LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Farqiga u dhexeeya dabacsanaanta xad-dhaafka ah iyo adkaanta reebta cabsida.

 Hordhac:

maanta waxa aynu lafaguridoonaa farqiga u dhexeeya labadan dabeecadood, mid kasta faa’iida uu leeyahay, caqabadaha uu keeno, habka ugu habboon oo lagu Badali karo, iyo gunaanadka qormadan.

Farqiga u dhexeeya labadan dabeecadood waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee waalidiin badan ku wareeraan tarbiyada carruurta marka ay ku dhex jiraan.

Dabacsanaanta xad-dhaafka ah: sifada ugu weyn ee habkan waa xuduud la’aan iyo ku dhaqanka xeerarka oo aan la hirgelin. Waalidku marka uu yeesho dabacsanaan farabadan waxa uu bixiyaa naxariis iyo jacayl farabadan, lakiin waxa uu Meesha ka saaraa dhigida shuruuc iyo xudduudo cadcad.

Hab dhaqanka waalidka: waalidku wuxuu ka cabsadaa in ay ilmaha isku dhacaan ama uu ka xanaaqo, markaa waalidku waxa uu sameeyaa wax kasta oo ilmuhu codsado. Qalad kasta oo ilmuhu sameeyana waxa uu u arkaa wax aan weyney ama mid aanu ilmuhu fahansanayn.

Saameynta uu ilmaha ku yeesho:

Ilmuhu habkan waxa uu kala kulmaa is-xakamayn la’aan, sababta oo ah ma uu baran diidmada ama in khaladkiisa lagula xisaabtamo.

Saamaynta ugu badani waxay ku timaadaa marka uu bulshada dhex galo ama waxbarashada bilaabo taas oo ay ka jiraan shuruuc u baahan in loo hogaansamo. Hadaba ilmaha aan guriga kusoo baran si loo xakameeyo dareemada, waxa uu noqdaa mid dadka ka dhex baxa.

Waxa uu ilmuhu yeeshaa dabeecad ah wax kasta oo uu rabo in loo sameeyo xataa haddii aanu xaq u lahayn.

Adkaanta reebta cabsida: sifada ugu weyn ee lagu garto habkan ayaa ah adkaan aan lahayn naxariis iyo dhageysi midna. Amarradu uu waalidku bixiyo waa kuwa aan kaftan iyo wadahadal midna gali Karin, habka lagu saxaana uu yahay garaacid iyo qaylo.

Hab-dhaqanka waalidka: waalidku waxa uu ilmaha ku xidhaa jawaab kali ah oo ah yeel, madaama uu waalidku diiradda saaro kaliya in ilmaha la hogaamiyo, ma jirto ilmaha meel lagu waraysto oo lagu fahmo dareenkiisa, mana jirto in la dhagaysto hab-fikirkiisa.

Saameynta uu ku leeyahay ilmaha:

Ilmuhu marka uu waalidka kala kulmo adkaan badan iyo naxariis darro, waxa uu noqdaa mid aan waxba hubsan o oleh cabsi joogto ah, taas oo hoos u dhigta kalsoonida ilmaha.

Ilmuhu waxa uu bartaa inuu qariyo khaladaadka uu sameeyo isago ka cabsanaya inuu ciqaab kala kulmo. Ilmuhu adkaanta faraha badan waxa u uku dhiiradaa inuu been sheego madaama aanu kalsooni ku qabin waalidkii, oo uu ka cabsanayo in la garaaco.

Ubadka inta badan waalidku ku adagyahay waxay ku noolaadaan walaac joogto ah, yagoo ka cabsanaya inay waalidka ka cadhaysiiyaan.

Marka waalidku noqdo mid bixiya amarro oo aan meeshii wadahadal jirin, ilmaha waxaa ka luma fursadii u uku cabiri lahaa fikirkiisa iyo aragtida uu ka qabo hadba xaalada markaas taagan.

Ilmuhu waxa uu ka dhaxlaa inuu isu arko mid markasta khaldan oo aan tixgalin lahayn, waxa uuna ku hadlaa cod hoose.

Marka adkaanta waalidku badato meeshana ay ka baxdo naxariistii iyo jacaylkii uu ilmuhu u baahnaa, waxay bartaan in qariyaan khaladaadkooda, taas oo ay ku badalaan inay been sheegaan si aanay ula kulmin ciqaab

Marka ilmuhu uu weynaado adkaanta faraha badan ee waalidku waxay ilmaha ka dhigtaa mid muujiya caasinimo taas oo uu kaga so horjeesto waalidka wax kasta oo ay faraan.

Ubadka qaar waxay ay noqdaan qaar adeecid xad-dhaaf ah Sameeya, kuwaasi waxay noqdaan kuwo u nugul bulshadu inay xukumaan.

Ubadka kusoo kora guri naxariis darro iyo qallafsanaani ka jirto waxaa ku adkaata inay xalliyaan dhibaatooyinka nololeed.

Xidhiidhka ku dhisan cabsidu ma abuuro kalsooni. Marka ubadka ay hastaan dhibaatooyin uma cararaan dhinaca waalidka, waxa ay ka cabsadaan in kala kulmaan ciqaab.











Is-barbardhig labada dabeecadood.

Hadafka nidaamka:

Dabacsanaanta xad-dhaafka ah waxay ay ka dhigtaa mid markasta ubadku maamulaan oo ay jabiyaan xeer kasta.

Adkaanta badan: habkan waxa uu ilmaha ku khasbaa inay la yimaadaan adeecid buuxda iyo maamul ku dhisan awooda waalidka.

Xidhiidhka iyo wadahadalka: 

Dabacsaanta badan: marka waalidku ilmaha siiyo naxariis aad u badan waxa uu ilmuhu ka faa’iidaystaa dareenka waalidku u hayo ilmaha, waxa uuna noqdaa aan dhegeysan waxa loo sheegayo hagida noloshana aan si sax ah u baran.

Adkaanta badan: waalidku waxa uu noqdaa mid bixiya amar hal dhinac ah oo aan dhegeysi lahayn.

Dhaqanka ubadka:

Dabacsanaanta badan: ilmuhu marka uu dareemo dabacsanaan xad-dhaaf ah waxa uu noqdaa mid aan aqoon xuduudaha iyo sida loo ilaaliyo.

Adkaanta badan: ilmuhu waxa uu noqdaamid ka cabsada waalidka, taas oo ku adkaata inuu muujiyo dhibaatada haysata.


Hab dhexe oo waxtar u leh ilmaha.

Mid kasta oo ka mida labadaas hab ee aynu so aragnay waxa ay leedahay saamaynteeda marka si khaldan loo isticmaalo. Habka ugu wanaagsan ee loo tarbiyadeeyo ubadka ayaa ah dabacsanaan habboon iyo adkaan naxariis lagu ladho. Habkani waxa uu isku xidhaa in ilmuhu barto shuruucda, taas oo ka caawisa inuu qaato amarrada waalidka isagoo fahmaya oo wadahadal iyo dhegeysiba leh. Waxa uu hadana ilmuhu bartaa in haddii khalad uu ku dhaco oo markiiba aqoonsado in lagula xisaabtamayo isago ka fogaanayas beenta, wax kasta sida ay yihiin u sheega. Si loo helo hab isu dheelitiran waa inuu waalidku adeegsada xuduudo cad cad o oleh naxariis iyo dhegeysi. Halkii uu waalidku odhan lahaa ‘samee waxaas’ waa inuu ku badalaa ‘maxaynu ka yeelnaa arinkaas’, taasi ilmaha waxa ay siisaa fursad uu kusoo bandhigo hab fikirkiisa, waxa uuna aqbalaa go’aanka kasoo baxa arinkaas maadaama uu isagu ahaa mid ka qayb ah go’aanada waalidku qaadanayo. In ilmaha loo sheego dhaqanka xun ee lala yimaado guriga in lagula xisaabtamayo, lakiin jacaylkii iyo naxariistii aad u qabtay aanay waxba iska badalin.











Gunaanad:

Habka ugu habboon ee ubadka lagu tarbiyadeeya maaha adkaan, cabsi, iyo maamul-sare ku dhisan, mana ahaa jilicsanaan aan xuduud lahayn oo habacsanaan dhalisa.

Ubadku waxay u koraan si badqab leh, shakhsiyad saraysa, iyo maskax koraysa marka ay helaan isu-dheelitiran. Ilmaha waa inuu waalidku siiyo nidaam leh xuduud cad oo uu fahmi karo kuna habboon da’diisa. Waalidku waa inuu ubadka siiyaa tixgalin, kalsooni, iyo inay kugu soo dhiiran karaan marka ay dhibaatoodaan. Dhisida xidhiidh ku dhisan aaminaad iyo xushmad, halkii ay ahaan lahayd cabsi iyo gacan ka hadal, waxay ubadka ka dhigtaa kuwo yeesha maamul gudeed oo isku kalsoon, o oleh hab-dhaqan sax ah.

Post a Comment

0 Comments