Hordhac:
Mantawaxa aynu ku lafaguri doonaa qormadan sida loo la dhaqmo ilmuhu marka uu cadhaysanyahay, ilmaha lagu ciqaao cadhadiisa dhibaatada ka dhalata, iyo gunaanadka qormada.
Nidaamka maareynta cadhada ilmaha ka yar 3 sanno, waxa uu u baahanyahay naxariis, Samir, iyo faham dhab ah oo ku saabsan sida ay maskaxdoodu u shaqayso. Adiga oo adeegsanaya hab-tariyadeed oo aan ciqaab iyo gacan qaadtoona lahayn. Waalidku waa inuu isku dayaa inuu ilmahaka caawiyo sidii uu u maarayn lahaa shucuurtiisa iyadoo la ilaalinayo dhaawac nafsiyadeed.
Faham waxa ay ka cadhoodaan: marka uu ilmuhu u dhexeeyo 1-3 sanno maskaxdiisa qaybta maamusha shucuurtu gabi ahaanba ma dhisna. Waalidow ogow ilmuhu marka uu cadhoodo ama ooyo, uma samaynayo inuu adiga ku dhibo ama kibir oo kale, ee waa hab uu u adeegsado inuu ku sharaxo shucuurtiisa ama dareenkiisa isago aan awoodin hadal lagu fahmi karo, oohinta iyo cadhada ayaa u ah ambalaas uu u isticmaalo inuu bandhigo dareenkiisa.
Tallaaooyinka loo maareeyo cadhadooda.
In ilmaha laga aamuso oo loo daayo oohinta ilaa uu isagu ka dagayo, waalidkuna si deggan ula hadlo. Haddii waalidkuna xanaaqo oo uu ku qayliyo ilmaha, wuxuu arkayaa in xaaladu khatar tahay, taasina waxay sii kordhinaysaa cadhadiisii.
Haddii ilmuhu sameeyo gacan-qaad waxaa mudan in waalidku si deggen u qabto gacmihiisa isagoo u sheegaya in aan waxba la tuurin. Taasina waxay baraysaa in marka la xanaaqo lays xakamayn karo.
In ilmaha loo garaabo lana isticmaalo ereyo dajinaya naftiisa, Tusaale: wan u jeedaa inaad xanaaqsantahay sababta oo ah kuuma ogoli inad banaanka aado, tani waxay ilmaha baraysaa in xanaaqu yahay Dareen caadi ah lanaxakamayn karo.
Waalidku waa inuu aamusa inta uu ilmuhu ku jiro xaaladaa cadhada, ha isku dayin inad u sharaxdo cadhadooda marka ay ooyayaan, waayo maskaxdoodu qayta fikirku ma shaqayso. Hadalka badan waxa uu sii kordhinayaa cadhada. Ag-fadhiiso oo kaliya hana u samayn waxa u uku ooyayo. Haddii ilmaha oo ku jira oohin la siiyo wixii u uku ooyay waxa uu aranayaa in oohinta wax lagu helo.
Marka ilmuhu dago ee ay cadhadu ka ba’do waa inad so dhawaysaa oo laabta galisaa, taasi waxay dhisaysaa ammaanka nafsiga ah ee ilmaha. Waalidku waa inuu ilmaha baraa sida loo muujiyo dareenka isaga oo aan cidna dhibaataynaynin. Ku dheh marka aad wax doonayso si deggen usheego waxa aad ka cadhooto adigoo aan wax dhib ah u keenaynin naftaada.
In ilmaha laga ilaaliyo qaylada iyo garaacista marka uu xanaaqsanyahay waxay ilmihii ku keeni kartaa dhibaato iyo dhaawac maskaxeed. Ilmo yar oo xanaaqsan uma baahnawaalid la xanaaqa, ee waxa uu u baahanyahay waalid cadhadiisa jawaab uga dhiga deganaan iyo xakamayn. Habkani waxa uu ilmaha u dhisayaa marka uu weynaado inuu awood u yeesho inuu maareeyo dareenkiisa.
Garaacista ubadka.
Garaacista ubadka ka yar 3 sanno, waxa uu ilmaha ku reebaa dhibaatooyin maskaxeed, dabeecadeed, iyo mustaqalka ilmaha.
Cilmi-baadhayaasha iyo dhakhaatiirta ku takhasusay koritaan ubadka iyo tarbiyadoodu waxay sheegaan in garaaciska ilmuhu sabai karto dhiaatooyin waaweyn oo kala duwan.
Saamaynta maskaxda: kooriinka maskaxda ilmaha la garaaco waa uu is bedalaa, waxay ay maskaxdiisu soo daysaa hoormoono ku keena ilmaha yar walwal iyo cabsi. Tani waxay keentaain qaybta maskaxda ee maamusha cabsidu ay markasta heegan ku jirto, iyadoo dhanka kale hoos u dhigta qaybta maamusha fikirka iyo barashada waxcusub. Ilmuhu halkii uu waalidka ka heli lahaa ammaan, naxariis, jacayl, iyo inuu ku aamino inuu usoo bandhigo dareenkiisa, waxa uu bilaabaa inuu ka cabsado waalidka. Tani waxay keentaa in ilmuhu yeesho kalsooni darro iyo is-dhiibid.
Samaynta dabeecad wanaagsan: garaacistu ma barto ilmaha dabeecad sax ah; waxay kaliya bartaa sida loo qariyo dabeecada xun. Ilmuha marka la garaaco waxa uu isku dayaa inuu is difaaco oo uu gacan ka hadal sameeyo isago oo aan kala soocin waalid iyo walaal midna. Waalidka soomalida ayaa ilmaha Sameeya is difaacid u arka mid leh akhlaaq xun, isla markaana ixtiraamaynin dadka waaweyn, halka ilmuhu aanu wali yeelan maskax ku filan oo uu ku ixtiraamo dadka.
Ilmaha la garaaco waxa uu bartaa inuu sheego been si uu isu badbaadiyo madaama uu ka cabsanayo in la garaaco, waxa kale oo uu qarsadaa dhibaatooyinka ku dhaca isago ka baqaya ciqaab daran inuu la kulmo.
Ilmaha markaa uu ka yaryahay 3sanno la garaaco waxa uu ka dhaxlaa inuu kasii dabeecad xumaado marka uu gaadho 4-5sanno, saabta oo ah ma uu helin wakhti lagu fahmo, lagu dhagaysto isla markaana lagu caawiyo sidii uu u muujin lahaa dareenkiisa.
Ilmaha la garaaco iyo ilmaha deganaanta lagu barbaariyo waxay ku kala duwan yihiin xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo waalidka. Ilmaha la garaaco waalidka wuu ka fogaada madaama uu ka waayey naxariis iyo jacayl, halka ilmaha la dhagaysto ee la dejiyo dareenkiisa uu uga dhawyahay waalidka xidhiidhkooduna noqdo mid adag oo jacayl iyo naxariis ka buuxdo.
Gunaanad:
Aabaha ama waalidka u haysta in garaacistu tahay edbin iyo tarbiyad waxa aynu u sheegaynaa ilmahaaga ha iska fogayn. Garaacistu waxay Meesha ka saartaa kalsoonidii ilmaha yari ku qabay waalidkii iyo sidii uu u sharixi lahaa dhibaatadiisa siu u xal ugu helo. Naxariista, jacaylka, iyo in ilmaha laga ilaaliyo gacan-ka-hadalka marka uu xanaaqsan yahay waxay dhistaa ilmo caafimaad qaba dhanka maskaxda iyo dabeecadaha mustaqalka.


0 Comments