LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

XUQUUQDA KA DHAXAYSA QOYSKA MUSLIMKA AH..

 Halkan waxaynu kaga hadlaynaa xuquuqda ka dhaxaysa waalidka, iyo xuquuqda carruurtu ku leeyihiin waalidkooda. Sido kale waxaynu sheegi doona xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkooda.

Xuquuqda ka dhaxaysa waalidka.

Xuquuqda hooyada= Hooyadu xuquuqda ay ku leedahay aabaha qoyska waa mid ay inoo sheegtay diinteena islaamka, waxaana ka mid ah:

MEHERKA

Nafaqada

Hoyga 

Dharka

In si naxariis leh oo ixtiraam ku dheehanyahay aad ula dhaqanto xaaskaga ilhy kugu deeqay.


Xuquuqda aabbaha= Aabbuhu xuquuqdiisu iyaduna waa mid ay inoo sheegtay diinteena islaamku.

In ay gabadhu adeecdo ninkeeda.

In ay ilaaliso sharaftiisa.

In ay ilaaliso maalkiisa.

In ay ilaaliso gurigiisa marka uu joogo iyo marka uu ka maqanyahayba.

Xuquuqda carruurtu ku leeyihiin waalidkood.

Islaamku waxa uu ubadka siiyay xuquuq gooni u ah ka hor inta aanay dhalan.

Doorashada Waalidka Wanaagsan: Aaabbaha iyo hooyaduba waxa waajib ka saaranyahay in ay ubadkooda u dooraan waalid wanaagsan. In aabbuhu u dooro ubadkiisa hooyo wanaagsan oo diin leh, sido kale hooyaduna ubadkeeda u doorto aabbe wanaagsan oo diin iyo qiyam wanaagsan leh.

Magac Wanaagsan iyo Tarbiyad= Waalidka waxaa laga rabaa inuu ubadkiisa u bixiyo magac wanaagsan oo diin ku dhisan, lana siiyo ilmaha yar tarbiyad diini ah iyo akhlaaq wanaagsan.

Cadaaladda Carruurta Dhexdeeda= Waalidka waxa waajib ka saaranyahay in aanu kala qaadin ubadkiisa wiilal iyo gabdhaba ama aanu kala jeclaan, isla markaana uu si siman u siiyo jacayl, naxariis, hadiyad, iyo waxbarasho wanaagsan diin iyo maadiba. Waxa uu xadiis ku yidhi nabigeenii suubana (N.N.K.H) (U CADAALAD SAMEEYE UBADKIINA DHEXDOODA).

Xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkiisa.

 Xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkiisu waa mid ka mid ah waajibaadka ilhy inna saaray kuwa ugu waaweyn, taas oo markasta lala xidhiidhiyo caabudaadda Alle.

Baari-nimo= Diinta islaamku waxay inna farraysa in waalidka loola hadlo si xushmad leh, gaar ahaan marka ay waaweynaadaan, iyo in waalidka lagu odhan eray xanaaq ka muuqdo si ‘UF’. Waxaa Alle subxanahu watacalaa ku sheegay qu’aarnkiisa, (HA HIIFINA OO HA KU ODHANINA UF, KU YIDHAAHDA HADAL WANAGSAN.

Masruufka iyo Daryeelka= waajibaadka inna saartay diinteena islaamku waxa ka mid ah ama xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkiisa in uu masruufo hadii ay u baahanyihiin iyo in uu daryeelo marka ay waayeel noqdaan.





Post a Comment

0 Comments