LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Side waalidku u xakamaynayaa cadhadiisa?

 Hordhac:

mawduucan manta waxa aynu ku lafa-guridoonaa habka uu waalidku u xakameeyo naftiisamarka uu ku jiro xaalad cadho, dhibaatooyinka ka dhasha xakamayn la’aanta, iyo gunaanadka qormadan.

In waalidku naftiisa xakamayn waayo marka uu cadhaysanyahay waa mid ka mida caqabadaha ugu waaweyn ee saameeya barbaarinta ubadka. Xakamaynta naftu waa fure lagu dhisayo ilmo deggan oo kalsooni leh. Marka waalidku xanaaqsanyahay carruurtu ma bartaan khaladka ay galeen ee waalidka ka cadhaysiiyay, waxay kaliya bartaan sida uu waalidku uga falceliyo. Halkan waxa aynu kusoo qaadanaynaa tallaabooyin wax ku ool ah oo uu waalidku ku dajin karo naftiisa marka uu cadhaysanyahay.

Marka uu waalidku aad u cadhaysanyahay waxaa haboon inuu aamuso ficilna aanu samayn, qaato neef, naftiisana djiyo ilaa uu cadhada ka baxayo.

Haddii uu waalidku dareemo in saa’id u kacsanyahay, waa inuu hubiyaa in ilmihiisu nabadgalyo ku jiro, ka dibna uu u dhaqaaqo goob kale oo aanay ka jirin cadho, sii naftaada dhawr daqiiqo ka hor inta aanad la hadlin ilmaha.

Inta badan xanaaqu waxa uu ka yimaada si aan u aragno dhaqanka ilmaha marka uu wax samaynayo. Waalidku waa inuu bedelaa hadalkiisa halkii uu odhan lahaa ilmahani waxan waxa uu u samaynayaa inuu idhibo, ku bedel ilmahani ma lahaa maskaxku filan mana garanayo si kale oo uu dareenkiisa ku muujiyo, caawinaad ayuu iiga baahanyahay. Carruurtu dhib kuma galinayaan ee iyaga ayaa dhib ku jira taas ayaa keenaysa inuu khalad sameeyo muujiyana dareenkiisa.

Marka aynu dareeno cadho codkeenu si otomatik ah ayuu u kordhaa. Isku day inaad codkaaga hoos u dhigto. Tani ma aha kaliya inaad naftaada dejiso, lakiin waxay sidoo kale ilmaha baraysaa inuu ku maqlo oo aamuso.

Waalidimadu maaha wax si fudud looga baxo, waa safar barasho qof kastaana wuu khaldami karaa. Haddii aad mararka qaar ku khaldanto ubadkaaga, u tag marka aad is dejiso. Ku dheh ‘wan ka xumahay in aan kugu qaliyay maaha wax sax ah wan xanaaqsanaa’. Tani waxay ilmaha baraysaa cashar muhiim ah sida loo bixiyo ralligelinta marka la xanaaqo. Barbaarintu maaha inaad noqoto waalid dhamaystiran, ee waa inaad noqotaa waalid miyir qaba oo garanaya habka uu u maarayn lahaa shucuurtiisa.







Dhibaatada ka dhalata xakamayn la’aanta nafta. 

Marka uu waalidku xakamayn Karin naftiisa, saameynta ay ku leedahay ubadka iyo qoysku maaha mid ku kooban daqiiqadaas lagu jiro cadhada, balse waxay reebtaa raad qoto-dheer oo saameeya mustaqbalka ilmaha. Carruurtu waxay u baahanyihiin in ay guriga ka helaan nabadgalyo, lakiin marka xanaaqawaalidku joogto noqdo, gurigu waxa uu isu bedelaa goob lagu dareemo walwal. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhalan karaa xakamayn la’aanta naftu waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

Walwal iyo cabsi joogto ah: ilmuhu wuxuu markasta ku jirayaa xaalad difaac ah, maadaama waalidku inta badan xanaaqsanyahay. Tani waxay dhaawacda iyo daciifisaa hab-dhiska Dareen wadka ee ilmaha.

Kalsooni darro: marka ilmaha had iyo jeer lagu qayliyo, markasta oo uu khalad sameeyana la ciqaabo, wuxuu bilaabaa inuu aamino inuu isagu xun yahay, taasi oo hoos u dhigta kalsoonida u uku qabo naftiisa.

Inuu ilmuhu barto dabeecado rabshad wata: carruurtu ma maqlaan waxaad sheegayso, ee waxay sameeyaan waxad ficil ku tusto. Marka waalidku xanaaqo ee u uku qayliyo ubadkii ama uu garaaco, waxay baranayaan in xanaaqa iyo garaacistu yihiin habka lagu xalliyo dhibaatooyinka. Ilmuhu wuxuu dabeecadan la tagaa dugsiga iyo goobaha laysugu yimaado taas oo saameyn ku yeelata mustaqbalkiisa marka uu weynaado.

Luminta kalsoonida ilmuhu waxay keentaa kala fogaansho waalidka iyo ilmaha ah. Ilmuhu kuma dhiiran doono inuu ku sheego dhibaatooyinkahaysta iyo waxa uu kala kulmo dugsiga, sababta oo ah waxa uu ka cabsanayaa falcelintaada kulul.

Tani waxay keenaysaa marka uu ilmuhu qaan-gaadho inuu kaa qarsado sirihiisa, kalsonidiina ka baxdo Meesha.

Cabsi iyo walwal joogto ah oo xanaaqu keeno, taasina waxay kor u qaadaa hoormoonada isku buuqa ee ilmaha. Tanina waxay sababi kartaa caqabado dhanka hurdada ah yadoo uu ka dhaxlo qaraw.

Difaaca jidhka oo hoos u dhaca, taas oo ilmaha ka dhigta mid u nugul xanuunada.

Dhibaato dhanka waxbarashada ah oo ku keenta inuu yareeyo diirad saaridii casharada.

Dhibaatadu kuma koobna uun ilmaha, waalidka ayay dib ugu soo laabataa. Waalidka waxaa ku dhasha Dareen ah qoomamo iyo inuu isu arko inuu danbiile yahay. Tani waxay waalidka ka dhigtaa inuu isu arko mid ku fashilmay barbaarintii ubadkiisa.

Xanaaqu waa Dareen dabiici ah oo ku abuuran bini’aadamka odhan, lakiin haka aynu u muujino ayaa ah mid khaldan. Inaad naftaada xakamayso maaha o kaliya badbaadinta ilmahaaga, waa badbaadinta mustaqbalka ubadkaaga iyo inuu xidhiidh fiican idin dhex maro.


Waxyaabaha keena cadhada waalidka.

Waalidka oo dareemaya daal iyo hurdo yari.
Waalidka oo culuys nolosha ah dareema sida, inuu waayo shaqadii, iyo inuu xanuun ku yimaado.
In waalidka noloshiisii hore lagu soo koriyay qaylo iyo xanaaq.

Talo iyo waxsheeg.

Inuu waalidku marka hore yahay mid daggen taas ayaa keenaysa inuu abuuro jawi ku haboon ubadka.
Inuu wakhti siiyo naftiisa.
Inuu helo hurdo ku filan.
Inuu wax ka yaqaano marxaladaha koritaan ee ubadka.














Gunaanad:
Safarka barbaarinta toosan iyo degganaanta qoysku ma aha waddo fudud, waana mid ka mida mashaariicda ugu waaweyn ee qofka bani’aadamka ah uu noloshiisa qabto. Xanaaqu waa Dareen dabiici ah oo qofka ku dhex abuuran, marka uu qofku la kulmo daal jidheed, hurdo yari, culayska nolosha, iyo dabeecadaha adag ee carruurta, taas ayaa keenaysa in waalidku xanaaqo oo qaylo is dhaho ku xalli dhibaatooyinkan. Sirta guushu waxay ku xidhantahay sida aad u maarayso dareenkaaga wakhtiyada aad ku jirto culaysyada. Marka aad xanaaqdo inaad neef qaadato, codkaaga hoos u dhigto, kana fogaato goobta aad joogto wakhtigaas una dhaqaaqdo goob kale, waxay badbaadinaysaa maskaxda iyo nafsada carruurta. Waalidku inuu isku dayo inuu fahmo carruurta marka ay yagu dhibaato ku jiraan isla markaana aanay aqoonin sidii ay u xallin lahaayeen adigoo isku dayaya inaad caawiso. Tani waxay badbaado u tahay ilmihii iyo waalidkiiba. Safarka barbaarinta toosan ee ubadku inta badan waxa u uku xidhanyahay barbaarinta toosan ee waalidka. Marka aad adigu barato inaad is-dejiso, waxaad ubadkaaga iyo gurigaagaba u horseedaysaa jawi nabadgalyo iyo kalsooni ku dheehantahay carruurtuna si furan ugu kori karto. ‘barbaarintu ma aha inad noqoto waalid aan khaldamin, laakiin waa inaad noqotaa waalid miyir qaba oo diyaar u ah maalin kasta inuu barto cashar iyo bog cusub oo nololeed.

Post a Comment

0 Comments