Hordhac:
waxaynu manta ka hadlaynaamarxaladaha kala duwan ee ay maraan carruurtu laga bilaabo 0-18 sanno, sida loola dhaqmo, waxayaabaha uu u baahanyahay iyo faa’iidadaay leedahay marka si wanaagsan loo dhiso koritaanka ubadka iyo gunaanad.
1. Marxaladaha koritaanka ee ubadku waa safar cajiiba ah oo isbadal badan leh, kaas oo u qaybsama dhawr marxaladood oo muhiim ah laga bilaabo Malinta uu dhasho ilaa qaan-gaadhnimada. Marxalad kastaa waxay leedahay astaan u gaar ah dhanka maskaxda, jidhka iyo Dareen ka ah. Hooyadu waxay laf-dhabar u tahay koriinka ilmaha marka uu dhasho. Halkan waxaynu kusoo qaadanaynaa shan marxaladood oo muhiim ah taas oo ilmuhu maro.
Marxaladda Naas-nuujinta(0-1 sanno): kani waa xilliga ugu horaysa ee ilmuhu bilaabo safarkiisa korimeed kaas oo si dhakhso ah ku socda.
Koritaanka jidhka: iomuhu marxaladan wuxuu fahmaahabka uu u sheegi lahaa marka ay baahi qabato. Hooyadu waxay gashaa afartan maalmood taas oo haddii ay ku guulaysato inay ilmaheeda si sax ah u siiso caanaha naaska uu helayo koriimo jidheed oo sax ah. Taasi waxay iomaha ka caawisa inuu hadhow noqdo mid garaadkiisu u koro sidii ugu fiicnayd
Xidhiidhka dareenka: ilmaha yar waxa uu dareenkiisu ku xidhmaa dadka daryeelaya gaar ahaan hooyada, waxa uu ilmuhu awood u yeesha inu kala garto hooyadii iyo dadka kale isago wali ku jira bilaha ugu horeeya ee noloshiisa, waxaana u uku muujiya baahidiisa oohin si loo fahmo.
Garashada: marka uu ilmuhu so koraba waxa uu bilaabaa inuu kala saaro wajiyada dadka guriga ku nool iyo kuwa qariibka ah, sido kale waxay bilaaban inay afka galiyaan wax kasta oo ka ag dhaw. Ilmuhu marka uu so gaadho lix bilood waxa loo bilaabaa cuntada, jidhkiisu habeen kasta koriimo cusub ayuu sameeyaa, waxa uu bilaabaa inuu madaxa kor u qaado, is rogo, beerka ku socdo, ugu danbayntana uu bilaabo guurguurad ama inuu jilbaha ku socdo taas oo ku hagta inuu isku dayo inuu istaagi karo isagoo taageero ka dhigta gidaarka. Hadaba ilmuhu inta u uku jiro marxaladahaas kala duwan haddii uu helo hooyo aqoon u leh koritaanka ubadka cuntooyinka la siiyo sida loo maareeyo wakhtigiisa waxa uu si dhaba u helaa koritaan sax ah oo caafimaad jidheed iyo maskaxeed ba leh.
2. marxaladda socod baradka(1-3 sanno): wakhtigan ilmuhu waxa uu dareema inuu yahay shakhsi madax banana oo meel walba oo cusub wuxuu isku dayaa inuu ka wardoono. Ilmuhu markauu marxaladdan ku jiro waxa uu u baahanyahay waalid aan ka maqshuulin, sababta oo ah waxa uu u nugulyahay inuu naftiisa khatar geliyo, madaama aanu lahayn garaadkii uu ku kala sooci lahaa wax kasta oo naftiisa khatar gelinaya.
Socodka: ilmuhu marxaladdan waxa u uku bartaa socodka gaaban isaga oo ka cabsanaya inuu si toosa socod dheer u sameeyo, waxa u uku xigsiiyaa orodka isaga oo ugu danbayn noqda mid dhamaystiran oo meel kasta fuula.
Luuqadda: ilmuhu waxa uu bartaav ku dhawaaqista ereyada lagu dhex isticmaalo guriga, iyaga oo awood u yeesha inay dhisaan jumlado gaagaaban.
Dareenka: xilligan waxay ubadku bilaaban madax adayg iyo cadho fudud, sababta oo ah waxay rabaan wax kasta inay isku dayaan.
Marxaladda ciyaarta(3-5 sanno): marxaladdan waxay ubadku
bilaabaan inay la ciyaaraan carruurta kale ee degaanka la ah. Waa wakhtigaay aadka u jecelyihiin sheekooyinka carruurta ka hadla iyo inay jilaan sida, macallin, dhakhtar, askari, iwm. Waxay bartaam midabada, xarfaha, tirooyinka fudud, iyo inay waydiiyaan dadka su’aalo aan dhamaad lahayn.
3. Marxaladda dugsiga(6-13 sanno): xilligan waxa uu ilmuhu noqdaa mid xoogga saara barashada addun kale ee ka baxsan qoyska sida, inuu book wax ku qoro, sameeyo dawashooyin kala duwan.
Aqoonta: xilligan ubadku waxay yeeshaan awood ay ugu fakaraan si qotodheer, waxay isku dayaan akhriska iyo qorista xarfaha.
Xidhiidhka bulshada: wakhtigan waxay bilaabaan inay sameeyaan is-dhexgalka carruurta kale ee dhigooda ah. Tani waxay muhiim u tahay ubadka waxayn ka caawisa inay ku bartaan xallinta dhibaatooyinka yaryar ee asaasiga ah.
Is-aaminaad: xilligan haddii ilmaha lagu ammaano hawsha ay qabanayaan laguna dheerigeliyo waxay yeeshaan kalsooni sare; haddii si joogto ah loo eedeeyana waxay dareemaan inay yihiin kuwo liita.
4. Marxaladda qaan-gaadhnimada(13-18 sanno): marxaladdani waa xilliga uu ilmuhu ka baxayo carruurnimadii una gudbayo qaan-gaadhnimadii waa xilli kala guur oo ay adagtahay in ilmaha la fahmo dareenkiisa. Waa xilli isbbedel ku dhaco hormoonada jidhka. Wakhtigan ubadku waxa ay u baahanyihiin in la siiyo muhiimad gooniya si aanu ugu dhican mustaqbal xun.
Isbedelka jidhka: wakhtigan waxaa ilmaha ku dhaca isbedel degdeg ah oo xagga dhererka ah iyo qaabka jidhka.
Aqoonsi shakhsiyadeed: marxaladdan ilmuhu waxa uu is waydiiya ‘yaan ahay’, ‘xagee u socda’, yaga oo raadinaya madax bannaani ka baxsan ta qoyska. Ubadku isku si umawada koraan. Mid kastaa waxa uu leeyahay awood u gaar ah oo u uku maro marxaladahan. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in ilmahalasiiyo jawi iyo deegaan ammaan ah, kalgacal iyo dhiirigelin joogto ah leh siu u u gaadho hiigsigiisa.
Faa’iida ay leedahay ilmaha oo la siiyo koritaan sax ah.
Marka ilmaha la siiyo koriin sax ah oo isu dheelitiran, jidhahaan, maskax ahaan iyo nafaqadiisa oo kor loo qaado waxaa soo baxa mustaqbal nololeed oo guulaysta. Koritaanka saxda ah kaliya saameyn kuma yeesha inta uu carruurta yahay, balse waa maalgashi uu qofku ku noolaado inta uu noolyahay odhan. Hadaba ilmuhu wuxuu ka helaa koritaanka qumman:
1. Dhismaha maskax iyo caqli saafi ah.
2. Waxa uu dhisaa kalsoonida nafeed ee ilmaha.
3. Bulshada dhexdeeda ayuu hal-abuur ku noqdaa.
4. Wuxuu yeeshaa mustaqbal guulaysta iyo madax-bannaani.
Gunaanad:
Ubadku waa sida geedka oo kale haddii aad ku waraabiso biyo nadiif ah, kuna daryeesho ciid nafaqo leh, waxa uu noqdaa geed adag oo laga helo hadh iyo midho macaan. Waalid daryeelka iyo tacabka aad manta ubadkaaga galiso waa mustaqbalkauu bari uu meel sare ku gaadhayo. Koritaanka iyo barbaarinta saxda ah ee ilmaha lagu koriyaa yadoo lala socdo hadba marxaladda uu marayo laguma dhisi karo maalin kaliya, balse waa safar dheer oo u baahan dulqaad, Samir joogto ah iyo faham qoto-dheer, taas ayaa lagu gaadhi karaa ubad wax soo saar u leh naftooda iyo bulshadaba. Marka aynu manta wakhtigeena u hurno ubadkeena, waxa aynu dhisaynaa jiil isku kalsoon oo bulshada wax ka tara. Waalid wixii aad manta ku abuurtid qalbiga iyo maskaxda ubadkaagu, waa midhaha aad goosan doonto mustaqbalka.




0 Comments