Mawduucan waxaynu ku falanqayn doonaa waa kee qoyska guulaystay, faa’iidada uu leeyahay, waxtarka uu ubadka u leeyahay qoyska guulaystay, iyo astaamaha lagu garan karo qoyska guulaystay.
Qoyska guulaystay maaha mid aan dhibaato so dhex galin, balse waa qoys mid yaqaana sida loo wajaho caqabadaha nolosha, loona dhiso jawi uu ka buuxo jacayl, naxariis, ixtiraam, iyo Isfahan. Halkan waxaa ku yaala tiirarka ugu muhiimsan ee dhisa qoys guulaytay.
Isgaadhsiinta furan iyo isfahamka: qoyska guulaystay waa sees u ah wadahadalka, waxa uu leeyahay qof kasta jawi u uku muujin karo dareenkiisa iyo hadba tabashada uu qabo. Kaliya uma baahna in la wadahadlo ee waa inuu jiro dhegeysi xor ah oo qofkii la tixgalinayo tabashadiisii yadoo looga jeedo in xal loo helo dhibka markaas jira.
Barbaarinta toosan iyo tageerada carruurta: barbaarinta carruurtu waxay ku dhisantahay hanuunin naxariis leh, tusaale fiican, iyo dhiirigelin halkii laga isticmaali lahaa ciqaab ama qaylo. Carruurta in la siiyo waqti tayo leh oo u gaar ah yado lagu kobcinayo garaadkooda, loo sheekaynayo lona samaynayo ciyaaro ku haboon hadba da’da ay jiraan, taasi waxay ilmaha ku abuurtaa kalsooni weyn oo ay naftooda ku qabaan.
Jawi deggan iyo deegaan caafimaad qaba: qoyska guulaystay wuxuu muhiimada siiyaa nafaqaynta ubadka iyo ka war-qabka caafimaadkooda, fayo-qabkooda jidheed iyo maskaxeed. Cunto caafimaad leh oo uu helaa qoysku wuxuu kor u qaadaa xidhiidhka qoyska. Inuu helo qoysku jadwal nidaamsan oo u habaysan si maalin le ah sida, wakhtiga hurdada, cuntada, iyo ciyaarta waxay taasina yaraysaa walahaarka qoyska.
Iskaashi iyo garab-istaag: qoyska guulaystaa waa mid had iyo jeer wadaaga mas’uuliyada iyo hawlaha guriga sida, korinta carruurta yadoo aan lagu kooayn hooyada. In la sameeyo dabaal deg marka qoysku gaadho guulo yar-yar ama waaweyn, sida in ubadku waxbarashada natiijo sare ka gaadhan ama guul kale oo u soo hoyata waalidka waxaa fiican in si wadajir ah loogu dabaal dago. Taasi waxay qoyska dhex dhigaysaa farxad iyo isku duubni. Qoyska guulaystay guusha kuma gaadhaan hal habeen ee waa safar maalinle ah oo u baahan Samir, dulqaad, tanaasul iyo joogtayn.
Faaidada qoyska guulaystay
Dhisida qoys guulaystay maaha oo kaliya guul shakhsiyadeed ee waa aasaaska fayo-qabka dhamaan xubnaha qoyska iyo horumarka bulshada. Marka qoysku ku dhisanyahay is-faham, naxariis, tanaasul, iyo maamul wanaagsan waxaa lagahelaa faaiidooyin waaweyn oo saameyn ku yeesha nololsha maalin laha ah ee qoyska iyo bulshada inteeda kale.
Koritaanka caafimaadka ee carruurta: carruurta ku kora jawi deggan oo ay ka buuxdo barbaarin toosan waxay yeeshaan kalsooni sare oo ay naftooda ku qabaan. Ubadka ku kora qoys deggan waxay helaan tageero iyo dhiirigelin joogto ah, taasina waxay u horseedaa inay guul ka gaadhaan dhanka waxbarashada. Waxay helaan caafimaad qab maskaxeed oo wanaagsan.carruurtu waxay ka fogaadaan walbahaarka iyo cabsida ay ka qabaan nolosha, waxayna ubadka ka caawisa inay noqdaan kuwo leh dabeecad furan o oleh is-dhexgal bulsho.
Hoos u dhaca walbahaarka iyo fayo-qabka waalidka: marka ay jirto wada-shaqayn iyo iskaashi dhex mara lammaanaha waxay abuurtaa nabad maskaxeed, culayska nolosha iyo maareynta guriguna waxay noqotaa mid fudud. Qoyska nidaamsan wuxuu helaa wakhti ku filan oo ay ku lafo guraan hawlahooda nololeed ee u baahan in laga wadahadlo, sida daryeelka carruurta, iyo nasashada taas oo Meesha ka saarta caajiska iyo daalka joogtada ah.
Xidhiidh qoys oo xooggan iyo jacayl joogto ah: wada-hadalka furani wuxuu keenaa aaminaad iyo isu-dhawaanshiiyo, wuxuu abuuraa jawi saaxiibtinimo dhab ah leh oo dhex mara lammaanaha iyo ubadkooda. Tani waxay keentaa in dhib kasta oo yimaada si wada jir ah loo xalliyo. In dhamaan xubnaha qoysku cuntada wada cunaan waxay abuurtaa xusuus qurxoon oo isku xidha nolosha qoyska.
Ka hortaga dhibaatada iyo caqabadaha nolosha: qoyska guulaystaa wuxuu u shaqeeyaa sidii gaashaan oo kale kaas o oleh difaac adag. Marka ay timaado dhibaato dhaqaale ama mid caafimaad, qoysku wuxuu noqdaa Meesha ugu horreysa ee laga helo garab-istaag buuxa oo niyadeed, taas oo fududaysa in dhibaatadii si wadajir ah loo wada qaybsado. Qoyska guulaystaa waa maalgashiga ugu weyn ee uu qof sameeyo; wuxuu keena farxad adduun iyo aakhiro, wuxuu bulshada kusoo kordhiyaa xubno waxtar leh oo asluub wanaagsan.
Waxtarka uu u leeyahay ubadka
wuxuu dhisaa shakhsiyada iyo kalsoonida ubadka.
Wuxuu kobciyaa garaadka iyo maskaxda carruurta.
Wuxuu ubadka u horseedaa guul waxbarasheed
Wuxuu ilaaliya caafimaad qabka maskaxeed iyo jidheed ee xubnaha qoyska.
Astaamaha qoyska guulaysta
ixtiraam joogto ah oo dhex mara waalidka iyo ubadka.
Wada shaqayn iyo is-dhegeysi joogto ah.
Nidaam iyo jadwal maalin le ah.
Maareynta khilaafaadka si degen.
Dhiirigelin iyo ammaan joogto ah.
Gunaanad:
Marka aan soo uruurinno qoyska guulaystay ma aa mid ku dhisan nasiib, balse waa mid ku dhisan go’aan, dulqaad, iyo dadaal maalin le ah. Waa degaan ku abuura xubnaha ka tirsan naxariis, kalsooni taas oo qaabaysa dhamaan nolosha qoyska. Waxaa laga helaa barbaarin toosan, wada hadal furan, nidaam toosan, iyo fayo-qab caafimaad.



0 Comments