side looga guulaysan kara caqabadahan haysta ubadka ku kora dalalka kale.

 Waalidku waa inuu noqdaa qofka ugu horaysa ee ilmuhu yimaado marka uu dhib la kulmo, iyadoo waalidku samaynayo dhegaysi deggan oo aan canaan lahayn.

In la dejiyo xeerar iyo xuduudo cad-cad wakhtiyada la isticmaalayo tiknoolajiyada iyo xilliha wax la baranayo.

Tarbiyada ugu wanaagsan ee ilmuhu qaato waa ta uu ka arko hab-dhaqanka waalidka, waalidku waa inuu noqdaa tusaale wanaagsan oo ilmuhu ku daba faylaan. Ilmuhu ma qaato amar afka oo kaliya laga yidhi balse aan ficil jirin.


Ilmaha ku kora qurbaha side loo baraa ixtiraamka waalidka.

In ilmuhu noqdo mid waalidkii ixtiraamaa kuma timaado amarro uu waalidku bixiyo, balse waa dhaqan iyo jawi ka jira guriga dhexdiisa kaas oo ay carruurtu maalin kasta arkayaan. Daraasadaha barbaarinta ubadku waxay muujinayaan in carruurtu ku koraan waxay ka arkaan in waalidku samaynayo. Maadaama ubadku ay ku dayasho wax ku bartaan halkan waxaynu ku soo qaadanaynaa habka ugu waxtarka badan ee ubadka lagu baro ixtiraamka waalidka iyo dadka waaweyn.










In waalidku si ixtiraam leh ula hadlo waalidkiisa haddii ay noolyihiin iyo dadka waaweyn. Marka ay carruurta kaa arkaan adigo waalidkaa si cod hoose, naxariis, iyo ixtiraam leh ula hadlaya, waxay si dabiici ah u fahmayaan in waalidka la ixtiraamo.

In adiga iyo aabbuhu guriga dhexdiisa u wada hadashaan si deggan oo ixtiraam ka muuqdo. Hab-dhaqanka guriga ka jira waa midka ay ilmuhu bannaanka ula soo baxaan.

Waalidku waa inuu baraa ubadkiisa ereyada ixtiraamka ah, sida marka uu waalidka la hadlayo inuu isticmaalo ‘fadlan’, marka waxa uu doon

ayo la siiyo ‘mahadsanid’.

Bar ilmaha inaanu waalidkiisa ugu yeedhin magaciisa, balse inuu adeegsado ereyada ah ‘Aabbe’, ‘Hooyo’.

Ilmaha waa in la baro inay dhegeystaan marka waalidku hadlayo oo aanay hadalka ka dhex galin, haddii uu rabo inuu su’aal ka dhex waydiiyo sheekadaa waa inuu isticmaalo ‘Adigo ralli ah halkaas maxay noqonaysaa’. 

In waalidku ixtiraam iyo jacayl u muujiyo ilmaha yar ee aanu u qaadan in isaga uun la ixtiraamo. Ilmuhu xaq buu u leeyahay in fikirkiisa, dookhiisa, iyo marka uu cadhaysanyahayba loo muujiyo naxariis iyo ixtiraam. Taas ayaa uu ilmuhu isna ku baranayaa ixtiraamka waalidka.

Ixtiraamku wuxuu ka bilaabmaa inuu ilmuhu ogaado in waalidku yahay hogaamiyaha guriga. 

Marka aad tidhaahdo ‘maya’ waa inay ahata maya degan. In kasta oo ilmaha la dhageysanayo rabitaankiisa, waa inuu ilmuhu ogaada in waalidku leeyahay go’aanka ugu danbeeya.

Haddii ilmuhu qayliyo ama hab ixtiraam darro ah u hadlo, ha ugu jawaabin jawaab xun, si dagen ugu sheeg inaanad dhagaysanaynin ilaa uu si ixtiraam leh u hadlo mooye.

Ka sheekee waxa uu aabbuhu u qabto ubadka sida inuu cuntada keeno, waxbarashada bixiyo, caafimaadka bixiyo, iyo inuu yahay xubinta qoyska u qaabilsan daryeelka, yadoo aan looga jeedin in uu yahay dayn, balse inay fahmaan qiimaha uu leeyahay aabbuhu.

Marka ay ilmuhu idin caawiyaan waa inaad ku ammaanto shaqada uu qabtay, kuna dhiirigeliso inuu yahay mid waalidkii wax la qabta, markastana u muuji naxariis iyo jacayl.

Ilmuhu ma barto ixtiraam haddii aan isaga lagu ixtiraamin guriga dhexdiisa. Marka uu khalad sameeyo ha caayin, ha aflagaadayn, hana garaacin, cod degan kula hadal adigo ka saxaya khaladkii uu sameeyay. 

Ixtiraamku maaha cabsi. Ilmaha ka cabsada waalidkii inta uu ag joogo oo kaliya, balse marka uu bannaanka u baxo waxkasta ku dhaqaaqa kaasi maaha ixtiraam. Ixtiraamka dhabta ahi waxa uu ka dhashaa jacayl, qiimayn, iyo hogaamin sax ah. 










Gunaanad:

Nabadgalyada, tarbiyada, iyo horumarka ubadku waa mas’uuliyad weyn oo ku dhisan Samir, dadaal joogto ah, aqoon dheelitiran, jacayl, naxariis, iyo tusaale wanaagsan. Marka aynu u fiirsanno daraasadaha casriga ah iyo khibradaha barbaarinta, waxa si cad loo sheegay in ixtiraamka, kalsoonida, iyo akhlaaqda wanaagsan ee ilmaha ka muuqata ay kasoo bilaabmato guriga. Tanina waa mid si dhaw u taabanaysa ilaalinta ubadka iyo tarbiyadooda. 

Waalidku inuu ilmihiisa ka fogeeyo garaaca, cadhada daran, iyo ereyada dila shakhsiyadiisa. 

In la dhageysto ubadka si gaara kuwa ku kora waddamada shisheeyaha, iyado la dhisayo caqiidadiisa diineed iyo dhaqanka wanaagsan ee muslimku leeyahay.

In carruurta loo dhigo xuduud yado aan marnaba la ilaawaynin naxariista iyo jacaylka, halkii lagu xukumi lahaa cabsi.

Ubadku ma bartaan waxa aynu u sheegno, waxay ku dhaqmaan waxa ay inaga arkaan in aynu maalin kasta guriga dhexdiisa ku samayno. Marka waalidku sameeyo tusaale wanaagsan, dhageysi, ixtiraam, iyo Samir, ubadku waxay noqdaan kuwa maskax ahaan u kobca, kalsooni leh, waalidka xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyo, una diyaarsan nolosha,



Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.