LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Saamaynta teknoolajiyadu ku leedahay koritaanka ubadka.

 Tiknoolajiyadu waayadan danbe waxay noqotay qayb ka mid ah nolol maalmeedka carruurta, saamaynta ay ku leedahayna koritaanka ubadkuna waa mid leh laba weji. Saamayn togan (fiican) iyo saamayn taban (xun).

Halkan waxaynu ku falanqayn doona saamayntaas kala duwan ee ay ubadka ku leedahay, iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara.

Koritaanka Maskaxda iyo Aqoonta: (Cognitive Development). 

Saamaynta togan (fiican): Saamaynta dhinaca wanaagsan ama in qalabka casriga ah ee tiknoolajiyada loo adeegsado dhinaca wanaagsan waxay furtaa albaabo cusub oo aqooneed, taas oo carruurta ku hagta in ay ka bartaan luuqado cusub iyo xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin xisaabta, iyo cilmiga sayniska yagoo adeegsanaya (Apps) loogu talagalay waxbarashada.Tiknoolajiyadu waxay kale oo ay ubadka ka caawisa inay baartaan sida loo xalliyo dhibaatooyinka (Problem solving) marka ay ciyaarayaan ciyaaraha fekerka u baahan.

Saamaynta taban (xun): Isticmaalka xad-dhaafka ah ee ubadku wuxuu yareeya ama hoos u dhigaa awoodda fiirsashada iyo dhuuxista waxa ay daawanayaan (attension span), sido kale, daawashada badan ee muuqaallada deg-dega ah waxay curyaamin kartaa hal-abuurka dabiiciga ah ee ilmaha yar iyo awooddiisa feker.

Koritaanka jirka (Physical Development): 

Saamaynta taban (xun): Dhibaatada ugu weyn ee ay ilmaha ku keeni karaan waxaa ka mid ah, carruurta saacado badan ku qaata inay daawadaan shaashadaha kala duwan waxay waayaan fursadii ay ku samayn lahaayeen dhaqdhaqaaq jidheed sida, (oradka, boodada iyo ciyaaraha debeda). Tanina waxay ilmihii ka dhaxli karaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin cayilnaan xad-dhaaf ah, dhibaatooyin dhanka araga ah iyo daal jidheed iyo mid maskaxeed.

Dhabarka iyo luqunta oo xanuuna: Taas oo ka dhalata fadhigan faraha badan dartiis.

Cilladaha hurdada: Iftiinka buluuga ah ee ka soo baxa shaashaduhu wuxuu dhibaateeya soo saarista hormoonka hurdada (melatonin), taas oo ilmihii yaraa u keeni karta hurdo la’aan ama hurdo xumo.

Koritaanka Bulshada iyo Caadifada (Social and Emotional Development).

Saamaynta togan (fiican): Dhanka wanaagsan hadii aynu ka eegno waxay ilmaha yar ka caawisa in ay xidhiidh la yeeshaan xubnaha qoyska ee markaas ka fog, sida ayeeyo, awoowe iyo xubnaha kaleba ee dibadda jooga iyago adeegsanaya muuqaalka tooska ah.











Saamaynta taban (xun): Ilmaha si toos ah ula falgala toknoolajiyada ama qabatima daawashada aaladaha, wuxuu waayaa xirfadihii bulshada ee muhiimka ahaa. Ilmahaas waxa ku adkaata inuu si toos ah ula xidhiidho dhinacyada kala duwan ee bulshada, fahamka luuqada jidhka iyo dareenka dadka kale. Taasi waxay ilmihii yaraa ku keentaa inuu noqdo mid ku jira xaalad go’doon (isolation) iyo kalinimo, waxay marka danbe isu bedeshaa walwal (anxiety) ama niyad jab.

Koritaanka Luuqadda iyo Hadalka:(Language Development).

Saamaynta taban (xun): Daraasado badan oo la sameeyay ayaa muujiyay in carruurta yar-yar (gaar ahaan kuwa ka yar laba sanno) ee loo daayo daawashada shaashadaha ay inta badan ka daahaan hadalka. Ilmuhu wuxuu luuqadda ku bartaa is dhex-galka bulshada iyo wadahadalka tooska ah ee dadka waaweyn, laakiin shaashadu waa xidhiidh hal dhinac ah isaga oo kaliya ayaa dhagaysanaya, taasina ilmihii yaraa kama caawin karto inuu barto luuqadii.

Si looga badbaado saamaynta taban, lona helo mid togan waalidiinta waxaa la gudboon in ay xaddidaan wakhtiga shaashada. Ilmaha ka yar labada sanno waa in aan loo ogolaan shaashada marka laga reebo xidhiidhka qoyska dibada jooga. Ilmaha ka weyn laba sanno ilaa shan sanno, waa in loo ogolaada hal-saac maalintii ama ka yar iyada oo loo doorayo barnaamijyo tayo leh oo waxbarasho ah. Waalidka waxaa la gudboon in aanu ilmaha farta ka saarin mobilka ama aalada markaas u isticmaalayo, taas bedelkeeda waa in uu la daawada oo uu isagu gacanta ku hayaa.

Tiknoolajiyadu maaha cadaw ee waa alaad u baahan maamulid iyo xaddidaad si loo helo koritaan ubad oo caafimaad qaba.












Sidee uga goyn karnaa ilmaha la qabatimay isticmaalka tiknoolajiyada?

Si ilmaha looga fogeeyo shaashadaha iyo aaladaha casrigaa, ilmaha kuma filna oo kaliya in lagu yidhaahdo ‘Taleefanka dhig’, sababta oo ah ilmaha la qabatimay isticmaalka shaashaduhu wuxuu dareemaya caajis iyo daal farabadan. Sirta ugu weyn ayaa ah in ilmaha la siiyo bedel ka xiiso badan ama la mid ah shaashada oo kale. Carruurta waxad uga dhigi kartaa bedelka shaashadaha waxay ay jecelyihiin, sida, biyaha inta lagu soo shubo baaquli, mid Kalena lagu dhaho ku wareeji, ciyaaraha dhoobada oo ay inta badan guryo ka dhisaan. Taasi waxay ilmaha ka caawisaa hal-abuurka iyo sidii ay u samayn lahaayeen qaabab kala duwan. Carruurtu waxay inta badan jecelyihiin inay dareemaan waxtarkooda dhinaca guriga. Hadaba ilmaha waa inad bartaa inuu ka caawiyo jikada, isla markaana kula diyaariyo cuntada. Ilmuhu wuxuu fahmayaa ahmiyada uu u leeyahay guriga, markasta oo ay gaadho wakhtigii la diyaarinayey cuntada, wuxuu isku dayayaa inuu wax kasta faraha kaqaado oo uu hawshaas qabto. Taasi waxay ilmihii siinaysaa tababar iyo koriin maskaxeed.

Saddex qodob oo looga jari-karo ilmaha shaashada.

Toddobaadka 1aad ilmaha ha ka jarin hal mar shaashada, sababta oo ah taasi waxay ilmihii ku keenaysaa gadood, iyo xanaaq farabadan. Ka yaree saacadaha uu daawado uguna bedel ciyaaraha kor ku xusan.

Noqo tusaale wanaagsan: ilmuhu qofka uu ku dayanayaa waa waalidka. Waalidku waa inuu isagu yareeya isticmaalka shaashada, hadii uu waalidku saacado badan ku qaato isticmaalkeeda ilmihiina ku yiraahdo akhri buuga taasi waxba kama bedeli karto ilmihii. Deji xeer guud oo uu qoysku u dhanyahay, sida: ma jiro taleefan xilliga cuntada, iyo labada saac ee ka horeeya hurdada. Ilmihii si fudud ayu uku qaadanayaa xeerkaas marka uu arko waalidkii oo ku dhaqmaya.

Wakhti sii ubadkaaga maalin kasta: Sababta ugu weyn ee carruurtu u aadan shaashadaha ma haystaan qof la ciyaara ama la hadla. Sii ilmahaaga 30 daqiiqo maalintii oo aad si dhab ah ula fadhiisato oo aad dhagaysato sheekadooda iyo inad u sheekayso adigu. Taasi waxay ilmihii hoos uga dhigaysaa inay aadan taleefanka.







Gabagabadii mawduuca manta:

Mawduucani waa mid aad u muhiim ah wakhtigan aynu joogno. Haddaba waalid masuuliyad ayaa ka saran ilmahaaga inad ku koriso degaan caafimaad qaba oo ka fog aaladaha casriga ah ee waayadan sida darran ugu faafay dunida caalam ka ah. Inad ilmahaaga si dabiici ah u barto ciyaaraha, waxay ka caawinaysaa inuu noqdo mid so jeeda oo firfircoon. Ilmaha waa in laga joojiya aaladaha casriga ah ee wakhtiyada danbe ubadka dhibaatada ku haya.

Post a Comment

0 Comments