LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Burburka Qoyska.

 Maxaa keena burburka qoyska?

Burburka qoysku inta badan kuma yimaado hal sabab oo kaliya, balsewuxuu ka dhashaa arrimo badan oo is biirsaday.

Arrimahaas ayaasabab u noqda in qoyskaas burburo gabi-ahaanba. Halkan waxa aynu kaga hadlaynaa arrimo dhawr ah oo Sababa burburka qoyska.

Isfahan-waaga iyo wada hadal la’aanta:

Wada-hadalku wuxuu laf-dhabar u yahay xallinta khilaafka soo kala dhex gala qoyska. Haddii ay Meesha ka baxdo awooddii ay lammaanuhu si furan, ixtiraam lah iyo deganaan ugu wada hadli lahaayeen, waxa taas ka dhasha is-maandhaaf joogto ah. Haddii sidas arrinku ku sii socdo oo lammaanaha mid kasta dhankiisa qariyo dareenka uu qabo sida, xanaaq iyo inuu saluugo waxyaabaha qaar, ama in si kulul oo cadho leh looga jawaabo, taasi waxay kor u qaadaysaa kala fogaanshaha lammaanaha.

Caqabadaha Dhaqaale:

 Dhaqaaluhu waxa uu door muhiim ah ka ciyaara xasilloonida qoyska. Marka ay yimaadaan dhibaatooyin dhaqaale, sida shaqo la’aan ku dhacda waalidka ama aabbaha, ama xanuun lasoo darriso aabbaha, waxay dhalisaa walbahaar iyo khilaaf joogto ah oo saameeya deganaanshiyaha guriga.

Faragelinta Dibeda:

 In dad kale oo ka baxsan qoyska (sida ehelka wiilka ama gabadha ama asxaabta labada dhinac) ay isku dayaan inay so farageliyaan arrimaha gaarka ah ee lammaanaha waxay inta badan dabka ku sii shidaa khilaafka qoyska. Qoysaska ku guulaysta inay sirtooda ku qariyaan gurigooda dhexdiisa, isla markaana ku xalliya is-maandhaafka so kala dhex gala si degan oo macquul ah waxay inta badan ka badbaadaan burbur ku iman lahaa qoyskooda.

Mas’uuliyad darro iyo Diyaar-garaw la’aan:

 Guurku wuxuu u baahan yahay bisayl maskaxeed iyo mid Dareen. Guurka waxaa sal u ah dulqaad, tanaasul, iyo is-ixtiraam labada lammaane. Haddii intaas aan laysla fahamsanayn waxaa mardhaw ku dhici kara kala did iyo is-fahan waa. Taasina waxay keenaysaa burburkii qoyska.

Kalsooni Darrada iyo Ballan-furka: Axdiga guurku wuxuu ku dhisan yahay aaminaad iyo daacadnimo. Haddii ay Meesha timaado khiyaano, kala shaki joogto ah, kalsoonidii qoysku Meesha ayay ka baxaysaa, waxaana ka dhallan karaa ama ku burbura naxariistii iyo jacaylkii ka dhexeeyay lammaanaha.

Xadgudubka jidhka ama maskaxda: Nooc kasta oo ah gadgudub, ha ahaado mid jidheed ama mid afka ah waxay burburisaa dareenka badbaado ee qoyska. Guriga muslimka ah wuxuu mudan yahay inuu noqdo meel nabadgalyo ah oo aanu ka jirin cabsi iyo tacadi. Badbaadada qoyska waxay ku dhisantahay dulqaad iyo tanaasul joogto ah. Haddii la waayona waxay horseedi kartaa burbur qoyska.











Side loo badbaadin karaa qoyska?

Waxaa loo baahanyahay dadaal wadajir ah, dulqaad, taansul iyo ku dhaqanka xeelado caafimaad qaba si loo adkeeyo xidhiidhka lammaanaha. Maadaama burburku ka yimaado arrimo is biirsaday oo la xallin waayey qaarna loo arkay in aanay muhiim ahayn, taas ayaa keenta burburka qoyska. Halkan waxa aynu ku sheegi doona hababka ugu fudud ee loo badbaadin karo qoyska.

Adkaynta wada-hadalka iyo is-fahamka: In la sameeyo wada-hadal caafimaad qaba marka khilaaf so kala dhex galo lammaanaha, isla markaana si degan laysu dhagaysto waxay yaraynaysaa kala fogaanshihii lammaanaha. In la doorto wakhti munaasib ah oo lagu wada-hadlo yaduna waxay ka qayb qaadanaysaa jiritaankii qoyska. Arrimaha xasaasiga ah in laga wada hadlo xili labada qof ba ku jiraan xaalad deganaan ah, taas ayaa yaduna muhiim ah.


Barashada Tanaasulk iyo Cafiska: Ma jiro qof dhamaystiran marka khalad ka dhaco mid ka mid ah lammanaha hasameeyo midkood tanaasul. Guurku maaha tartan qof walba uu rabo inuu isagu ku guulaysto. Mararka qaarkood waa inaad tanaasushaa adigo lagaaba khaldanyahay si loo ilaaliyo dantii guud ee qoyska. Dhinaca kale waa in lammaanuhu si laab xaadhni ah isaga wada cafiyaan wixii so kala dhex galay, islamarkaana bog cusub oo qurux badan loo guuro. Hadii mid kasta xasuusan yahay dhacdadii kasoo martay kan kale ama aan layska cafiyin, taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha lammaanaha.

Xaddidaad Faragelinta Dibedda: Xasillonida gurigu waxay ku xidhantahay inta ay leegtahay ama sida loo dhawro sirta guriga. Khilaafaadka yaryar ee maalin laha ah waxay ku wanaagsantahay in aanay ka bixin albaabka oo cid kale la gaadhsiin, taas badalkeeda waa inay yagu dhexdooda wanaag ku dhameeyaan. Haddii uu jiro khilaaf intaas ka balaadhan waa arrinka la ogaysiiyo oo kaliya qof lagu kalsoonyahay sida waalid aqoon u leh, isla markaana dhexdhexaadin kara lammaanaha kuna dhamayn kara wax kasta wanaag ujeeddadiisu tahay heshiis.

Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maareynta dakhliga: Dhaqaaluhu wuxuu noqon karaa isha ugu weyn eecadaadiska, lakiin hadii loo bedelo iskaashi wuxuu noqon karaa fursad wadajir ah. Lammaanuhu waa in uu si furan uga wada hadlaan dakhliga so gala iyo kharashka ku baxa qoyska, iyado la samaynayo miisaaniyad cad oo lagu socdo. Xilliyada adag ee ay jirto dhaqaale la’aantu waxaa muhiim ah in laysu muujiyo dulqaad iyo garab is-taag, iyadoo laga fogaanayo eedayn iyo dalbasho ka sarraysa awoodda dhaqaale ee qoyska.

Wakhti Siinta Lammaanaha iyo Barbaarinta Wadaagga ah: Korinta ubadka iyo shaqada gurigu waxay qaadataa wakhtiga ugu badan, laakiin siu u u xoogaysto xidhiidhka ka dhexeeya lammaanahu waa in la sameeyo wakhti u gaar ah labadooda. Waayo laamaanaha ayaa ah aasaaska wax kasta. Samaysta wakhti aad labadiinu iska leedihiin bishii mar, oo ka wada sheekaysta arrimaha qoyskiina, cusboonaysiista naxariistii iyo jacaylkii dhexdiina yaalay. In la wada wadaago barbaarinta ubadka oo aan mid kaliya lagu fiirsan hawshaas oo si wada jir ah loo koriyo ubadka, waxay kor u qaadaysaa midnimada qoyska.

Saamaynta ay ubadka ku keento burburka qoyska.

Burburka qoysku, furiinka ama kala taga waalidiintu waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee saamaynta taban ku yeesha ubadka. Madaama qoysku yahay dugsiga kobaad ee ilmuhu kuso koro, marka uu dumo dayrkaasi, saamayntu waxay taabataa dhinac kasta oo kamida nolosha ilmaha. 

Saamaynta nafsiyadeed: Ilmaha waalidkii kalatagaan waxay waayaan dareenkii nabadgalyo iyo deganaanshiyeed ee uu ka heli jiray labadiisa waalid markii ay wada joogeen. Waxay ubadku noqdaan qaar xanaaq iyo walbahaar ka qaada isbedelka ku dhacay noloshooda. Badanaa ubadka yaryari waxay u qaataan inay iyagu sabab u ahaayeen furiinka waalidkood, taas oo ku abuurta culays iyo is-nacayb nafsiyeed. Carruurtaasi inta badan waxay noqdaan qaar ka fogaada asxaabtooda, iyago dareemaya xishood iyo inay ka duwan yihiin carruurta kale ee la nool labadooda waalid.

Saamaynta waxbarashada: kala taga waalidku wuxuu ilmaha ku reebaa culays maskaxeed, wuxuu sido kale ku keenaa inuu waayo diirad saaridii waxbarashada iyo xiisihii uu u hayn lahaa. Daraasado badan oo la sameeyay ayaa sheegayaa in ubadka u uku dhaco qoys burburku ay inta badan ka natiijo hooseeyaan dhigooda kale ee waalidkood lasoo kora. Waxaa sabab u ah waalidka kaliya ee markas ilmaha gacanta ku hayaa in ay shaqadu ku badato, sidas darteedna uu wakhti u waayo la socodka duruusta ilmaha.

Saamaynta Dhaqanka iyo Bulshada: carruurta inta badan kuso kora kala maqnaashaha waalidka, wuxuu muujiya marku joogo goobaha waxbarashada ama bulshada dhexdeeda dabeecado qalafsan, sida inuu muujiyo cadho, rabshad iyo inu jabiyo xeerka dugsiga. Kala fogaanshaha qoyska, ilmuhu wuxuu ku waayaa qayb ka mida qoyskii (sida ayeeyo, awoowe, iyo ehelada inteeda kale).

Saamaynta Dhaqaale: kala baxa qoysku wuxu keena hoos u dhac ku yimaada heerka nololeed ee qoyska, in dakhligii u kala jabo labo meelood taas oo ku keenta in hoos u dhac ku yimaado nolosha aasaasiga ah ee ilmaha (sida cuntada, dharka, waxbarashada iyo daryeelka caafimaad ee ilmaha).








Sidee Loo Yarayn karaa Saamaynta ubadka u uku leeyahay?

Saamaynta u uku leeyahay ubadku way ku kala duwanyihiin yado loo eegayo da’da ilmaha, habka ay waalidiintu u maareeyaan daryeelkii ubadka marka ay kala tagaan. Haddii furiinku noqdo mid lama huraan ah, waxaa waalidka la gudboon inay saamaynta ka yareeyaan ubadka. Waxaa looga yarayn karaa saddex qodob oo muhiim ah:

In aan ilmaha looga sheekayn khilaafkii ay ku kala tafgeen.

In labada waalidba si wadajir ah u daryeelaan ubadkood yago kala maqan.

In si degan ilmaha loogu sharaxo isbedelka dhacay, yado loo xaqiijinayo in aanay iyagu wax danbiya ku lahayn waxa dhacay.


Gunaanad:

Hadaba si loo helo qoys guulaysta iyo ubad ku ora tarbiyad fiican, ubad naftooda ku kalsoon oo leh hansare, waxay ku xidhantahay hagaaga waalidka ama lammaanaha qoyska. 


Post a Comment

0 Comments