Qaabka loo sameeyo xuduudaha guriga ee ubadka lagu hago. Hordhac:

 Hordhac: 

Manta waxa aynu ka hadlaynaa qaabka loo sameeyo xuduudaha iyo shuruucda guriga u yaala ee ubadka lagu hagayo noloshooda, sida loogu tarbiyadeeyo, iyo wakhtiga ay ku qaadato inay la qabsadaan ubadku.

Xuduudaha iyo shuruucda loo sameeyo ubadku waxay u horseedaa badhaadhaha noloshooda, inay dareemaan ammaan, xushmad iyo in la fahamsan yahay. Marka waalidku ubadka u sameeyo xuduudo cad-cad waa inuu isticmaalaa hab dabacsan oo jacayl iyo naxariis ka buuxdo.

Waalidku inuu amaro bixiyo waxaa ka fiican inuu ku bedelo qaab laga dooday oo lagu wada qanacsanyahay dhamaan xubnaha qoyska. 

Ha cararin! Waxaad ku bedeshaa tallaabooyin tartiib ah isticmaal markaad guriga joogto.

Ha qaylin! Waxad ku bedeshaa ‘fadlan cod hoose oo deggan ku hadal.

Xuduuduhu maaha ciqaab ee hagid . waxaad ubadka u muujinaysaa naxariis adiga oo ilaalinaya qaanuunka. 

Ilmaha in la siiyo doorasho oo ku doorto dookhiisa ee aan waxkasta lagu qasbin. Tani waxay ilmaha Dareensiisaa in la tixgalinayo fikirkiisa. Halkii aad odhan lahayd gasho maradan, waxaad ku bedeshaa labadan maro teebaad xidhanaysaa.

In la isla garto wakhtiga cuntada, daawashada shaashadaha, iyo wakhtiga hurdada, taas oo loo diyaar garoobo saacad ka hor inta aanu so galin wakhtigeedu.

In ilmaha la baro dhagaysiga iyo ixtiraamka dadka kale. Inay sugaan hadalka marka ay soo gaadhana u hadlaan si daggan.

Ubadku waxay isku dayaan inay tijaabiyaan xududuudaha inay jabiyaan yago eegaya falcelinta waalidka. Haddii waalidku ka aamuso yaguna waxay dareemayaan in xuduudaha marna lagu dhaqmo marna layska daayo. Hadaba waalid waa inaad xuduudaha ka dhigtaa qaar hirgala oo aan marnaba laga tagi Karin oo joogto ah.


Habka ilmaha loogu tarbiyadeeyo.

Tarbiyada toosan ee carruurtu waxay ku dhisantahay nidaam dheelitir ah oo u dhexeeya naxariiis, jacayl, iyo hagid habboon. Badanka ilmaha oo la fahmo dareenkooda iyo horumarkoodu waxa uu waalidka ka caawiyaa inay mas’uuliya iyo anshax wanaagsan yeeshaan ubadku. 

Waalidku waa inuu dhagaysto ilmihiisa marka uu kala hadlayo dareenkiisa. Marka uu cadhoodo, qayliyo u muuji inad fahamsantahay sugna inta uu ka dagayo.

Maalin kasta ilmaha sii wakhti yar oo go’an taas oo aad sheekooyin ugu akhriyayso amaba aad adigu u sheekaynayso si maskaxdiisa iyo hab-fikirkiisuba kor u koco.

Xeerarka ka dhig qaar fudud oo ku habbon hadba da’da uu joogo. Ilmuhu waxa uu wax qaata marka uu garanayo waxa laga dhawrayo ee aan la ogolayn.

In ilmaha loo gaysto garaac iyo ciqaab jidheed waxay ku abuurtaa cabsi iyo inuu cararo, iyado aan la barin hab-dhaqankii saxda ahaa.

Taas bedelkeeda, isticmaal inad siiso wakhti uu ku dago.

Ilmuhu waxa uu inta badan ku daydaa hab-dhaqanka uu waalidku sameeyo. Waalidku waa inuu muujiya Samir, iyo hab-dhaqan wanaagsan marka uu joogo guriga iyo dadka kale dhexdoodaba.

Wakhti intee leeg ayay ku qaadataa ilmaha inuu barto xuduudaha.

Wakhtiga ay ku qaadato ilmaha inuu barto xuduudaha iyo shuruucda ka jira gurigu waxa u uku xidhanyahay da’diisa, kobociisa maskaxeed, iyo wadada loo marayo. Ubadka yaryar waxa ay u baahanyihiin wakhti kooban oo loogu celceliyo, halka kuwa waaweyn u baahanyihiin Samir dheeraad ah iyo joogtayn. Marka waalidiintu ku taagnaadaan go’aankooda ee aan bed-bedelin, ilmuhu si dhakhso badan ayuu wax ku bartaa. Ilmaha oo la dareensiiyo jacayl, naxariis, iyo taageero ka baxsan ciqaab iyo garaacis waxa uu wax ku bartaa si ka fiican oo waarta.

Ilmuhu hal maalin wax kuma barto, isla markaana kuma bedelo hab-dhaqankiisa. Habka ugu habboon ayaa ah inaad eegto horumarkiisa yar-yar ee maalinlaha ah, halka aad eegi lahayd natiijo dhamaystiran ooh al mar dhacda.


Gunaanad:

Qaabka ugu muhiisan ee tarbiyada toosan iyo samaynta xuduudaha ubadku waxa uu isugu yimaadaa saddex qodob uun:

Joogtayn iyo hal-beeg cad: xuduudo waxa ay shaqaysaa marka waalidku yahay mid ku taagan xeer uu dhigtay maalin kasta. Bed-bedelka xuduudaha maalin kasta mid cusub oo loo guuraa waxa uu ilmaha ku abuuraa jahwareer waxna kama barto.

Tarbiyadu maaha ciqaab iyo qaylo ee waa naxariis iyo jacayl loo muujiyo ilmaha adiga oo ilaalinaya xuduudaha kana fogaanaya dabacsanaanta xad-dhaafka ah iyo adayga darran.

In la bedelo hab-dhaqan hore lana barto mid cusub waxay u baahantahay wakhti, ugu yaraan waxay ilmaha ku qaadataa muddo u dhaxaysa saddex toddobaad ilaa saddex bilood. Horumarku waa socdaal maalinle ah oo u baahan Samir.

Tarbiyada toosani maaha inaad maamusho ilmahaaga adiga oo adeegsanaya amarro kaliya, ee waa inaad baratid sida uu isagu isu maamuli lahaa marka uu waynaado.

Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.