LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Sifooyinka ubadka guulaysta.

 Hordhac:

Mawduucan waxa aynu manta ku lafaguridoonaa haddii Alle ogolaado sifooyinka iyo tilmaamaha kagu garto ubadka guulaysta, wadada ugu fiican ee loo maro si loogu hago wadada guusha, iyo gunaanad.

Ubadka guulaysta guushoodu kuma xidhna oo kaliya dhibcaha ay ka keenaan waxbarashada (in kasta oo ay taasi muhiim tahay), balse waxa uu horomarkoodu ku xidhanyahay dhinac kasta sida dabeecadooda, maskaxdooda, iyo sida ay ula macaamilaan bulshada. Halkan waxa aynu ku xusi doonaa sifooyinka ugu muhiimsan ee lagu garto ubadka guulaysta iyo kuwa leh mustaqbalka ifaya.

Kalsooni iyo isku-tiirsanaan: ilmaha guulaystaa waa mid aaminsan awoodiisa, mana ka baqo inuu tijaabiyo waxyaabo cusub ama inuu ku guul-daraysto wax qabad si uu wax ugu barto. Ubadka guulaystaa waxay awoodaan inay hawlahooda yaryar sida, hagaajintaagabka dugsiga iyo sariirtiisa u qataan si hufan yaga oo aan laga dabatagin.

Adkaysi iyo Samir: ubadka leh astaantan guusha, marka ay hawl ku guuldarraystaan hawl, ciyaar, ama imtixaan, si fudud isuma dhiibaan. Waxay u arkaan guuldarrada talaabo loo qaaday dhanka barashada. Waxa ay leeyihiin dulqaad ay ku sugaan natiijada dedaalkooda, halkii ay wax walba u dooni lahayeen inay si fudud oo degdeg ah u fulaan.

Akhlaaqwanaag iyo ixtiraam: ubadka leh sifada guusha, waxay si xushmad leh ula dhaqmaan waalidka, macalimiinta, waayeelka, iyo asxaabtooda. Ubadkaasi waxay qirtaan khaladkooda halkii ay eedda dusha ka saari lahaayeen dadka kale, iyagoo isku daya inay saxaan wixii ka xumaada.

Jacaylka barashada iyo aqoon-raadinta: ilmaha guulaysta waa kuwo mar kasta su’aalo waydiiya dadka ka waaweyn si ay u ogaadaan wax kasta oo cusub. Waxa ay leeyihiin xiiso dabiici ah oo ku aaddan akhriska buugaagta iyo fahamka xirfado cusub.

Dareen-wadaag iyo saaxiibtinimo: ubadka guulaystaa waxa ay leeyihiin awood ay ku dareemaan xaaladaha ay ku jiraan dadka kale, iyagoo isku daya inay caawiyaan dadka dhibaataysan. Ubadka guulaystaa waxay leeyihiin wada-shaqayn, waxay si fudud ula qabsadaan carruurta kale, iyagoo ku fiican shaqada kooxda iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.

Maareynta dareenka: xakamaynta cadhada iyo niyad jabka, in kasta oo ay carruur yihiin, haddana waxay si tartiiba ah u bartaan u bartaan sida loo muujiyo cadhada, ama murugada si deggen oo aan dhibaato u keenayn naftooda iyo bulshadaba. Sifooyinka ilmaha wanaagsan kuma dhashaan oo keliya, ee waa kuwo ku horumara barbaarinta toosan, dhiirigelin joogto ah, iyo deegaan qoys oo amaan ah oo jacayl iyo taageero ku dheehantahay.


Wiil yar oo mu guulaystay ciyaartii.








Wadada ugu fiican ee ku hagta inay guulaystaan: 

Waddada ugu fiican ee ilmaha u horseedi kartaa guul wax ku ool ah maaha kaliya hal waddo, balse waa hab-dhis barbaarineed oo isku xidhan. Doorka waalidku maaha inuu ilmaha u naqshadeeyo mustaqbal uu isagu rabo, balse waa inuu ilmaha siiyo agabkii, deegaankii, iyo kalsoonidii uu ku dhisan lahaa mustaqbalkiisa. Halkan waxa aynu ku xusi doona waddada ugu haboon ee ubadka loogu hagi lahaa dhanka guusha.

Dhisidda xidhiidh jacayl iyo ammaan: ilmo kasta oo guulaystaa wuxuu u baahanyahay salad ammaan ah oo uu ka shidaal qaato. Jacayl shuruud la’aan ah oo ilmaha la siiyo yadoo aan lagu xidhaynin kaliya marka uu marka uu dhibco sare keeno dugsiga, balse la siiyo jacayl iyo qaddarin la tixgalinayo fikirkiisa. Ilmuhu waa inuu ogaadaa in la jecelyahay xaalad kasta. Waalidku waa inuu abuuraa deegaan wadahadal furan ah siu u ilmuhu jaanis ugu helo inuu kugu gudbiyo cabsidiisa, khaladaadkiisa, iyo riyooyinkiisa adigoo aan maagaynin.

Barrida maskax koraysa: tani waamid ka mid ah qodobada ugu saamaynta badan marka ilmaha la joogo. Waalidku waa inuu ammaana dedaalka ilmihiisa ee aanu ammaanin garaadkiisa: ‘halkii aad odhan lahayd aad baad u caqli badantahay’, ku dheh ‘waxaan arkaa dedaalkaaga iyo inaad si fiican uga so baxday shaqadaadii si aad dhibaatadan u xalliso’. Tani waxay ilmaha baraysaa in guushu ku timid dedaalkiisii u bixiyay si u u ugu guulaysto hawsha, balse aanay ahayn waxdabiici ah oo la dhaxlo oo kaliya. Ubadka qaar ka mid ah ayaa khaladaadkooda u arka fursad barasho, marka uu guuldarraysto caawi si uu u fahmo Meesha ay wax ka khaldanyihiin iyo sida loo hagaajin karo.

Baridda mas’uuliyadda iyo isku-tiirsanaanta: ilmaha waa in hawlaha guriga wax laga siiyaa inta ku haboon, sida hagaajinta qolka, habaynta buugaagta, ama caawinta jikada. Tani waxay ilmaha ku abuurtaa Dareen ah inuu qayb muhiim ah ka yahay qoyska iyo inuu wax qaban karo.

Dejinta xeerar iyo anshax suuban: barbaarinta ugu guulaha badan waa mid isku darta naxariis badan iyo xuduudo cad-cad. In guriga loo sameeyo xeerar cad-cad oo uu qoysku heshiis ku yahay sida, wakhtiga tv, wakhtiga ciyaarta, wakhtiga cuntada, iyo wakhtiga hurdada. Haddii ilmuhu jabiyo mid kamida xeerarka, waalidka waa in aanu isticmaalin ciqaab jidheed ama aflagaado, balse si degen loola hadlo.

Noqo tusaale nool: carruurtu ma maqlaan waxad sheegayso, balse waxay qaataan waxa aad samaynayso ee ay kaa arkaan. Haddii aad rabto in ilmahaagu noqdo mid dulqaad badan, akhlaaq leh, oo jecel akhriska, waa in ay adiga kaa arkaan dhamaan falalkaas odhan maalin kasta. Sida aad u xakamayso cadhadaada, sida aad ula dhaqanto dadka kale, iyo sida aadu maarayso wakhtiyada adag waa manhajka ugu weyn ee ilmuhu ka baranayo noloshiisa.









Gunaanad:

Waddada guushu maaha wax la dhiso hal maalin ee waa dadaal u baahan Samir, joogtayn, iyo barbaarin toosan oo ku dhisan daryeel maskaxeed iyo mid jidheedba. Haddaba si aan usoo xidhno mawduuceenan muhiimka ah, guusha ubadku maaha mid iska timaada, kumana xidhna hanti iyo nasiib midna. Waa midho ka dhasha siidh la beeray, la waraabiyay, laga ilaaliyay cayayaankii xumayn lahaa, lagu daryeelay ciid nafaqo leh iyo cadceed ku filan. Marka aynaan u eegin ilmaha oo kaliya waxa uu noqon doonaa mustaqbalka dhakhtar, injineer, ama ganacsade, balse aynu xoogga saarno ‘qofka uu yahay hadda’-akhlaaqdiisa, adkaysigiisa, iyo caafimaadkiisa maskaxeed waxa aynu si dabiici ah u dhisaynaa mustaqbalkiisa si uu ugu guulaysto xaalad kasta oo soo wajahda. Barbaarinta ubadku waa maalgashiga ugu ballaadhan ee waalid uu maal-galiyo. Carruurtu uma baahna waalid kaamil ah, balse waxay u baahanyihiin waalid jooga, dhegaysta, oo si toosan u haga. Ubadku marka ay haystaan waalidkii saxda ahaa waxaa u fududaata inuu si toos ah guusha ugu socdo. Ilmuhu marxaladihiisa korimeed haduu mid kasta u helo waalidkii ku hagi lahaa waxaa shaki la’aan ah in ilmahaasi guulaysanayo.

Post a Comment

0 Comments