Burburka qoysku waa mid ka mida marxaladaha ugu adag ee soo mara lammaanaha iyo ubadkooda. Si kasta oo uu usoo af-jarmo xidhiidhkii guurko, kii waalidnimo ayaa la rabaa in aanu Meesha ka bixin. Si loo ilaaliyo badqabka maskaxeed iyo Dareen ee ubadka, waxaa muhiim ah in waalidku si hufan oo xilkasnimo leh u wadaagaan mas’uuliyadii ubadka ka saarneyd. Halkan waxa aynu ku sheegi doonaa dhawr qodob oo muhiim ah oo ka hadlaya sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo ubadka burburka qoyska ka dib.
In carruurta laga fogeeyo khilaafka: waa muhiim ah in aan lagu dhex murmin carruurta hortooda, carruurtu uma baahna oo maskaxdoodu ma qaadi karto qallafsanaanta ka dhashay furiinkii waalidka. Waxaa muhiim ah in aan ubadka loo isticmaalin qaab wariyenimo ah, taas oo laga wado in aanad ilmahaaga waydiin muxuu aabahaa samaynayey ama hooyada? Iyo in aan ubadka losoo dhiibin fariimo kulul oo ku socda waalidka kamaqan. Taasi waxay Meesha ka saareysaa ixtiraamkii uu ilmuhu u hayn lahaa kolbawaalidka ka maqan.
Iskaashiga Labada Waalid: in kasta oo ay adagtahay, lakiin waxaa fiican in si ixtiraam leh loo wada xidhiidh. Waa inad isku daydaan inaad si degen uga wada hadashaan arrimaha ubadka, haddii ay ahaato dhanka waxbarashada, caafimaadkooda, iyo masruufkii la siin lahaa yado Meesha laga saarayo wixii kalifaad ku ah aabaha, iyo sidii loo siin lahaa koriin fiican iyo tarbiyad suuban. In carruurtii loo sameeyo xeer fudud oo cad taas oo ay ka midaysanyihiin waalidku yago kala tagay. In ubadkii loo ogolaado inay xidhiidh fiican la yeeshaan hadba waalidka ka maqan si aanu ilmihii ugu dhicin jahwareer nololeed.
Sii carruurta Kalsooni iyo Ammaan: waalid ilmaha u xaqiiji in aanu dhibku iyaga ahayn, balse ay tahay qadar Alle. Carruur badan ayaa aammin san in burburka qoysku ku yimid khalad ay iyagu sameeyeen. Waalid waxaa lagaaga baahanyahay inad ilmaha u xaqiijiso inanu khalad ku lahayn waxa dhacay. In ilmihii si joogto ah loogu celceliyo tani waa arrin weyn oo na dhex maray aniga iyo aabbe, lakiin waanu idin jecelnahay.
Ka Foggow Inaad Ceebayso Waalidka maqan: in kasta oo ay jirto markasta cadho laysu qabo, lakiin waa inaad ka foggaato inad af-lagaado kula kacdo waalidka maqan, ilmuhu wuxuu ka koobanyahay laba qaybood, mid aabaha ah iyo mid hooyada ah, marka mid la caayo wuxuu u qaadanayaa in isaga la caayey.
Dhageyso Dareenkooda: carruurtu waxay maraan marxalado kala duwan sida, cadho, murugo, iyo aamusnaan. Waalid sii fursad aad ugu muujiso naxariis kuna dhegeysato adigoo aan xukumaynin. Carruurtu kuma bogsadaan waalid wada nool oo maalin kasta dagaalama, lakiin waxay ku bogsadaan laba waalid oo kala fog hadana si nabad iyo ixtiraam leh u wada daryeela ubadkooda. Burburka qoysku waa isbedel weyn, lakiin marka mudnaanta la siiyo barbaarinta ubadka si wada jir ahna loo wada daryeelo ubadka, carruurtu waxay noqdaan qaar hela fayoobi gudeed iyo jidheed.
Khasaaraha ka Dhasha Burburka Qoyska
Burburka qoysku waa arrin xanuun badan ku reeba xubnihii uu qoysku ka tirsanaa sida, lammaanihii, carruurtii, iyo guud ahaan bulshadii. Marka masiirka qoysku ku dhamaado kala tag, qasaraha ka dhasha waa mid dhinacyo badan taabanaya.
Khasaaraha ku dhaca caruurta: caruurtu waa dhibanayasha kowaad ee burburka qoyska waxay la kulman dhibaatoyin dhanka nolasha iyo garaadka . wuxu ku keena saamayn kalsooni daro,cabsi,iyo mararka qaarkood inay isku eedeyan kala taga walidkood. Waxa ay unuglaadan niyad jabka iyo caafimaad daro maskaxeed. Hoos udhaca dhanka waxbarashada ah,degganaan la’aan dhanka guriga ah waxa ay keenta in uu ilmuhu waayo daryeelki uu wax ku baran laha,taas oo hoos udhigta dhibciisaha dugsiga.
Khasaaraha dhaqaale : kala tagu waxa uu si toosa uwaxyeleya nidaamke dhaqaale ee qoyska ,wuxu laban-laaba kharashki ku baxayay hal meel wuxu ka dhiga laba meelod.
Khasaaraha caafimaad iyo mid nafsi ah: guur kasta oo dhamaada waxa uu reeba nabar iyo culays badan. Labada qof ee kala taga waxa ay dareeman kalinimo ,go’doon iyo culays maskaxeed taas oo keeni karta xanuunada dhiikarka iyo hurdo la’aanta. Waxa dhex mara labadi qof ee kala tagay colaad, nacayb, iyo dacwo aan dhamaad lahayn oo ka imanaysa dhanka masruufka iyo habka wax bixinta. Taasina waxa ay kordhisa naxariis darada dhex marta ehelada labada qof.
Khasaaraha dhanka bulshada:qoysku waa laf dhabarta bulshada hadi uu ka baxo Meesha bulshaduna way daciifaysa. Burburka qoysku waxa uu banaanka so dhiga caruur badan oo waaya daryeel waalidnimo marka burburka qoyska ku bato bulshada dhexdeeda ,dhalinyarada guur-doonka ah waxa ku dhasha cabsi ay ka cabsanayan inay reer dhistaan taas oo hoos udhigta heerka guurka saxda ah
Talo iyo wax sheeg marka qoysku isku dhaco.
In la kala saaro khilaafka lamaanaha iyo ka waalidnimo waxa laysku haya waa guurka ee maaha awlaada. Khilaafku yu san noqon mid saameeya daryeelki,jacaylki,naxariisti iyo wakhti siinti carruurta.
Guriga haka dhigina goob dagaaal carruurtu uma adkaysan karan hadalada kulul ee dhex maraya waalidka marka isku dhac yimaado waa in lagu wada hadla meel ka fog ubadka
Ha ka codsan carruurta inay dhinac doortaan.
Ixtiraam xilliga cadhadu jirto.
Hadal naxariis leh, wanaag iyo wax sheeg.
Talo iyo wax sheeg marka qoysku burburo
Marka uu dhaco furriin iyo qoys burbur waa marxalada ugu adag ee uu maro qof bani’aadam ah, waa xilli ay kacsanyihii dhamaan shucuurta lammaanahaas kala tagay, lakiin waa in la ogaadaa in burburka qoysku uusan ka dhignayn burburka nolosha oodhan.
In mid kasta oo kamida lammaanuhu aqbalaan qadarta dhacday iyo boga cusub ee u furmay.
Inay noqdaan lammaanihii kala tagay shuraako kawada tashada daryeelka ubadkii ka dhexeeyay si wadajir ahna u tarbiyadeeyaan.
Ilaalinta sirta iyo sharaftii uu lahaa qoyskaas dumay.
In wakhti la siiyo nafta, si ay uga bogsato dhibkii iyo xanuunkii kaga yimid burburkii ku dhacay qoyskiisa.
Gunaanad:
Furiinku maaha dhamaadka adduunka, balse waa isbedel ku yimi qaab nololeedkii ka dhexeeyay lammaanihii ku guulaystay inay reer samaystaan in ay maantana si hufan u wada qaateen inay si Sharaf iyo ixtiraam leh u kala tagaan, iyago mudnaanta siinaya ubadkooda. Marka uu Meesha ka baxo qoyskii, waalidka waxaa saran inay si wadajir ah uga shaqeeyaan daryeelkii ubadkooda, masruufkoodii iyo tarbiyadoodiiba.



0 Comments