Doorka hooyadu ku leedahay koritaanka ilmaha yar iyo tarbiyadiisu waa mid aasaasi ah oo aan la bedeli karaynin madaama hooyadu tahay dugsiga ugu horeeye ee ilmuhu wax kaso barto noloshiisa.
Muhiimada uu ilmaha u leeyahay doorka hooyadu.
Dugsiga ugu horeeya ee ilmuhu so maro= Hooyadu waa qofka ugu horeeya ee ilmaha bara hadalka, hab-dhaqanka wanaagsan, qiyamka nolosha. Hooyadu ilmaha yar waxay bartaa labada sanno ee noloshiisa ugu horaysa muhiimada ay leedahay noloshu.
Dejinta jadwal maalinle ah iyo nidaaminta ilmaha= Hooyadu waxay xooga saarta sidii ay u maamuli lahayd jadwalka hurdada ee ilmaha, barida waqtiga cuntada, iyo abuurista jawi dhiirigelineed, nadaafada ilmaha taas oo ilmaha muhiim u ah intii ka yaryahay shan sanno.
Maamulida dareenka iyo maskaxda ilmaha yar= Ilmaha yari waxa uu u baahanyahay Dareen badbaado iyo jacayll siin joogto ah siu u ugu koro caafimaad qab maskaxeed iyo mid jidh ahaaneed. Hooyadu waa Meesha kali ah ee ilmuhu uu kuso cararo marka uu dareemo cabsi.
Baarida qiyamka iyo diinta islaamka= Tarbiyada wanaagsan ee ilmuhu waxay ku xidhantahay waalidkiisa madaama ilmuhu yahay cajalad oo kale waalid islu day inad ilmahaaga tusaale wanaagsan ugu noqoto dhanka wanaagsan sida run sheegida, daacadnimada, xushmada siinta bulshada iyo naxariista.
Caafimaadka iyo nafaqaynta ilmaha= Koritaanka jidhka ee ilmuhu wuxuu ku xidhanyahay waxa uu ilmuhu cunayo.Hooyadu waa inay mar kasta ka fekerta waxyaabaha ay ilmaha cunto ahaan u siinayso. Marka uu ilmuhu qaato ama cuno cunto isu dheeli-tiran , cabitaan badan, cuntooyinka baalka leh waxay ilmaha ka caawinaysaa inuu noqdo mid caafimaadkiisu wanaagsanyahay isla mar kaana maskax ahaan iyo jidh ahaanba u kora.
Ilmo kasta wuxuu ku koraa jawiga hooyadu ay ku jirto, hadii ay hooyadu tahay mid deggan, nidaamsan oo dhiiri-galisa ubadkeed, ubadka halkaas ku koraa waxay inta badan noqdaan qaar mustaqbal wanaagsan yeesha bulshadana wax u tara.
Doorka aabuhu ku leeyahay tarbiyada ubadka
Doorka aabuhu ku leeyahay koritaanka ubadku waa mid aad u ah muhiim.
Cilmi-baadhisyo badan oo la sameeyay ayaa sheegay in joogitaanka firfircoon ee aabuhu ka qayb qaadan karto koritaanka maskaxeed ee ilmaha, yado la rabo in ilmuhu ahaado mid ku koraa degaan wanaagsan.
Qodobada ugu muhiimsan ee aabuhu kaga qayb qaato koritaanka caruurta.
Horumarinta dareenka ilmaha iyo dhisida kalsoonidiisa= Caruurta ay aabbayaashu si dhaw ula falgalaan waxay inta badan yeeshan kalsooni aad u sarreysa. Ilmuhu marku dareemo jacaylka iyo tageerada aabuhu siinayo waxay u wajahaan mustaqbalka si dhiirranan leh.
Maareynta dareenka ilmaha= Aabuhu wuxuu ubadkiisa ka caawiyaa sidii ay u xakamayn lahaayeen dareemadooda sida xanaaqa, gaar ahaan markuu la ciyaarayo wuxuuna baraa inuu dulqaad la yimaado iyo u hoggaansananta shuruudaha ciyaarta.
Koritaanka maskaxda iyo tacliinta= Aqoonta iyo hab fikirka wanaagsan ee ilmuhu wuxuu ka yimaada dhanka aabaha. Cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay ayaa sheegaya in caruurta leh aabo firfircoon ay yeeshaan habka xalinta khilaafaadka ama dhibaatooyinka so wajaha.
Guusha waxbarashada= Aabbayaasha dhiirrigaliya ubadkooda dhinaca waxbarashada sida, inay akhris u sameeyaan, ka caawiyaan imtixaanada sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen waxay ka dhigta ilmahaas mid ku guulaysta waxbarashada.
Ka hortaga dhaqamada leexsan= wiilasha iyo gabdhaha inta badan kuso koraa meel aabbayashood joogaan waxay aad ugu fogyihiin in ay ka dhacaan nolosha.
Hab-dhaqanka mustaqbalka= Aabuhu wuxuu tusaale u noqdaa ubadkiisa gaar ahaan wiilasha. Wiilashu waxay aabbaha ka bartaan sidii ay u noqon lahaayeen nin masuul ah, ixtiraam leh, oo daryeela qoyskiisa. Gabdhuhuna waxay ka bartaan aabbaha sida haboon ee raga loola dhaqmoiyo nooca ixtiraam ee ay mudan yihiin ragu.
Doorka aabuhu maaha kaliya inuu masruufka qoyska bixiyo, lakiin doorkiisa ugu muhiimsani waa inuu noqdo waalid ubadka ku abuura jacayl, dhex gala, la saaxiiba ubadkiisa siu u uga fogaado in ubadkiisu ka baxaan gacantiisa.






0 Comments