LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Dhaqamada wanaagsan ee waalidku ilmihiisa u gudbin karo.

 Waa maxay dhaqan?

Dhaqanku waa waxyaabaha uu qofku ka barto qof kale dhaqankaasi mid xun iyo mid wanaagsan ba wuu noqon karaa. Dhaqamada wanaagsan ee ilmuhu ka baran karo waalidkii waxaa ka mida inuu siiyo barbaarin wanaagsan. Barbaarinta ubadku waa mid ka mida masuuliyadaha ama waajibaadka ugu weyn ee saran waalidka. Carruurtu inta badan ma maqlaan hadalkeena ama waxaaynu u sheegno, balse taas badalkeeda ilmuhu wuxuu si fudud u qaata wixii ficil ah ee ay ka arkaan waalidku inuu samaynayo ha wanaagsanaado ama ha xumaado. Sidaas awgeed waalidku waa muraayada uu ilmuhu ka dhex arko adduunka iyo hab-dhaqanka saxda ah.

Dhaqamada Wanaagsan ee ilmuhu waalidkii kaga dayan karo.

Runt aiyo Daacadnimada: Marka uu ilmuhu arko waalidkii oo run sheegaya xataa haddii ay xaaladu ku adagtahay, ilmuhu waxa uu baranayaa muhiimada ay leedahay aaminaadu iyo in run la sheega ay wax wanaagsantahay. Waalidku waa inuu isku dayaa si ilmuhu ugu daydo, haddii aad ballanqaad ilmaha u samayso waa inad fulisaa, iskuna day in aanad been u sheegin xata haddii aad rabto inad ku aamusiiso.

Sifada naxariista iyo caawinta dadka: Carruurtu waxay si dhaba ah waalidka uga daydaan hadba sida ay ula dhaqmaan, naxariisna ugu muujiyaan waalidkiisa, ehelka, iyo dariska. Marka ay arkaan sida aad u caawinayso dadka u baahan caawimaad, sida aad ula hadlayso dadka, yaguna waxay baranayaan habka degenaanta iyo xushmada leh ee dadka lola dhaqmo.

Maaraynta caadifada iyo dulqaadka: Noloshu ma waydo khilaafad iyo caqabado. Habka aad u xalliso dhibaatooyinka ka jira guriga, sida aad u maarayso cadhadaada waxay cashar toos ah u tahay ilmahaaga. Markad xanaaqdo waa inaad si degan u xallisa arrinka aad ka cadhootay adiga oo adeegsanaya wada-hadal, halkii aad qaylin lahayd ama ilmahaaga dhaawac gaadhsiin lahayd. Tani waxay ilmaha baraysaa xakamaynta nafta iyo dulqaadka.

Nadaafadda iyo Nidaamka: Haddii gurigu yahay mid wakhti kasta nidaamsan oo nadaafad ka muuqato,waalidkuna yahay mid ku dadaalaya nadaafadda shakhsiga ah iyo ta degaanka, ilmuhu wuxuu ku korayaa jacaylka nadaafadda iyo nidaamka. Waalidku marka uu isagu bilaabo inuu alaabta hagaajiyo, gacmaha dhaqo cuntada ka hor iyo ka dib, meel kasta oo aad isticmaasho aad nadiifiso, ilmuhu si toos ah ayuu ugu dhaqmayaa wax kasta oo aad samayso.

Akhriska iyo Jacaylka Cilmiga: Haddii ilmuhu kugu arko adigo akhrinaya buugaag, raadinaya aqoon,baranaya xirfad cusub, isna wuxuu yeelanayaa jacayl uu u qabo waxbarashada.

Cibaadada iyo ku-xidhnaanta Eebe: Tani waa aasaaska ugu muhiimsan ee qoyska dhexdiisa marka aynu joogno diinta islaamka. Carruurtu waxay si fudud u bartaan cibaadada marka ay arkaan waalidkood oo tukanaya maalintii shan wakhti, akhrinaya quraan si joogto ah waliba ubadka aad u yeedho 

marka aad akhrinayso kuna akhrido cod fiican, taasi waxay ilmaha jeclaysiinaysaa quraanka iyo diinta. Marka aad tukanayso waa inaad u yeedha kuna tidhaahda tuko waxay ilmaha ku hagaysaa wadada wanaagsan ee Alle lagu raali-galinayo. Carruurtu waa kamarad ama cajalad duubaysa wax kasta oo ka dhacaya hareerahooda. Isbedelka wanaagsan ee aad rabto inaad ku aragto ilmahaaga, horta naftaada ka bilow.

Waalidku waa inuu ka doorbidaa hadalka ficilka, waayo ilmuhu si toos ah ayuu u qaata wax kasta oo ficil ah. Ilmuhu inuu kugu daydaa waxay ku xidhantahay hadba da’da uu jiro, ilmaha ka yar laba sanno way adagtahay inuu ku dhaqmo hadba ficilka waalidku sameeyo, lakiin ilmuhu markuu ka soo gudboo marxaladaas wuxuu bilaabaa inuu si toos ah u sameeyo hadba wixii uu markaa arko ha xumaado, ha wanaagsanaado. Hadaba waalid waa inaad badashaa dhaqankaaga gabi ahaanba si aynu usoo saarno ilmo caafimaad qaba jidh-ahaan iyo maskax ahaanba.


Hagaajinta Dhaqanka ilmaha.

Hagaajinta dhaqanka ilmuhu waa waajibaadka ugu muhiimsan ee laga rabo waalidka. Si ay hooyada iyo aabuhu ugu guulaystaan hagaajinta dhaqanka iyo shakhsiyada ubadkooda, uguna tarbiyeeyaan dhaqan suuban oo wanaagsan waxaa muhiim ah inay u shaqeeyaan si isku duubni ah. Inay waalidku ilmahooda u noqdaan tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan waa inay hadal wanaagsan ku wada hadlaan. Haddii waalidku isu muujiyaan ixtiraam, una wada hadlaan si deggan, carruurtu waxay baranayaan asluubta wanaagsan ee loo wada hadlo. Marka waalidku is-fahmi waayo, haddii ay cadhadooda ku xalliyaan si fudud, kunamaareeyaan goob gooni ah oo aan ubadka dhexdooda lagu wada hadlin, carruurtu waxay baranayaan sida loo xakameeyo dareenkooda marka ay cadhaysanyihiin. Hooyada iyo aabuhu waa inay ku heshiiyaan nidaam u yaala guriga, si wada-jir ahna go’aamada loo wada qaato. Haddii hooyadu wax diido waa in uu aabuhu tanaasulo, si loo ilaaliyo midnimada qoyska. Guriga in loo dejiyo xeerar fudud oo cad-cad, sida wakhtiga TV, taleefanka, ciyaarta, cuntada, iyo hurdada. Marka uu ilmuhu jabiyo mid ka mida xeerarkaas waa in si deggen loogu sharaxo khaladkiisa yadoo la adeegsanayo hadalo dhiirigelin ah, loona muujiyo naxariis iyo jacayl. Tani waxay ilmaha baraysaa ama ku dhiirigelinaysaa inuu ku celceliyo dhaqankaas wanaagsan siu u u helo raallinimada walidkiisa. Iskaashiga hooyada iyo aabuhu waa rukunka kobaad ee ay ku dhisi karaan kalsoonida iyo tarbiyada ubadkooda. Marka uu guriga ka jiro jawi ku dhisan jacayl, ixtiraam, naxariis, tanaasul, iyo kala danbayn, ubadku waxay si dabiici ah u yeeshaan dhaqankaas suuban ee ka jira gurigooda.











Faa’idada dhaqanka wanaagsan.

1. Dhaqanka wanaagsan ee caruurta lagu tarbiyeeya wuxuu ilmaha ka dhigaa mid naftiisa kalsooni ku qaba , dadka ku ag xeerana wuxuu uga so jiida jacayl ay tusaan ilmaha ku barbaaray dhaqanka wanaagsan.

2. Dhaqanka wanaagsani wuxu dhisaa xiriir bulsho oo caafimaad qaba.

3. Maskax degan oo caafimaad qabta.

Ilmahaa an helin waalid u noqda tusaal u uku daydo oo uu ka daydo wax kasta oo wanaag ah wuxuu la kulmaa caqabado waaweyn, madaama ilmuhu uu yahay arday ama xaashi cad wax kasta oo uu la kulmana isku daya inuu sameeyo


Caqabadaha ka dhalan kara dhaqamada xun-xun.

1.Caqabadaha dhanka bulshada iyo asxaabta.

2. Dib u dhac ku yimaada dhankaa waxbarashada.

3. Caafimaad-darro maskaxeed.

4. Saamaynta mustaqbalka fog.


Gunaanad:

Waxa aynu kuso gunaanadaynaa nuxurka qoraalkeenan weedh ah, (Barbaarintu waa beer, beertadaas waxaaad manta ku rido ee siidh ah, ayaad barito marka aad mustaqbalka gaadho ka goosan). Dhaqanka wanaagsan ee aad ilmahaaga la doonayso maaha mid ku yimaada amar iyo canaan toona, wuxuu ku dhismaa jawi deggen, tusaale fiican, iyo iskaashi dhab ah oo ka yimaada labada waalid.



Post a Comment

0 Comments