Hordhac:
Maanta waxa aynu falanqayn doonaa sida saxda ah ee loo koriyo ilmaha cusub (dhashay), wakhtiga loo bilaabo cuntada, cabitaanada ku habboon, iyo gunaanad.
Barbaarinta iyo daryeelka ilmaha cusub ee dhashay waxay u baahantahay Samir badan, fiiro gaar ah, iyo daryeel joogto ah. Maadaama biliha ugu horeeyaa ay yihiin xilli uu la qabsanayo adduunkan ka baxsan caloosha hooyada. Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qodobada ugu muhiimsan ee daryeelka ubadka.
Quudinta ilmaha: ilmahadhashay waxa uu u baahanyahay in la nuujiyo labadii saacadoodba mar maalintiina lab aiyo toban jeer. In ilmaha laga ilaaliyo inuu faraha jaqo oo loogu dadaalo naaska inta aanu ooyin. Oohintu waa calaamada ugu danbaysa ee ilmuhu ku muujiyo gaajada haysa. In ilmaha laga daaciyo nuujinta ka dib, si tartiib ah in loo saaro garabka gacantana si fudud logu dhufdhufto dhabarka ilmaha yar si uu u daaco, waxay ilmaha u sahlaysaa in caanihii caloosha u dhaadhacaan hawadiina dabada uga soo baxdo ilmuhuna ugabadbaado mantag iyo inuu soo celiyo caanihii.
Dhabar u seexinta: ilmaha marka uu so gaadho bisha saddexaad in dhabarka loo seexiyo siu u u maamuli karo qoortiisa una adkaado madaxiisu.
Sariirta: Meesha uu ilmuhu seexanayo waa inay ahaataa meel fidsan oo adag. Ka fogee ilmaha barkimooyinka waaweyn, bustayaasha culus, iyo alaabaha u keeni kara inuu naqasku qabto.
Saacadaha hurdada: ilmaha dhashay wuxuu seexdaa maalintii 16 ilaa 18 saacadood, isagoo kaliya usoo kaca nuujinta uun. Waalidku waa in aanu ilmaha ki iloobin hurdada ee waa inuu u kiciyaa xataa haddii uu hurdo.
Daryeelka xudunta iyo qubeyska:
Daryeelka xudunta: waalidku waa inuu ka ilaaliya xudunta ilmaha biyaha, kana fogeeya gacantiisa ilaa ay kasoo dhacayso. Inta badan xuduntu waxa ay kusoo dhacda 1 ilaa 3 toddobaad.
Qubayska: ilmaha dhashay looma baahna in loo qubeeyo maalin kasta, inta ay xuduntu ku taalo isticmaal maro qoyan iyo biyo diiran. Marka xuduntu ka dhacdo toddobaadkii 3 jeer in loo qubeeyo, jidhka loo duugo yado la isticmaalayo subag ama dufan si jidhka ilmuhu u helo koriin.
Xafaayadda: ka beddel xafaayada marka ay wasakh yeelato oo haku dayn, tani waxay ka hortagtaa inuu yeesho finan iyo inuu maqaarku casaado.
Isku-xidhnaanta iyo degganaanta:
Is-taabashada maqaarka: ilmahaoo la saaro maqaarka hooyada waxay nidaamisaa garaaca wadnaha , neefsashada, iyo kulaylka jidhka.
Oohinta iyo dejinta: ilmaha dhashay marka uu gaajo dareemo iyo marka uu dhaxamoodaba waa uu ooyaa, haddaba waa in ilmaha la duubo marka loo maydho lana seexiyo meel dugsi ah, in si tartiib ah loo dejiyo marka uu ooyo.
Calaamadaha caafimaadka:
Haddii aad ilmaha ku aragto calaamadahan xumad ka sarreysa 37.
Daciifnimo: ilmaha oo aan kacaynin wax ka badan 3 saacadoodna nuujinta ka maqnaada.
Dhibaato neefsashada ah: dheefsasho dhakhso badan ama neefta oo ku adag.
Ilmaha oo diida nuujinta isku xig-xigta ama mantaga nuujinta ka dib.
Intaas oo calaamadood ee aynu kor ku soo sheegnay haddii aad ku aragto ilmahaaga waa inaad si degdega u gaysaa goobta caafimaad ee kugu dhaw. Ilmuhu difaaciisa oo yar awgeed ma xamili karo dhibaatooyinka. Waalidku waa inuu fiiro gaara u yeesho xaaladahan. Daryeelka ilmaha dhashay waa safar u baahan Samir iyo joogtayn. Waalidku waa inuu nastaa marka uu ilmuhu hurdo.
Wakhtiga loo bilaabo cuntada
Wakhtiga ugu haboon ee ilmaha loo bilaabi karo cuntada sida saxda ah waa marka uu gaadho 6 bilood. 6 bilood ka hor ilmaha lamasiin karo cunto, kaliya waxaa la siinayaa caanaha naaska ama caanaha qasaca. Haddii hooyadu caafimaad qabto waa inay ilmaha siiso naas nuujin badhax tiran inta uu ka yaryahay lixda bilood. Hooyadu waa inay qaadataa cuntooyin nafaqo leh sida kuwa ku badanyihiin booratiin, iron iyo cabitaanka biyaha si ilmuhu u helo caano ku filan. Naasku waxa uu ilmahau sameeyaa difaac uu kaga hortago xanuunada ku dhaca caloosha sida shubanka. Naas nuujintu waxay hooyada ka caawisa in aysan qaadin uur, faa’iidooyinkiisunamaaha wax la soo koobi karo.
Calaamadaha lagu garto in ilmuhu cunto diyaar u yahay.
In uu ilmuhu madaxiisa maamulo oo wax kasta oo hareerihiisa jooga eegi karo.
Inuu ilmuhu isku dayo fadhi ama uu gacmaha afka galiyo.
Inuu carabka dabada usoo saaro.
Inuu fiiriyo hooyadu marka ay wax cunayso isla markaana furo afkiisa.
Intaas oo calaamadood iyo kuwo kale oo badan waxay astaan iyo calaamad u yihiin ilmaha marka uu diyaar u noqdo cuntada.
Cuntooyinka ugu horreeya ee loo bilaabo.
Cuntooyin jilicsan ku biloow ilmaha sida kaaroote la shiiday, baradho, yadoo laga ilaalinayo inay yeeshaan buurbuur.
Muuska, iyo roodhida qaybta dhexe ee jilicsan.
In ilmaha cunto kasta oo cusub loo daayo ilaa saddex casho si loo hubiyo cuntada inuu ku yeesho xasaasiyad ama ku keento calool furan.
In aan ilmaha la siin Karin malab inta uu ka yaryahay sannad.
In ilmaha marka loo bilaabo cuntada la siiyo maalintii laba wakhti sida quraac iyo casho, yadoo loo raacinayo caanihii naaska.
Avocado la shiiday, boorashka daasadaha yadoo laga yaraynayo, maadaama ay leeyihiin dux badan.
Cabitaanada la siin karo ilmaha 6 bilood jira.
Caanaha naaska.
Caanaha qasaca haddii uu jiro cududaar hooyada ku yimaada sida, inay sii wadi kariwaydo naaskii sababo la xidhiidha caafimaadkeeda.
In la siiyo biyo nadiif ah.
In ilmahalagu habo koob si uu ugu cabo cabitaanada kala duwan ugana maarmo masaasada.
Gunaanad:
Daryeelka iyo barbaarinta ilmaha laga bilaabo maalinta uu dhasho ilaa uu ka gaadhayo 3 sanno waa safar dheer uu u baahan in maalinba tallaabo la qaado, yadoo lagu kabayo Samir iyo jogtayn. In ilmaha loo sameeyo naas nuujin badhaxtiran 0-6 bilood, loomana baahna cabitaano kale ama cunto mudadaas uu ka yaryahay 6 bilood. Marka uu ilmuhu soo gaadho 6 bilood in loo bilaabo cuntooyin jilicsan oo nafaqo leh, si uu uga helo koritaan jidheed iyo mid maskaxeedba. Ilmo kasta waxa uu leeyahay xawaare u gooniya oo u uku koro, waa in ilmaha loo daayo wakhtigiisa yadoo lagu caawinayo siinta cunto isudheelitiran. In ilmaha cuntada loo siiyo sida saxda ah iyo wakhtiga ugu haboon, waxay ka caawisaa inuu ilmuhu helo daryeel iyo koritaan dhamaystiran. In ilmaha laga ilaaliyo wax yaabaha leh buurbuurka si looga fogaado inuu ilmahu halis ugu galo oo cunaha isu taago. Sii ilmaha cunto jilicsan oo aan lahayn cusbo iyo sonkor midna,. Conto isu dheelitiran waxay ilmaha siisaa firfircooni iyo kriin dhamaystiran.





0 Comments