LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

XUQUUQDA KA DHAXAYSA QOYSKA MUSLIMKA AH.

 Halkan waxaynu kaga hadlaynaa xuquuqda ka dhaxaysa waalidka, iyo xuquuqda carruurtu ku leeyihiin waalidkooda. Sido kale waxaynu sheegi doona xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkooda.

Xuquuqda ka dhaxaysa waalidka.

Xuquuqda hooyada= Hooyadu xuquuqda ay ku leedahay aabaha qoyska waa mid ay inoo sheegtay diinteena islaamka, waxaana ka mid ah:

MEHERKA

Nafaqada

Hoyga 

Dharka

In si naxariis leh oo ixtiraam ku dheehanyahay aad ula dhaqanto xaaskaga ilhy kugu deeqay.


Xuquuqda aabbaha= Aabbuhu xuquuqdiisu iyaduna waa mid ay inoo sheegtay diinteena islaamku.

In ay gabadhu adeecdo ninkeeda.

In ay ilaaliso sharaftiisa.

In ay ilaaliso maalkiisa.

In ay ilaaliso gurigiisa marka uu joogo iyo marka uu ka maqanyahayba.

Xuquuqda carruurtu ku leeyihiin waalidkood.

Islaamku waxa uu ubadka siiyay xuquuq gooni u ah ka hor inta aanay dhalan.

Doorashada Waalidka Wanaagsan: Aaabbaha iyo hooyaduba waxa waajib ka saaranyahay in ay ubadkooda u dooraan waalid wanaagsan. In aabbuhu u dooro ubadkiisa hooyo wanaagsan oo diin leh, sido kale hooyaduna ubadkeeda u doorto aabbe wanaagsan oo diin iyo qiyam wanaagsan leh.

Magac Wanaagsan iyo Tarbiyad= Waalidka waxaa laga rabaa inuu ubadkiisa u bixiyo magac wanaagsan oo diin ku dhisan, lana siiyo ilmaha yar tarbiyad diini ah iyo akhlaaq wanaagsan.

Cadaaladda Carruurta Dhexdeeda= Waalidka waxa waajib ka saaranyahay in aanu kala qaadin ubadkiisa wiilal iyo gabdhaba ama aanu kala jeclaan, isla markaana uu si siman u siiyo jacayl, naxariis, hadiyad, iyo waxbarasho wanaagsan diin iyo maadiba. Waxa uu xadiis ku yidhi nabigeenii suubana (N.N.K.H) (U CADAALAD SAMEEYE UBADKIINA DHEXDOODA).

Xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkiisa.

 Xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkiisu waa mid ka mid ah waajibaadka ilhy inna saaray kuwa ugu waaweyn, taas oo markasta lala xidhiidhiyo caabudaadda Alle.

Baari-nimo= Diinta islaamku waxay inna farraysa in waalidka loola hadlo si xushmad leh, gaar ahaan marka ay waaweynaadaan, iyo in waalidka lagu odhan eray xanaaq ka muuqdo si ‘UF’. Waxaa Alle subxanahu watacalaa ku sheegay qu’aarnkiisa, (HA HIIFINA OO HA KU ODHANINA UF, KU YIDHAAHDA HADAL WANAGSAN.

Masruufka iyo Daryeelka= waajibaadka inna saartay diinteena islaamku waxa ka mid ah ama xuquuqda waalidku ku leeyahay ubadkiisa in uu masruufo hadii ay u baahanyihiin iyo in uu daryeelo marka ay waayeel noqdaan.











Faaidada gudashada xuquuqda:


Gudashada xuquuqda ka dhaxaysa xubnaha ka tirsan qoyska sida, aabaha, hooyada, iyo ubadku maaha oo kaliya waajib diini ah, lakiin waa dhabta ah ee lagu dhiso bulsho caafimaad qabta o oleh mustaqbal ifaya. Marka qof kasta oo ka mid ah qoysku uu bixiyo xuquuqdii lagu lahaa, isaguna waxa uu helaya xuquuqdiisii. Taasi waxay abuuraysa in laga helo faa’iido aad u ballaadhan oo saameyn ku leh adduun iyo aakhiraba. Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee laga helogudashadaxuquuqda qoysku waa kuwan:

Helitaanka RaallinimadaEeebe iyo Barako: Qoyska u hogaansama gudashada xuquuqdii lagu lahaa wuxuu helaa kaalmo rabaani ah. Naxariista, ixtiraamka, iyo masruufka oo uu si wanaagsan u bixiyo aabbuhu, adeecida iyo ilaalinta guriga, maalka, iyo carruurta ee ay xaasku samayso, iyo tarbiyada ay waalidku siinayaa ubadkooda si wadajir ah waa cibaado lagahelo ajar weyn. Taasina waxay guriga ka dhigta mid leh barako xaga maalka, caafimaadka, iyo nolosha oo dhan.

Degganaan Maskaxeed iyo Mid Qoys: Marka xuquuqdii loo guto si wada jir ah waxaa meeshii ka baxaya is-qabqabsigii iyo xanaaqii ka imanayay. Gurigu wuxuu isu bedelaa meel ay ka buuxdo degganaan iyo nabadgalyo, halkaas oo xubin kasta oo ka tirsanqoysku uso boholyoobo, unaso dhakhsado marka uu kasoo baxo culayka nolosha ee ka jira dibadda.

Dhisida Kalsooni iyo Jacayl Sal Adag: Gudashada xuquuqdu waxay abuurtaa kalsooni weyn oo dhexmarta lammaanaha. Marka ay xaasku u aragto ninkeeda mid u taagan daryeelkeeda iyo ilaalinteeda, ninkunau arko mid dhawraysa gurigiisa iyo sharaftiisa, waxaa midooba quluubtooda,waxaana sii kordha jacaylkii ka dhexeeyay iyo is-ixtiraamkii.

Barbaarinta carruur caafimaad qabta|: Carruurta ku korta guri ay labadii waalid is-ixtiraamayaan, oo waliba hela xuquuqdoodii la xidhiidhay naxariista, barbaarinta toosan, iyo waxbarashada, waxay noqdan kuwo leh kalsooni nafeed oo sarreysa. Kuwo ka fogaada dhibaatooyinka nafsiga ah iyo inay qaataan hab-dhaqanka xun. Waxay inta badan noqdaan kuwa baari u noqda waalidkood, bulshadana wax tar u leh.

Ka Hortagga Burburka Qoyska: Inta badan dhibaatooyinka keena qoys burburku waxay salka ku hayaan mid ka mida lammaanaha oo gabay xuquuqdii lagu lahaa sida, nafaqadii oo laga gaabiyo bixinteedii ama dhaqan xumo uu la yimaado mid ka mida lammaanuhu. Gudashada xuquuqdu waxay guri kasta u tahay gaashaan adag oo ka dhawra burburka iyo khilaafka joogtada ah. Guriga si wadajir ah loogu guto xuquuqda iyo waajibaadka diineed ee uu Eebe inna faray, wuxuu la mid yahay geed salka ku haya biyo macaan markastana wuxuu soo saara midho udgoon.


Caqabadaha ka dhasha gudasho la’aanta xuquuqda.



Haddii gudashada xuquuqdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee uu qoysku ku taaganyahay, gudasha la’aantuna waa asbaabta dumisa dhismaha qoyska, waxay keentaa dhibaatooyin waaweyn oo saameyn ku yeesha nolosha adduun iyo aakhiraba. Marka xubnaha qoysku ay gabaan mas’uuliyadii saarnayd mid kasta, gurigu wuxuu isu bedelaa meel laga cararo halkii uu noqon lahaa meel lagu nasto.

Lumid ku timaada kalsoonida iyo naxariistii ka dhaxaysay xubnaha qoyska

Guriga oo noqda meel aan xasilloonayn oo uu ka jiro khilaaf iyo dagaal joogto ah.

Culays badan oo so wajaha waalidka marka danbena horseeda burbur qoys.

Barbaarinta ubadka oo lunta, marka ay ilmuhu arkaan waalidkood oo iskula dhex hadlaya ubadka dhexdooda waxaa lumaysa tarbiyadoodii waxaanay noqdaan kuwo la kala safta labada waalid, taasina waxay Meesha ka saaraysaa baarinimadii ubadku siin lahaayeen waalidkood.

Saamaynta ubadka dhanka waxbarashada hoos u dhac ku yimaada carruurta ku nool guri aanu ka jirin is-ixtiraam iyo kala danbayn waxay dhibaato ugaysataa ubadka. Waxay ku abuurtaa ubadkii kalsooni-darro, xanaaq-badan, cabsi, iyo inay dadka ka dhex baxaan.


Gunaanad:

Dhismaha qoysku wuxuu u baahanyahay tiirar adag oo u noqda sees madaama uu la mid yahay guri oo kale. Sida aynu soo aragnay gudashada xuquuqda ka dhaxaysa qoysku ma ahaa wax la dhayalsan karo ee waa waajibaad diini ah oo uu Rabi inna faray. Qoyska guulaysta maha mid ay ka maqanyihiin dhibaatooyinka ka dhaca dunidu, ee waa qoys ku xalliya khilaafkooda is-faham buuxa, waa qoys aya ka jirto dhexdooda isu-tanaasul iyo jacayl midkasta bixinayo, taas ayaana keenaysa qoys guulaystay.



Post a Comment

0 Comments