu muujiyaan. Dhaqdhaqaaqa iyo xirfadaha gacanta Gabdhaha= Gabdhuhu waxay ku dheereeyaan xirfadaha laga qabto gacanta, si...