LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Kala korinta ubadka.

 Hordhac:

Manta waxa ka hadlaynaa kala korinta ubadka, muhiimada uu u leeyahay hooyada iyo ubadka, faa’iidada guud ee kala korinta, iyo dhibaatada isku nuuga ubadka.

Kala korinta ubadku waa mid ka mida go’aannada ugu muhiimsan ee waalidiintu ku daryeelaan caafimaadkooda iyo ka ilmaha yar.

Jidhka hooyadu waxa uu u baahanyahay wakhti u uku soo kabto, kuna soo ceshado faytamiinadii iyo nafaqadii uu ka qaatay uurku. Si ilmaha loo siiyo naas-nuujin dhamaystiran hooyadu waa inay isticmaashaa kala koriye.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ku Talisay in loo dhaxaysiiyo labada uur ay noqoto laba saano, si ilmaha iyo hooyaduba u helaan daryeel caafimaad oo buuxa.

Ilmaha yar waxa uu u baahanyahay daryeel, feejignaan, iyo naas-nuujin dhammaystiran, ka hor inta aanu iman ilmo kale.


Faa’iidooyinka caafimaad ee uu hooyada u leeyahay.

Dib usoo kabasho: uurka iyo naas-nuujintu waxa ay hooyada ka qaataan nafaqooyin badan oo jidhka ki jira, sida birta iron, iyo kaalshiyam. Wakhti ku filan oo u dheexeeya ubadku waxa uu hooyada u oggolaadaa in jidhkeedu dib ula soo noqdo nafaqooyinkii uu waayey.

Yareynta culayska maskaxeed: nuujinta ilmaha yar waxa ay u baahantahay awood badan. Marka ubadku kala fogaadaan, culayska ah hurdo yaraanta ku dhacda hooyadu waa uu yaraadaa.


Faa’iidooyinka caafimaad ee ilmaha u leeyahay.

Naas-nuujin buuxda: ilmaha oo hela naas-nuujin buuxda oo ah laba sanno, waxa uu yeeshaa difaac jidheed oo xooggan, koboca maskaxda oo sareeya, ilmaha naaska caba laba sanno waa uu ka maskax badanyahay, kana caafimaad badanyahay ka aan cabin muddadaas.

Fiiro iyo kalgacal waalid: ilmaha laba saano naas la siiyo waxa uu helayaa wakhti fiican, diirimaad uu ka helo hooyada, iyo daryeel wanaagsan intaa u uku jiro sanadaha ugu horeeya noloshiisa.

Sanadaha lagu taliyay: ururka caafimaadka adduunka(WHO) iyo dhakhaatiirtu waxa ay ku taliyaan mudada ugu wanaagsan ee u dhaxayn karta carruurtu ay noqoto laba saanno ilaa saddex sanno.

Maareynta nolosha qoyska:

fudayd dhaqaale iyo wakhti: kala korintu waxay waalidiinta u sahashaa inay si habboon u maareeyaan guud ahaan nolosha qoyska, sida waxbarashada, dharka, caafimaadka, iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ubadka oo dhan.

Wadajirka walaalaha: marka ilmuhu isaga oo jira 3 sanno, ilmo kale kusoo biro qoyska, ilmihii hore waxa uu noqdaa mid iskii u ciyaara waxna fahmi kara, taasina hooyada waxay u fududaysaa inay si fiican u daryeesho ilmaha cusub.











Faa’iidada guud ee kala koriyaha.

kala korinta ubadku waxay saameyn toos ah ku leedahay guud ahaan deganaanshaha iyo barwaaqada reerka. Marka laga yimaado muhiimada uu u leeyahay hooyada iyo ilmaha, waa talaabo hagaajisa nolosha qoyska kana dhigta nolosha mid fudud. 

Kharashka ayuu u qaybiyaa si wanaagsan, marka ilmuhu kala fogaadaan waxaa fududaata baahida aasaasiga ah in la buuxiyo gabi ahaanba.

Kala korinta ubadku waxay faa’iido weyn u leedahay waxbarashada ubadka, yadoo ilmo kasta la geeyo waxbarasho tayo leh, taasina waxay waalidka u fududaysaa inuu kharashka ku baxaya u awoodo.

Kala korinta ubadka waxaa laga helaa deganaanshiiyo iyo farxad guriga dhexdiisa lagu dareemo. Guriga ay joogaan saddex ubad ah oo dhamaantood ku tiirsan hooyada waxa uu abuuraa buuq iyo daal joogto ah.

Aabbahu waxa uu fursad u helayaa ubadkiisii si uu ula ciyaaro, u daryeelo, isla markaana ka qayb qaato sidii uu u kobcin lahaa maskaxdooda.

 Dhawr ilmo oo isku xigxiga waxay waalidka ka qaataan wakhtigii ay isu heli lahaayeen ama ku nasan lahaayeen. Kala korintu waxay waalidka siisaa fursad ay kuwa qaataan wakhti ay iskala sheekaystaan nidaamka guriga, iyo horumarinta qoyska.

Waalidiinta hela nasasho ku filan waxay leeyihiin dulqaad ka badan kan waalidiinta ku jira xaalad daal joogto ah.

Ubadka hela daryeel, fiiro gaar ah, iyo nafaqo ku filan, waxay noqdaan kuwo jidhka iyo maskaxdaba ka dhisan, taas oo ugu danbayntii dhalisa samaynta bulsho caafimaad leh oo aqoon iyo dabeecad wanaagsan ku qalabaysan.








Noocyada kala koriyaha.

Kala koriyaha la isticmaala waa uu kala duwanyahay, halkan ayaynu ku sheegi doonaa inta nooc ee ay u kala baxaan.

Habka dabiiciga ah ayaa ah ka ugu caansan. In ilmaha naas-nuujin loo sameeyo yadoo laga fogaanayo caanaha qasacada.

Hooyada oo xisaabisaa maalmaha caadada, isla markaana ka fogaata xidhiidhka lammaananimo inta lagu jiro maalmaaha ugxantu diyaarka tahay.

Kiniinka kala korinta oo maalin kasta la qaato kuwaas oo leh nooc loogu talo galay hooyada nuujinaysa, iyo mid loogu talo galay hooyada aan nuujinaynin.

Irbadda laga qaato garabka oo shaqaysaa 3 sanno ilaa 5 sanno.

Irbad laysku mudo saddexdii biloodba mar.

Qalab yar o oleh qaabka T- oo kale kaas oo la galiyo makaanka hooyada.waxa uu shaqeeyaa 5-10 sanno.


Talo caafimaad: 

ka hor hooyadu inta aanay dooran hababkan kala duwan ee kala korinta waxaa muhiim ah in ay kala tashato dhakhtar ama umulisooyinka si loo ogaado midka iyada ku habboon, yadoo loo eegayo cadaadiska dhiigeeda, iyo xaaladdeeda naas-nuujineed.


Gunaanad:

Kala korinta ubadku waa go’aan ballaadhan oo saameyn toos ah ku yeesha habboonaanta, deganaanshaha iyo horumarka qoyska odhan. Kala korintu ma aha kaliya dib u dhigida dhalmada, muhiimada ugu weyni waxa uu saameeyaa daryeelka hooyada, ilmaha, iyo maareynta nolosha dhabta ah.

Kala koriyuhu waxa uu hooyada dib ugu soo celiyaa dhamaan nafaqooyinkii kala duwanaa ee ka lumay xilligii dhalmada hore, wuxuuna hooyada u fududeeyaa inay mar kale hesho awood ay ku maareyso culayska reerka iyadoo aan la kulmin daal unugyada ah. Ilmo kastaa waxa uu helaa naas-nuujin buuxda, kalgacal iyo fiiro gooni ah oo kobcisa garaadkiisa iyo dabeecadiisa sannadaha ugu horeeya. Kala koriyuhu waxa uu reerka ka caawiyaa maareynta dhaqaalaha, waxbarashada, iyo dhimista buuq. Ma jiro hal ha boo u wanaagsan hooyo kasta. Doorashada nooca kala koriyaha ee hooyo kastaa waxa u uku xidhanyahay caafimaadka hooyada, naas-nuujinta ilmaha, tala dhakhtarka iyo umulisada.



Post a Comment

0 Comments