Ubadka la qabatimay balwadaha.
Hordhac:
Maanta waxa aynu ka hadli doonaa ubadka la qabatima balwadaha, khatarta ay leedahay balwadu, ubadka isticmaala balwadaha, sababaha ubadka ku riixa inay isticmaalaan balwadaha, habka ugu wanaagsan ee waalidku u maareyn karo, dhibaatada ay ubadka ku keento, iyo gunaanadka qormada hadii Alle idmo.
Waa maxay balwad?
Balwadu waa caado ama hab-dhaqan uu qofku si sabab la’aan ah u joogteeyo, waxa uu ka helaa raaxo ku meel gaadh ah, isaga oo aan awoodin inuu si fudud uga tago- xataa haddii ay dhib caafimaad ku tahay, naftiisa iyo dhaqaalihiisaba.
Balwaddu waxay u qaybsantaa labo qaybood oo waaweyn:
Balwadaha waxyaabaha la isticmaalo:
Qaadka: waa geed la calaaliyo oo maanka wax yeelo u gaysta, saamayna ku yeesha wakhtiga, dhaqaalaha, iyo caafimaadka.
Tubaakada iyo sigaarka: isticmaalka buuriga, sigaarka, ama shiishada taas oo waxyeelo u gaysata caafimaadka maskaxdooda.
Mukhaadaraadka iyo maandooriyaha: isticmaalka khamriga, kiniinada, iyo walxaha lagu mudo jidhka kuwaas oo maamulka maskaxda saamayn ku yeesha.
Balwadaha hab-dhaqanka: kuwani maaha wax la cabo ama la cuno, ee waa caadooyin dhanka hab-dhaqanka ah oo maskaxdu u barato sida maandooriyaha.
Muqaallada iyo Taleefanka: la qabatinka baraha bulshada , ciyaaraha khamaarka, iyo daawashada TV-ga oo keena wakhti lumis qofka la qabatima.
Khamaarka: isticmaalka khamaarka iyo ku dheelidda lacagta taasoo qofku la qabatimo kuna adkaata inuu iska-dhaafo.
Sida ay maskaxdu u shaqayso:
Astaanta ugu weyn ee balwadu leedahay waa inay kiciso maskaxda qofka isticmaala. Qofku markasta oo uu isticmaalo balwada, maskaxdu waxay dalbataa heer ka sarreeya kii hore si ay u hesho raaxadii oo kale. Taasina waxay keentaa in qofku ku dhex dhaco meerto adag oo uu ka bixi waayo.
Ubadka la qabatimay balwadaha:
La qabatinka balwadaha ee ubadka iyo dhallinyaradu waa arrin u baahan fiiro gaar ah, Samir iyo taageero joogto ah oo xilligeeda ku timaada.
Tallaabooyinka uu waalidku qaadi karo:
Waalidku marka uu ogaado ubadkiisa isticmaala balwada waa inaanu si cadho leh ama gacan ka hadal ah u wajahin, sababta oo ah waxa uu ilmaha ku keeni karaa inuu sii fogaado.
Inuu waalidku la sameeyo wada-hadal degan oo kalsooni leh. Inuu waalidku ilmaha waydiiyo sababta ku kaliftay inuu balwadan isticmaalo iyadoo aan la canaananaynin.
In waalidku u bedelo asxaabta iyo deegaanka. Caawi ilmaha si uu u helo saaxiio wanaagsan.
In ilmaha la buuxiyo wakhtiga bannaan ee u uku isticmaalo balwadan yada oo loo samaynayo jadwal cusub oo lagu maareeyo wakhtigaas.
Tallaabooyinka hab-dhaqanka iyo caafimaadka:
Mararka qaarkood ubadka waxa ku keena inay isticmaalaan balwadaha dhibaatooyin xaga caafimaadka ah. Waalidku waa inuu siiyo ilmaha tageero xagga caafimaadka ah iyo la-talin maskaxeed.
In waalidku ilmaha tuso inuu aad u jecelhay oo uu garab taaganyahay si uu uga soo kasado xaaladdan.
Khatarta ay leedahay balwadu.
Isticmaalka iyo ku tiirsanaanta walxaha iyo caadooyinka halista ah sida tubaakada, qaadka, khamriga, iyo khamaarka waxay leedahay dhibaatooyin saameeya nolosha qofka iyo bulshadaba. Khataraha ugu waaweyn ee ay balwadu leedahay waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood:
Saamaynta caafimaadka jidhka:
Isticmaalka balwaduhu sida sigaarka iyo khamrigu waxay keenaan cuduro dhanka wadnaha, sambabada, iyo afka ah, cudurada beerka, iyo cadaadiska dhiigga ah.
Waxay saamayn ku yeeshaan nidaamkii hurdada, cuntada, sido kale waxa uu burburiyaa awoodii jidhku u lahaa inuu iskaga caabiyo cudurada.
Qofka balwada u go’ay wuxuu waayaa firfircoonidii iyo awooddii jidhku uu wax ku qaban lahaa.
Saamaynta caafimaadka maskaxda:
Balwadu waxay beddeshaa maskaxda, taas oo keenta walwal maalinle ah, murugo joogto ah, iyo niyad-jab.
Maskaxdu waxay u barataa maddadaas, taas oo keenta inuu qofku maamuli kari waayo naftiisa haddii uu waayo balwadaas.
Balwadu waxay hoos u dhigtaa xasuusta iyo fikirka qofka. Qofka isticmaala balwada waxaa dhib ku ah inuu diirada saaro shaqada, waxbarashada, iyo go’aan qaadashada saxda ah.
Saamaynta qoyska iyo bulshada:
Balwadu waxay keentaa qoys burbur, is-afgaranwaa, xil-gudasho la’aan qoys, iyo mararka qaar saamayn dhaqaale oo badh kharashaadkii la siiyo balwad taas oo keenta khilaaf ka dhasha reerka.
Qofka balwada yeesha waxaa ku dhaca go’doon bulsho. Waxa uu ka go’aa saaxiibadiisii wanaagsanaa iyo ehelkiisii, isaga oo wakhti badan u hura dadka iyo degaanka balwad wadaagta ay yihiin.
Carruurta ku dhex korta deegaan balwadi ka jirto waxay waayaan tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan dhanka tarbiyada iyo horumarka mustaqbalka.
Saamaynta dhaqaale:
Lacagta ku baxda balwada maalin kasta waxay noqon lahayd mid wax ku kordhin lahayd shakhsiyada qofka, horumarkiisa, waxbarashada carruurtiisa, iyo samaynta il dhaqaale oo kale ama ganacsi.
Qofka balwada la qabatimaa waxa uu lumiyaa shaqadiisa iyo awoodii u uku soo saari lahaa dhaqaale toosan.
Maxaa Sababa balwada:
Inuu qofku balwad yeesho waxay ku xidhantahay deegaanka uu qofku ku noolyahay iyo saaxiibadiisa u raaco kuwaas oo door weyn ka qaataa bilaabida balwadaha.
Inta badan dadku waxay balwada u galaan si ay ugaga baxaan murugada, walwalka, iyo dhibaatada nolosha ee soo wajahda.
Balwadu waa xaalad ka bilaabmata rabitaan iyo tijaabo yar, kuna danbaysa heer ay maskaxda ka xukunto yadoo badasha go’aamadooda.
Ubadka isticmaala balwadaha.
Waalidka iyo bulshadaba waxaa kusoo kordhay caqabad weyn marka ubadku bilaabaan balwadaha kala duwan. Badanaa, isticmaalka balwada ee da’da yar maaha nooc casriyaysan oo loogu talagalay ubadka.
Balwadu waxay si toos ah u waxyeellaysaa awoodda qofka,
Ubadka isticmaala balwadu waxay noqdaan kuwo si fudud u xanaaqa, been sheega, iyo inay ka fogaadaan dadka kale.
Ubadku si ay u helaan lacagta ay ku iibsanayaan balwada waxay ku dhacaan tuugada, ama la dhaqanka kooxaha
Habka ugu wanaagsan ee waalidku uga maareyn karo ubadka.
In ubadka laga soo celiyo alwadu waxay u baahantahay iskaashi dhanka waalidka ah, u muujinta ubadka naxariis, xikmad iyo adkayn.
Marka aad ogaato in ubadkaagu isticmaalaan balwada, falcelinta ugu horaysa ee waalidku waa xanaaq, garaacis, iyo cay. Ciqaabtaa adag ee noocaas ahi waxay ubadka ki sii riixdaa inuu qarsado iyo inuu ka fogaado guriga.
Waalidku waa inuu ilmaha si dagen wax ugu sheegaa. Wakhti dhawayd waxan ogaaday inad ku jirto wax dhibaya noloshaada iyo caafimaadkaaga. Waan ku jeclahay, mana kuu ogoli in balwadu burburiso noloshaada iyo mustaqbalkaaga. Waan ku caawin doonaa si aad uga baxdo.
U samee wakhti aad kula fadhiisato isla markaana aad kala sheekaysato waxa ugu weyn ee ku riixay isticmaalka balwadan.
Badel saaxiibadiisa iyo meelaha ugu badan ee uu wakhtiga ku qaato adiga oo ka caawinaya inuu si tartiib ah uga fogaado kooxahaas adigo u furaya fursado kale oo cusub sida, kubad, GM, iyo masaajidka oo aad ku xidho.
Inaad gabi ahaanba ka joojiso lacagta jeebka.
Dhibaatada ay ubadka ku keento.
Burburka dhismaha maskaxda.
Hoos u dhaca xasuusta iyo diirad-saaridda.
Ku abuurida diiqad iyo walwal joogto ah.
Waxbarasha oo ay ka tagaan.
dhibaatada balwadu ay u keento ubadka maaha oo kaliya dhaawac maanta muuqda, ee waa burburinta mustaqbalkooda iyo fursadahooda nolosha.
Gunaanad:
Waalidiintu maaha inay noqdaan dad laga cabsado, ee waa inay noqdaan gabaad ammaan ah oo ay ubadku kusoo dhiiradaan inay la wadaagaan wax kasta oo cusub oo noloshooda ku soo biira. Ubadku marka ay la daalaa dhacayaan caqabadaha nolosha waa inay helaan waalid garab taagan oo wax kasta oo khalad ah si dagan ugu faahfaahiya isaga oo ku qancinaya wax xun inaanu u wanaagsanayn noloshiisaa.

Comments
Post a Comment