Hordhac:
Mawduucan waxaynu ku eegi doona sida loo xoojiyo jacaylka ka dhexeeya carruurta iyo waalidka, muhiimada uu u leeyahay qoyska, iyo talo ku saabsan sidii ayu kor ugu qaadi lahayn, iyo gunaanadka qormadhan.
xoojinta jacaylka iyo xidhiidhka ubadka iyo waalidku waa mid aasaas u ah dhisida baarbaarin toosan oo ay ubadku helaan iyo farxada qoyska oo badata. Carruurtu waxay u baahanyihiin degaan ay ku dareemaan jacayl, naxariis, ammaan, iyo qadarin si ay ugu koraan kalsooni iyo han sare. Halkan waxaynu kusoo qaadanaynaa dhawr talaabo oo muhiim ah taas oo aynu ku xoojinayno jacaylka ka dheexeya ubadka walaalaha ah iyo waalidkood.
Siinta wakhti tayo leh (quality time): wakhtiga laga hadlayaa maaha inaad carruurtada wakhti badan qol la fadhiisato adigo laga yaabo inad mashquul ku tahay taleefan dareenkaaguna maqanyahay.
Wadahadal joogto ah: ilmuhu wuxuu u baahanyahay in maalin kasta lala sheekaysto lawaydiiyo siday maalintiisu ahayd, la waydiiyo waxyaabahaay ka baqaan.
Ciyaaro iyo madaddaalo: waalidku waa inuu ubadka laqaybsado ciyaarta ay jecelyihiin. Tani waxay dhistaa saaxiibtinimo qoto dheer oo dhex marta waalidka iyo ubadka.
U muuji ubadka jacayl daacad ah: carruurtu waxay u baahanyihiin in la tuso in la jecelyahay .
Jacaylka afka ah: maalin kasta waa inad u sheegtaa inad jeceshay jacayl aan shuuruud lahayn sida wan idin jecelahay hooyo,wan idiinku faanaa. Ereyadan fududi waxay dhisaan kalsoonida gudaha ee ubadka.
Jacaylka jidhka: inad ilmaha laabta galiso, dhunkato, dhabarka iyo madaxa u salaaxdaa waxay jidhka carruurtu so daayaan hormoono farxad iyo xasillooni ah.
Abuurida degaan nabdoon iyo ixtiraam: jacaylkaqoysku wuxuu ku kordhaa is-ixtiraam iyo kaladanbayn.
Dhegeysi furan: marka uu imuhu hadlayo waxaa haboon in si fiican loo dhegeysto adiga oo aan ku kala goynaynin hadalka, haddi uu waxkhaldan oo uu sameeyay ku sheegayo marka hore si degen u dhagayso marka uu dhameeyo u sheeg khaladkiisa adiga oo saxaya. Tani waxay ilmaha ka dhigtaa inuu isu arko mid ra’yigiisu qiimo leeyahay.
Xallinta khilaafka: khilaafka ka dhex dhaca qoyska dhexdiisa waa in si deggen loo xalliyo lagunaxalliyo wadahadal iyo tanaasul, iyadoo laga fogaanayo gacan qaad iyo in lagu wada hadlo carruurta hortooda.
Dheerigelin iyo ammaan: waalidku waa inuu ilmaha ku ammaanaa marka uu wax wanaagsan sameeyo kuna dheerigeliya sidii uu caadooyin fiican u samayn lahaa.
U mahadceli ilmaha marka uu walalkii caawiyo ama uu qabto hawl yar oo guriga ah.
Ku dhiirigeli dadaalka waxabarashadiisa, xataa haddii aanu natiijo sare keenin.
Dhis cadooyin qoys oo joogto ah: samayntawaxyaabo joogto ah oo uu qoysku wadaago waxay abuurtaa xasuus qaaliya oo reebta raad jacayl iyo farxad.
Wada cunista cuntada: isku day inaad maalinkii hal mar oo ka mida meel wax lagu wada cuno sida cashada yadoo laga fogaanayo waxyaabaha mashquulin kara dareenka so jeed ee qof kasta.
Safarada iyo dalxiiska: aabbuhu waa inuu sameeyaa maalin u gaar ah qoyska oo dibadda loo baxo si loo neefsado, is dhexgalka qoyskuna uu u xoogaysto. Barbaarinta toosan ee ku dhisan jacaylku maaha mid hal maalin uun lagu dhisay ee waa tallaabooyin yaryar oo maalinle ah. Taas oo u baahan Samir, dulqaad, tanaasul, ixtiraam, kala-danbayn, naxariis, iyo jacayl.
Muhiimada uu qoyska u leeyahay.
Dhisida jacaylka iyo xidhiidhka dhaw ee dhex mara waalidka iyo ubadkoodu maaha oo kaliya Dareen fiican, lakiin waxay leedahay muhiimad iyo faa’iidooyin dhab ah oo raad weyn ku reeba nolosha carruurta iyo guud ahaan mustaqbalka qoyska. Muhiimada u leeyahay jacaylka qosku waxaa ka mida:
Kalsooni buuxda: ilmaha ku kora deegaan uu ka buuxo jacayl iyo daryeel wuxuu yeeshaa kalsooni sare oo u uku qabo naftiisa, taas oo ka caawisa inuu la tacaalo caqabadaha nolosha ee mustaqbalka.
Awood go’aan qaadasho: marka uu ilmuhu dareemo in ra’yigiisa la dhegeysanayo lana ixtiraamayo, wuxuu bartaa sidii uu u qaadan lahaa go’aan sax ah isaga oo aan ka cabsanin guuldarrada.
Yaraynta welwelka iyo walbahaarka: jacaylka iyo isku duubnida qoysku waxay hoos u dhigtaa welwelka iyo walbahaarka ay dareemi lahayeen waalidka iyo ubadku. Deegaanka nabdoon wuxuu carruurta ka ilaaliyaa inay ku koraan cabsi iyo niyad-jab.
Xakamaynta dareenka: carruurta ku soo korta qoys is jecel waxay si fiican u maareeyaan dareenkooda sida, xanaaqa iyo gacan qaadka, maadaama ay barteen hababka wada-hadalka ee deggaan.
Guusha dugsiga: daraasado la sameeyay ayaawaxay sheegaan in carruurta ka timaada qoysas xidhiidhkoodu xooggan yahay ay aad ugu fiican yihiin waxbarashada. Marka uu ilmuhu maskaxahaan degen yahay waxaa u fududaata inuu xoogga saaro waxbarashadiisa taas oo uu kakeeno natiijo sare.
Hal-abuurka: ilmaha hela qoys is jecel iyo deegaan ammaan ah wuxuu maskaxdiisa u isticmaalaa in yeesho hal-abuur isagoo xor ah.
Xidhiidhka dadka kale: ilmaha gurigooda ku soo arkay ixtiraam iyo jacayl wuxuu si fudud ula saaxiibaa carruurta kale, wuxuuna dadka kula dhaqmaa naxariis iyo qadarin.
Saaxiibtinimo waarta: xidhiidhka adag ee aad manta la dhisto ubadkaagu waxa uu aasaas u noqdaa saaxiibtinimo adag oo idin dhexmarta marka ay koraan ee ay qaangaadhaan.
Badbaadada qoyska: qoyska is jecel wuxuu noqdaa mid isku xidhan oo garab istaag isu muujiya xilliyada adag, taas oo ka dhigta mid aan si fudud ku dumin. Jacaylka aad manta ku beerto qoyskaagu waa maalgelin weyn oo aad mustaqbalka fog midhihiisa guranayso. Waxa aad ka helaysaa ubad leh tarbiyad fiican, guulaysta, islamarkaana ku sharfa marka aad weynaato.
Talo lagu taageerayo jacaylka qoyska.
Si loo xoojiyo jacaylka iyo isku-duubnida qoyska, waa in la is cafiyo marka khilaaf soo kala dhexgalo lana kala seexan yadoo laysu cadhaysanyahay.
In la is caawiyo la iskana kaashado hawlaha guriga, tani waxay abuurtaa Dareen ah in la is garab istaago wakhti kasta.
In bishii la sameeyo hal wakhti oo la wada fadhiisto laguna falanqeeyo hawlaha guriga yadoo dhamaan qoysku ka qayb qaadanayo. Tani waxay carruurta bartaa inuu codkoodu muhiim yahay waxayna kor u qaadaa mas’uuliyadooda.
Gunaanad:
Dhisidda iyo kor u qaadida jacaylka qoysku wuxuu u baahanyahay ficil iyo wada shaqayn joogto ah. Jacaylku maaha Dareen dhex yaalla qalbiyadeena, lakiin wuxuu ku yimaadaa ereyada naxariista leh, isku-duubnida, dhegeysiga ilmaha, iyo wakhtiga gaarka ah ee la wada qaato. Aa-aaska bulsho kasta oo wanaagsan waxa uu ka bilaabmaa qoyska dhexdiisa; marka aad gurigaaga nabad iyo jacayl ku haysato waxad dunida u tahay iftiin iyo tusaale lagu dayan karo.



0 Comments