Waa maxay barbaarinta toosan (Positive Parenting)
Waa hab-dhaqan ku dhisan in ilmaha loo koriyo deganaan ay ku dheehantahay jacayl, ixtiraam, naxariis iyo faham dheeraad ah iyado waalidku ka fogaanayo dhamaan ciqaabida ilmaha sida garaaca, qaylada, hoos udhiga ilmaha ceebaynta ilmaha taas oo waalidku badanaa u yaqaano edbin sida doqon bad tahay iyo barbar-dhiga ilmo kale.
Hadaba si ilmaheenu ugu koraan degaan caafimaad qaba siu u u helo caafimaad qab maskaxeed iyo mid nafeedba halkan waxaynu ku sheegi doona qodobada ugu muhiimsan ee ilmuhu waalidka uga baahanyahay ama laga rabo waalidku inuu siiyo ilmihiisa.
Dhisida kalsoonida ilmaha iyo jacayl shuruud la’aan ah.
Waqti siinta ilmaha.
Dhegeysi firfircoon.
Edbin toosan.
Isticmaalida ereyo dhiirigelin ah.
U ogolaashaha ilmuhu inuu wax dooran karo.
Inad ammanto marku wax doorto.
Faaidada barbaarinta toosan
Barbaarinta toosa ee ubadku ma ahaa oo kaliya hab lahu maareeyo hab-dhaqanka carruurta ee manta, balse waa maalgashi weyn oo kugu hogaaminaya mustaqbalka fog ee laga dhaxlo. Marka waalidku adeegsado hab-dhaqan ku dhisan jacayl, naxariis, wada-hadal, dhagaysi firfircoon iyo xuduudo cad-cad, faaidadii laga lahaa barbaarinta toosan way ballaadhnaanaysaa.
Dhisidda Kalsoonida Nafta ee Ilmaha: Marka ilmaha loo dhagaysto si xushmad leh, lana tixgaliyo fikirkiisa, wuxuu dareemayaa inuu yahay qof qiimo leh. Taasina waxay ilmaha siinaysaa kalsooni buuxda oo u uku wajaho adduunka, ku dhiirado waxbarashada iyo hiigsiga riyooyinkiida.
Xidhiidh Qoto-dheer oo ka dhexeeya Waalidka iyo Ilmaha: ilmaha oo lala yeesho xidhiidh wanaagsan waxay dhistaa kalsoonida ilmaha. Carruurta waxay waalidka u arkaan qof laga cabsado oo laga kala cararo. Hadaba si taas Meesha looga saaro waa in uu waalidku xidhiidh fiican la yeesho ubadkiisa, siu u u furo qalbigooda uguna dareemo agtiisa xasillooni iyo inuu yahay gabaad ammaan ah. Marka uu ilmihii koro ee uu gaadho marxalada dhalinyaranimada (teenagers) wuxuu wajahaacaqabado badan, hadaba marka waalidkii uu kala dhexeeyo xidhiidh fiican si toos ah ayuu kuula wadaagayaa wax kasta oo jira halkii uu qarsan lahaa.
Hoos u Dhaca Dhibaatada Dhaqanka: Carruurta lagu soo koriyo degaan aan ku haboonayn xasilloonida ilmaha, ama degaan uu ka jiro gacan ka hadal, qaylo, iyo is-faham la’aan, waxay inta badan noqdaan kuwo barta xanaaqa iyo caasinimada. Dhinaca kala barbaarinta degan waxay ilmaha bartaa sidii uu u xakamayn lahaa shucuurtiisa iyo dareenkiisa gubaya laabtiisa. Barbaarinta toosan ee ilmaha la siiya waxay ka dhigtaa mid fahma dhibaatada kaga iman karta khaladka uu sameeyo, waxayna si iskood ah u doortaan hab-dhaqanka wanaagsan.
Horumarka Waxbarashada iyo Maskaxda: Cilmibaadhisyo la sameeyay ayaa waxay sheegayaan in carruurta ku korta degaan xasilloon oo ay ka jirto dhiiri-galin ay yeeshaan hab-fikir maskaxeed oo aad u sareeya. Carruurtaasi waxay yeeshaan awood ka sarreysa ta carruurta kale, Dhanka xallinta dhibaatooyinka, feejignaanta dugsiga, iyo la macaamilka macalimiinta iyo saaxibadood.
Barashada Madax bannaanida iyo Mas’uuliyadda: Halkii ilmaha loo sheegi lahaa wax kasta oo uu samaynayo, barbaarinta toosan waxay dhigaysaa inuu isagu fekero oo uu la yimaado hab-dhaqan wanaagsan. Carruurta lagu so koriyo hab-dhaqan fiican waxay u horseeddaa inay noqdaan qaar qaadi kara mas’uuliyadda go’aanadooda marka ay weynaadaan, waxayna noqdaan xubno waxtar u leh bulshada iyo diintoodaba.
Caafimaadka Maskaxda oo sifaysanta: Carruuraha ku kora barbaarinta toosan waxay noqdaan qaar u uku yaryahay khataraha caafimaad sida, welwelka, walbahaarka, diiqada, iyo niyad-jabku marka ay weynaadaan, sababta oo ah waxay nasiib u heleen tarbiyad fiican iyo degaan ammaan ah oo la ixtiraamo dareenkooda. Barbaarinta toosan ma aha wax hal maalin lagu baro ilmaha oo keenta natiijo wanaagsan, balse waa sida geed la beerayo oo kale maalin kasta u baahan biyo iyo in laga guro cayayaanka dhibaataynaya bixidiisa. Midhihiisana la goosan doono mustaqbalka. Hadaba waalid waa inad ubadka siiso tarbiyada fiican si ay u noqdaan bari kuwo baari ah, guulaysta, oo adiga iyo bulshaduba ku faani karaan.
Maxaa Ka Dhasha Barbaarin La’aanta
Haddii barbaarinta toosan ay tahay maalgashiga mustaqbalka ubadka, barbaarin la’aantu ama dayacaaadda baarbaarinta ilmuhu waxay horseedaa caqabado waaweyn oo saameeya nolosha ilmaha, qoyska iyo bulshadaba. Marka ay Meesha ka baxdo hanuunitii iyo daryeelkii niyadeed ee waalidku, waxay keentaa cawaaqib xumo xun oo ay ka mid yihiin:
Luminta kalsoonida nafta iyo amniga qalbiga. Carruurta aan helin fiiro gaar ah, dhiirigelin, jacayl, nasxariis, iyo kalsooni, waxay inta badan koraan iyagoo dareemaya inay xaqiranyihiin ama aysan qiimo lahayn. Waxaa ku adkaata inay aaminaan naftooda, qaataan go’aamo waaweyn marka ay weynaadaan, waxaanay markasta muujiyaan Dareen ah gadood iyo xanaaq.
Dhanka Waxbarashada iyo maskaxda: Carruurta aan inta badan guriga ka helin dhiirigelin iyo degenaan waxay inta badan ka hooseeyaan dhanka dhibcaha kuwa hela waalid si toos ah ula falgala, waxaanaku adkaata inay xooga saaraan waxbarashada. Barbaarin la’aantu maaha oo kaliya in ilmaha la dayaco daryeelkiisa jidhka, balse waa dayac dhinaca guriga ah, waa ilmo uu ka maqan yahay hanuunintii, wadahadalkii, iyo jacaylkii waalidka.
Sidee loo Xallin karaa
In kasta oo ay dhibaatada barbaarin la’aantu ay tahay mid halis ah, hadana waa la bedeli karaa madaama carruurtu ay weli korayaan, maskaxdooduna diyaar ay u tahay is-bedel, waalidku waxa uu qaadi karaa tallaabooyin wax ku ool ah si uu u abuuro tarbiyad wanaagsan isaga oo saxaya khaladaadkii hore laguna bedelayo barbaarin toosan.
Dejinta shuruuc cad oo maalin le ah oo ay ka midaysanyihiin waalidku.
Bogsiinta xidhiidhkii iyo cafis la sameeyo.
In la ixtiraamo dareenkooda.
Ammaan iyo dhiirigelin.
Ka fogaynta saaxiibada xun iyo bedelida deegaanka.
Ku tarbiyaynta diinta iyo akhlaaqda suuban.
Go’aan qaadasho, raalli-gelin iyo isu-soo-dhawaansho, Samir iyo joogtayn.
Gunaanad:
Si kastaba ha ahaato barbaarinta ubadku ma aha hawl fudud ooh al maalin in lagu qabto u baahan, balse waa hab-dhaqan larabo inuu ka muuqdo ilmaha una baahan Samir iyo joogtayn si loo helo ubad caafimaad qaba oo haysta tarbiyad suuban.



0 Comments