Hordhac:

qormadan manta waxa aynu ku eegaynaa cuntooyinka nafaqada u leh ubadka, faa’iidada ay jidhka u leeyinhiin, jadwal nidaamsan oo lagu habaynayo, iyo gunaanadka qormadan.

Carruurtu marka ay korayaan waxa ay u baahanyihiin cuntooyin dheelitiran oo qani ku ah nafaqooyinka kala duwan ee jidhku u baahanyahay si uu si caafimaad lah ugu koro.

Khudaarta iyo midhaha: khudaarta iyo midhuhu waxay ay jidhka ka caawiyaan dhisida qaybta difaaca ee cudurada ka hortagta.

Tufaax, muuska, iyo cambuhu waxa ay jidhka siiyaan tamar degdeg ah iyo fiitamiino muhiim ah.

Baradhada macaan iyo kaarootku waxay qani ku yihiin fiytamiin ‘A’ kaas oo muhiim u ah caafimaadka indhaha iyo maqaarka.

Khudaarta cagaaran sida, koostadu waxay qani ku yihiin birta loo yaqaano iron taas oo ka hortagta dhii-yarida.

Booratiinka: booratiinku wuxuu muhiim u yahay koritaanka lafaha, muruqyada, iyo unugyada cusub ee jidhka.

Kalluunka iyo digaaga: waxa ay jidhka ilmaha siiyaan booratiin tayo leh. Kalluunku waliba salmonka waxaa laga helaa omega-3 oo aad u hagaajiya garaadka iyo maskaxda ilmaha.

Ukunta: waa cunto dhamaystiran oo laga helo booratiin muhiim u ah koritaanka maskaxda.

Hilibka cas: wuxuu qani ku yahay birta iron iyo zink oo fure u ah koritaanka ubadka,

Cuntooyinka la beero.

Misirta iyo digirta; waa cunto leh ilo caafimaad oo muhiim ah, waxa laga helaa booratiino kala duwan sida, iron iyo fibar kuwaas oo caawiya dheefshiidka ilmaha.

Boorashka; waxa uu siiyaa jidhka ilmaha tamar raagta, waxa uuna u roonyahay caloosha.

Qamandiga; waxa uu qani ku yahay vitamine ‘B’ kaas oo jidhka siiya tamar caafimaad leh.

Caanaha;

Caanaha fadhiya; yoogadka waxaa laga helaa kaalshiyam kuwaas oo dhisa lafaha iyo ilkaha, waxaa sidoo kale laga helaa bakteeriyada waxtarka leh oo u roon caloosha iyo dheefshiidka ilmaha.















Talooyin muhiim ah oo la xidhiidha quudinta ubadka;
Biyaha; hubi in ilmuhu cabbo biyo ku filan maalintii oo dhan, kana fogee cabitaanada ay ku badanyihiin sokortu ee warshadaysan.
Kala duwanaansho: waalidku waa inuu ku dadaalo cuntada ilmuhu inay kala duwanaato oo saxanka cuntada ah ee uu cunayo isugu jiro khudaar, iyo hilib si loo hubiyo inuu ilmuhu helayo nafaqooyin kala duwan.
Yaree sonkorta iyo cusbada: cuntooyinka fudud ee dukaamada lagu gado sida, buskudada, nacnaca, iyo jabista waxaa ka buuxa xadi fara badan oo sonkor iyo milix ah kuwaas oo aan u fiicnayn caafimaadka ubadka.

Jadwal nidaameedka ubadka.

Samaynta jadwal nidaamsan oo maalin le ah waxa uu ka caawiyaa inay dareemaan dhiiranaan, deganaan, iyo amni, sababta oo ah waxa ay ogyihiin maalin kasta waxa ku xiga. Sidoo kale jadwalku waxa uu hooyada ka caawiyaa inay si fudud u maamusho wakhtigeeda iyo koritaanka carruurta.
Halkan waxa aynu kusoo qaadanaynaa jadwal maalin le ah oo isu dheelitiraya kaas oo xoogga saaraya cuntada caafimaadka leh ee ubadka, hurdada, ciyaarta ubadka.
Subaxdii: toosi ilmaha wakhti hore, gacmaha u maydh, ilkaha u nadiifi, ka dibna sii quraac nafaqo leh.
Xilliga barqada ah wakhti sii oo u sheekee, u akhri buugaagta ay ku sawiranyihiin xayawaanada kala duwani.
Waa inuu la ciyaaro ilmaha kale yagoo ku ciyaaraya ciyaaraha maskaxda dhisa sida, kuwa lasku guro iyo kuwa guryaha laga sameeyo.
Marka ay gaadho barqo dheer sii ilmaha cunto fudud sida khudaar muus, tufaax, iyo dhawr xabo oo timir ah.
Xilliga qadada marka la soo gaadho waa in ilmaha jidhka loo maydho qadada ka hor, intaas wixii ka danbeeyana la siiyo qado leh booratiin iyo khudaar dabiiciya.
Waa in ilmaha la seexiya qadada ka dib, hurdada duhurkii waxay muhiim u tahay nasashada maskaxda ilmaha iyo koritaanka jidhka carruurta yaryar.
Marka uu ilmuhu ka soo kaco hurdada duhurkii waa in ilmahala siiyaa cabitaan fudud ama yogurtiga.
Intaas wixii ka danbeeya waa in ilmaha laga caawiyo inuu sameeyo ciyaaro wadajir ah oo xoojiya xidhiidhka hooyada iyo ilmaha.
In ilmahala baro inuu agabkiisa ciyaaraha uruuriyo oo uu ku hagaajiyo booskooda.
Habeenka: bar ilmaha inuu casheeyo fiidka hore adigoo siinaya casho fudud oo u roon caloosha kana baxda inta ka horaysa hurdada.
In ilmaha loo qubeeyo qubays fudud hurdada ka hor kaas oo ilmaha siinaya nasiino, una xidh dharka hurdada.














Faa’iidooyinka laga helo cuntada nafaqada leh.

Cuntada nafaqada leh ee isu dheelitiran waa aasaaska nolosha, caafimaadka, iyo horumarka qof kasta, gaar ahaan ubadka koraya iyo hooyada. Jidhka oo hela nafaqo ku filan waxay la mid tahay adigoo dhisay guri adag oo u adkaysan kara xanuunada so weerara.
Nafaqada saxdaah si gaara booratiinka iyo kaalshiyamku waxay muhiim u yihiin dhisimahalafo adag, ilkaha, iyo murqaha. Carruurta hesha nafaqo ku filan waxay u koraan si caafimaad leh, waxayna gaadhaan heerar koritaan oo ku habboon da’dooda.
Cuntooyinka qaniga ku ah omega-3, iyo fiytamiinadu waxay si toos ah u saameeyaan shaqada maskaxda. Waxay kor u qaadaan:
Xusuusta iyo feejignaanta.
Awoodda waxbarashada iyo fahamka degdega ah,
Xasilloonida ubadka iyo dabeecadaha ubadka.
Cuntooyinka leh nafaqadu si gaara khudaarta iyo midhaha ay ka buuxaan faytamiin ‘c’, iyo faytamiin ‘A’, waxay u shaqeeyaan sidii gaashaan oo kale. Waxay ka caawiyaan jidhka ubadka iyo qoyskaba inay iska caabiyaan xanuunada caanka ah sida hargabka, iyo qufaca. Inay si degdega uga bogsadan xanuunad.
Cuntooyinka la beero waxay qani ku yihiin faybar sare, waxa ayna nidaamiyaan shaqada caloosha. 
Carruurtu waxay u baahanyihiin tamar ay ku ciyaaraan, ku dhexgalaan ubadka dhigood ah,

Gunaanad: 

Carruurta oo la siiyo cunto nafaqo leh oo isu-dheelitiran, iyo jadwal maalin le ah, waxay noqotaa tiirka ugu muhiimsan ee baraarinta toosan iyo koritaan caafimaad leh. Hooyo kastaa waxay haysataa fursad qaali ah oo ay maalin kasta ubadkeeda ugu nidaamin karto cuntooyinkiisa. Hadaba waa in aynu ku dadaalno sidii aynu ubadka u siin lahayn cunto nafaqo leh dheelitiran, iyo jadwal maalin le ah si aynu u helno ubadka caafimaad qaba maskax ahaan, jidh ahaana u koray sida ugu wanaagsan.