Xanuunada ku dhaca hooyada umusha ah.
Hordhac:
Manta waxa aynu ka hadli doonaa xanuunada ku dhaca hooyada xilliga ay umusho, dhibaatada caafimaad ee uu ku keeno, xalka lagu daweeyo hooyada.
Xanuunada ku dhaca xilliga umushu waxay u qatbsamaan kuwo jismi ah, iyo kuwo nafsi ah.
Xanuunada jismiga ah:
Dhiigbaxa umusha ka dib: hoyada umushay dhiigax badan oo ku yimaada dhalmada ka dib, kaas oo sababi kara dhiig la’aan ku dhacda hooyada.
Caabuqa ku dhaca darbiga ilmo galeenka, kaas oo hooyada ku keena qandho iyo urta dhiiga oo isbedela.
Caabuq ku yimaada naaska, barar iyo xanuun ka dhasha caanaha ku fadhiista hooyada maadaama ilmuhu maalmaha ugu horeeya aanu si toos ah u jaqin naaska.
Caabuq ku yimaada jeexitaankii hooyada loo sameeyay markii ilmuhu dhalanayey, ha ahaato dhalmo dabiici ah ama qaliin.
Dhiig ku fadhiista lugaha hooyada oo ku keena barar lugaha ah, xanuun, iyo kulayl kubka iyo bawdada ah.
Xanuun ay hooyadu ka dareento sinta iyo dhabarka kaas oo sabab u ah fooshii ay soo martay hooyadu.
xanuunada nafsiga ah:
niyad jab fudud oo ku yimaada hooyada iyo walaac ay dareento kaas oo socda toddoaad ilaa laba toddobaad dhalmada ka dib. Kaas oo iskii u baaba’a.
niyad jab iyo murugo xooggan, daal daran, Dareen guuldarro ah, iyo isku buuq socda todobaadyo haddii uu kasii batana u baahda in dhakhtar la geeyo.
Xaalad waali oo kale ah kaas oo hooyada ku keena in ay ilmaha yar iyo nafteedaba galaafato werwerka iyo murugada ka badatay awgeed. Marxaladan haday hooyadu soo gaadho waxaa lagula taliyaa ehelka in ay caawiyaan ilmahana laga yar fogeeyo si isku buuqu uga yaraado.
Dhibaatada caafimaad ee uu hooyada ku keeno.
Dibaatooyinka caafimaad ee uu hooyada ku keeno waa mid ka mida xaaladaha ugu halista badan ee saameeya hooyada cusu ee nuujinaysa. Waxa uu keenaa dhibaatooyin caafimaad oo degdeg ah iyo kuwo muddo dheer sii jiri kara.
Dhibaatooyinka degdegga ah:
Dhiig badanoo degdeg ah kaas oo sababi kara in cadaadiska dhiigu hoos u dhaco hooyada, iyo inuu dhiigu ku filnaan waayo xunaha muhiimka ah ee jidhka.
Ogsajiinta jidhka gaadhaysa oo yaraata, neefsasho dhakhso ah iyo daal daran oo hooyadu dareento.
Burbur ku yimaada xubnaha jidhka sida in kalyuhu gaabiyaan shaqadooda, wadno garaac saa’id ah, kaas oo ka dhasha dhiig la’aanta hooyada haysa.
Haddii aan si degdeg ah hooyada loogu badelin cabitaano soo celiya, xaaladdu waxay noqon kartaa mid naftiisa halis galiya.
Dhibaatooyinka mudada dheer:
Hooyada oo dareenta dhiig yari, daal joogto ah, wareer, madax xanuun, iyo awood darro hooyada ku timaada yadoo ka gaabisa daryeelka ilmaheeda.
Dhiigbaxa daran ee hooyada ku yimaadaa waxa uu gooyaa qanjidhada maskaxda taas oo sababi kara in hooyadu joojiso caanaha naaska
Calaamadaha digniinta ah:
Dhiig bax daran oo ku yimaada hooyadu waa mid ka mida calaamadaha ugu halista badan ee u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto.
Wareer daran, gacmaha oo midabkoodu is badelo, iyo suuxdin oo hooyadu yeelato.
Wadnaha oo xoog u garaaca hooyada iyo neefsashada oo dhib ku noqota.
Cadaadiska dhiiga oo aad u hooseeya.
Gurmadka degdegga ah:
Haddii hooyadu leedahay dhamaan astaamahaas aynu so sheegnay, waxaa hooyada loo samayn karaa in cisbitaal la geeyo si loo xakameeyo xaalada ay ku jirto.
In hooyada la siiyo nasasho badan loona jiifiyo dhabarka iyada oo lugaha kor u taagaysa si dhiigu u gaadho maskaxda iyo wadnaha.
In hooyada la siiyo daawooyin dhakhtar u qoray, si dhawna xaaladiisa loo ilaaliyo.
Xalka lagu daweeyo.
In hooyadii la siiyo daawada loo yaqaano ‘oxytocin’ taas oo ah daawo hooyada muruqa laga siiyo oo ka caawisa inay soo uruuriso ilmo galeenka, ugu danbayna yaraysa dhiigbaxii badnaa.
In hooyada loo sameeyo wheel iyo wada sheekaysi si looga hortago in ay dareento cidlo. Tani waxay yaraysaa xanuunadii nafsiga ahaa ee hooyada ku dhici lahaa.
Gunaanad:
Dhiigbaxa dhalmada ka dib ku yimaada hooyadu waa xaalad degdeg ah oo u baahan gurmad iyo daryeel caafimaad oo joogto ah.
Daryeelka hooyada marka ay cisbitaalka ka soo baxdo waxa uu u baahanyahay nasiino buuxda iyo ka fogaanshaha hawlaha culus iyo helida hurdo ku filan.
In hooyadu cunto isku-dheelitiran kuwaas oo u badan booratiin, iron, iyo faytamiino si looga hortago dhiig yarida.
In hooyada lagu xidho dhakhtar marka ay muujiso calaamado aan dabiici ahayn sida walwal, murugo iyo niyad-jab, iyo dhiig-bax daran.
Daryeelka saxda ah iyo taageerada qoysku siiyo hooyada waxay ka caawisaa inay si buuxda uga soo kabato dhibaatooyikii caafimaad ee jidhka iyo maskaxda ahaa. Tani waxay hooyada ka dhigtaa mid si habboon u daryeesha cunugeeda iyo nafteedaba.

Comments
Post a Comment