Kala duwanaanshaha koriimeed iyo wiilasha iyo gabdhuhu waa mawduuc muhiim u ah waalid kasta, taas oo u fududaynaysa fahamka koriinka carruurta. Inkasta oo ilmo kasta leeyahay xawaare koriimeed oo u gaar ah, haddana cilmi-baadhisyadu waxay sheegaan in ay jiraan kala duwanaansho muuqda oo u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha.
Qodobbada ugu muhiimsan ee kala duwanaanshaha.
Koriinka luuqadda iyo hadalka
Gabdhaha= Sida caadiga ah, gabdhuhu waxay hadalka iyo luuqadda ka hor bartaan wiilasha. Sababtuna waa gabdhuhu waxay si dhakhso ah u fahmaan ereyada, taasina waxay ka dhigtaa inay awood u yeeshan inay sameeyaan weedho dhamaystiran yago yar. Sido kale waxay gabdhuhu ku fiican yihiin fahamka dareenka wejiga iyo luuqadda jidhka.
Wiilasha= Wiilasha waxay ka ragaan hadalka marka loo eego gabdhaha. Wiilashu waxay inta badan xoogga saaraan ficilka marka loo eego ereyada si ay isu muujiyaan.
Dhaqdhaqaaqa iyo xirfadaha gacanta
Gabdhaha= Gabdhuhu waxay ku dheereeyaan xirfadaha laga qabto gacanta, sida inay xidhaan badhamada, qorista, sawir-gacmeedyada iyo adeegsiga qalabada yar-yar. Tani waxay gabdhaha ka caawisainay si fudud ula qabsaan dugsiga.
Wiilasha= Wiilashu waxay inta badan xoogga saaraan dhisida muruqyada. Wiilashu waxay aad ugu firfircoonyihiin orodka, booddada, iyo dhisidda waxyaabaha waaweyn. Waxay u baahanyihiin meel ay tamartooda ku bixiyaan.
Gabdhaha= Waxay inta badan muujiyaan Dareen naxariis iyo xidhiidh bulsho oo xooggan iyagoo yar.Gabdhuhu waxa ay inta badan jecelyihiin ciyaaraha ku salaysan ku dayashada hooyada, sida, daryeelka caruusadaha ama inay guri-guri ku ciyaaraan. Waxay si fiican u akhriyaan dareenka hooyada iyo ka dadka kale.
Wiilasha= Wiilashu waxay inta badan xoogga saaraan ciyaaraha tartanka iyo loolanka ku salaysan. Mararka qaarkood waxaa ku adkaata inay si fiican u muujiyaan dareenkooda sida, niyad jabka ama cadhada, waxayna u baddelaan ficil jidheed.
Tababarka suuliga.
Gabdhaha= Gabdhuhu waxay ka hor bartaan tababarka dhanka suuliga si dhakhso ah marka loo eego wiilasha.Tani waxay xidhiidh toos ah la leedahay horumarka hab-dhiska neerfaha iyo xakamaynta kaadida.
Wiilasha= Wiilasha waxay ku qaadata inay si buuxda u bartaan xakamaynta kaadida iyo saxaradu wakhti yar dheer, waxay u baahanyihiin dulqaad iyo Samir marka loo eego gabdhaha.
Waxyaabaha ay Gabdhuhu la gaar yihiin.
Koritaanka dhanka maskaxda. Daraasado la sameeyay ayaa waxay sheegayaan in maskaxda gabdhuhu si dhakhso ah u korto marka loo eego wiilasha, gaar ahaan qaybaha qaabilsan luuqadda, xasuusta iyo xakamaynta dareenka. Tani waxay keenaysaa:
Inay si dhakhso ah u bartaan hadalka iyo akhriska.
Inay ka dagganadaan wiilasha marka ay yar-yar yihiin isna xakamayn karaan.
Sirdoonka Dareenka= Gabdhuhu waxay leeyihiin awood u gaar ah oo ay ku fahmi karaan dareenka dadka kale.
Akhriska Wejiga= Gabdhuhu waxay aad ugu xeeldheer yihiin inay aqoonsadaan dareenka ka muuqda qofka ay la kulmaan sida, murugada, cadhada, farxadda, iyaga oo eegaya uun wajiga qofka.
Muujinta dareenka= Gabdhuhu waxay si fudud ugu muujin karaan dareenkooda qaab hadal ah, taasina waxay ka caawisa gabdhaha inay xalliyaan dhibaatooyinkaya yago isticmaalaya qaab wada-hadal ah halkii ay gacan qaadi lahayeen.
Daryeelka dabiiciga ah= Gabdhuhu waxay muujiyaan daryeel yago aad u yar tahay da’dooduba oo waxay isku dayaan inay caawiyaan waalidkood, gaar ahaan hooyada marka ay ku guda jirto hawl maalmeedka guriga. Sido kale waxay muujiyaan inay u naxariistaan carruurta ka yar-yar, xanaaneeyaan, ama ay u naxariistaan qofka xanuusanaya.
Wada qabashada dhawr shaqo hal mar= Gabdhuhu waxay aad ugaga duwanyihiin wiilasha inay awood u leeyihiin inay qabtaan dhawr shaqo hal mar, halka ay wiilashu xoogga saaraan hal shaqo.
Waxyaabaha wiilashu la gaar yihiin.
Koritaanka muruqyada.Wiilasha koritaankoodu waxa uu sidabiici ah xoogga saara murqaha iyo lafaha.
Tamar badan= Wiilashu waxay inta badan leeyihiin tamara ad u sarraysa oo ku riixda inay sameeyaan dhaqdhaqaaq badan, sida, orodka, boodboodka, fuulista meelaha dhaadheer iwm.
Ciyaaraha adag= Wiilashu waxay inta badan jecel yihiin is jiid=jiidka, lagdanka taas oo ay ku bartaan awoodooda iyo kalsoonida ay ku qabaan naftooda.
Qaadashada khataraha.
Dhiirranan= Wiilashu waa kuwo dhiirran marka loo eego gabdhaha, waxay tijaabiyaan ama ka wardoonaan wax aanay garanaynin khatartiisa.
Barashada tijaabinta= Wiilashu waxa ay jecel yihiin inay tijaabiyaan wax kasta oo ay ishooda ku arkaan.
Qabashada hal shaqo= Wiilashu halkan waxay si weyn ugaga duwanyihiin gabdhah. Yagu waxay xoogga saaraan hal shaqo.



0 Comments