Saykoolajiyada carruurta.
Hordhac:
Manta waxa aynu kusoo qaadanaynaa qormadeenan saykoolajiyada ku saabsan koboca maskaxeed ee ubadka, sida loola dhaqma marxaladaha kala duwan ee uu maro, daraasadaha laga sameeyay, iyo gunaanadka qormada haddii Alle idmo.
Saykoolajiyada ka hadasha koboco carruurta (child development psychology). Waxay diirada saartaa fahamka isbedellada jidhka, maskaxda, caadifadda, iyo bulshada ee uu ilmuhu maro laga bilaabo maalinta uu dhasho ilaa qaangaadhnimadiisa. Qaybaha ugu waaweyn ee uu ka hadlo saykoolajigaasi waxaa ka mid ah:
Koboca garaadka iyo maskaxda (cognitive Development): qaytan waxay ka hadashaa sida uu ilmuhu wax u barto, u fikiro, luuqadda u arto, iyo sida uu u xalliyo dhibaatooyinka ka dhaca hareerihiisa.
Koboca caadifadda iyo ulshada (socio-Emotional Developmenta): tani waxay ka hadashaa sida uu ilmuhu u muujiyo shucuurtiisa, u dhiso xidhiidhka ka dhexeeya waalidkii iyo carruurta kale, iyo sida uu u maareeyo cadhadiisa iyo walwalka.
Koboca jidhka iyo dhaqdhaqaaqa (physical & motor Development): kani waxa uu xoogga saaraa horumarka xirfadaha dhaqdhaqaaqa yar-yar sida qabashada qalinka, socodka, iyo orodka.
Saabaha ay muhiim ugu tahay waalidka.
Waalidka waxay ka caawisaa inuu muujiyo dulqaad madaama uu fahamsanyahay marxalad kasta iyo caqabadeeda iyo sidii lii maareyn lahaa halkii ilmaha la ciqaabi lahaa.
Waxa uu waalidku fahmaa inuu garto calaamadaha dib-u-dhaca ku yimaada koboca ilmaha si loogu helo xal wakhti horeba.
Saykoolajiyada oo la bartaa waxay bixisaa habab toosan oo loo barbaariyo ilmaha iyada oo la adeegsanayo dhiirigelin iyo edbin toosan yadoo aan dhibaato loo gaysanaynin shucuurtiisa.
Faa’iidada barashada saykoolajiga.
Barashada saykoolajiyada carruurtu waxay waalidka iyo macallinkaba ka caawisaa inay si hufan oo cad u fahmaan baahiyaha ilmaha taas oo ka fogaysa hababka barbaarinta ee ku dhisan qasabka iyo ciqaabta.
Waxay waalidka ka caawisaa inuu ogaado waxa laga filan karo ilmaha marxalad kasta oo uu joogo, taas oo Meesha ka saarta in ilmaha laga sugo wax ka sareeya awoodiisa maskaxeed iyo jidheedba.
Waxay waalidka siisaa xirfado iyo farsamooyin ay ku fahmaan shucuurta ilmaha sida cadhada, cabsida, iyo noocyada kale ee dareenka, iyadoo waalidku barto sidii uu ugu muujin lahaa naxariis. Taasina waxay dhistaa kalsoonida ilmuhu ku qabo waalidkiisa.
Waxay bixisaa habab lagula tacaalo hab-dhaqanka qalooca ee ilmaha, yadoo loo marayo xeerar cad-cad iyo dhiirigelin, halkii loo adeegsan lahaa garaacis iyo qaylo dhaawacda ilmaha.
Waxay waalidka u fududaysaa inay xilli hore ogaadaan hadii uu dib-u-dhac jiro dhanka luuqadda, socodka, iyo ciyaaraha ah. Taas oo keenta in ilmaha loo raadiyo taageero degdeg ah.
Waxay iftiimisaa nooca uu yahay ilmuhu, hab-fekerkiisa, iyo sida ugu wanaagsan ee uu wax u barto, taas oo kor u qaadacguushiisa dhanka waxbarashada iyo caqliga.
Saykoolajiyada iyo daraasadaha horumarinta carruurta.
Saykoolajiyada iyo daraasadaha ka hadla horumarinta carruurtu waxay si xeeldheer u baadhaan sida uu isu bedelo ilmuhu, u wajaho dunida, uguna tallaabsado marxalado kala duwan oo horumarineed. Cilmi-baadhayaal badan ayaa keenay aragtiyo iyo daraasado kala duwan. Aragtiyaha ugu waaweyn ee cilmi-baadhistoodu ku dhisantahay ayaa ah:
Aragtida koboca garaadka: cilmi-baadhe loo yaqaano (jean Piaget) waxa uu ogaaday in ilmaha maskaxdiisu u shaqayso qaab gabi ahaanba ka duwan ta dadka waaweyn. Ilmuhu waxa uu wax ka bartaa degaankiisa, iyo ciyaarta uu sameeyo, waxa uu maraa 4 marxaladood oo kala duwan:
Marxalada marka uu dhasho ilaa laba sano, taas oo loo yaqaano sensorimotor. Waa wakhtiga uu dareenkiisu maamulo.
Marxalada ku xigta laba sano-7 sano, waxa loo yaqaanaa preopretional. Waa wakhtiga uu fahmo wax kasta oo hareerihiisa jooga iskuna dayo xallinta dhiaatooyinka yaryar ee ku yimaada.
Marxalada saddexaad oo loo yaqaano concrete opretional, waa da’da u dhaxaysa 7-11 sano, waxa uu bartaa sidii uu naftiisa u maareyn lahaa.
Marxalada afraad waxa loo yaqaanaa formal operational, waa da’da ka bilaabata 13 iyo wixii ka sareeya. Ilmuhu marka uu soo gaadho da’dan waxa uu barta sidii uu isugu fillaan lahaa, waa ,marxalada uu qaangaadhnimo ku dhawyahay.
Aragtida bulshada iyo luuqadda: waxa uu hoosta ka xariiqaa in ilmaha horumarkiisa garaad si toos ah u samaysmo, jawiga uu bulshada iyo dhaqankiisa ku hagaajiyo.
Aragtida qabashada iyo xidhiidhka caadifadeed: daraasadani waxay sheegtaa in ilmaha hela daryeel caadifadeed oo sax ah marka uu yaryahay, marka uu waynaadana waxa uu yeeshaa kalsooni badan, xidhiidh caafimaad leh, iyo awood uu ku maareeyo walwalka.
Natiijooyinka muhiimka ah ee daraasadaha casriga ah:
Cilmi-baadhisyo badan oo la sameeyay ayaa sheegay in ilmaha yar 80% ka mida qaab dhismeedka maskaxdu ay samaysanto saddexda sano ee ugu horeeya noloshiisa. Daryeelka, cuntada nafaqada leh, iyo hadalka lala sameeyo ilmuhu waxay si toos ah u xidhiidhiyaan neerfaha maskaxda.
Ciyaarta iyo barnaamijyada madadaalada ah ee carruurta loo sameeyo waxa la xaqiijiyay inay tahay habka ugu muhiimsan ee ilmuhu ku barto xallinta dhibaatooyinka, maareynta shucuurta, iyo dhisidda xirfadaha bulshada.
Qaylada joogtada ah, ciqaabta adag, garaacista badan, iyo dayaca ilmaha ku yimaada waxay kor u qaadaan hormoonka cortisol, kaas oo ka dhigi kara maskaxda iyo xasuusta ilmaha mid gaabis ah.
Gunaanad:
Ujeedada iyo nuxurka saykoolajiyada iyo daraasadaha horumarinta carruurtu maaha oo kaliya cilmi ku kooban buugaagta, ee waa maab iyo hage waalidiinta ka caawiya inay barbaariyaan ubad caafimaad qaba.
Marka waalidku fahmo marxaladaha koboca garaadka, caadifadda, iyo jidhka ilmaha, waxa uu awood u yeeshaa inuu u abuuro deegaan ammaan ah oo taageera hammigiisa iyo horumarkiisa.
Markasta oo ilmaha loo muujiyo naxariis, jacayl, dhegeysi, wada-hadal furan, iyo edbin toosan, waxay sees adag u noqotaa dhisidda shakhsiyad kalsooni badan, garasho dheer, o oleh caafimaad qab maskaxeed oo sugan taas oo u uku waaro inta uu noolyahay.



Comments
Post a Comment