Kaalinta ubadku ugu jiraan bulshada.

 Hordhac:

Manta waxa aynu ka hadli doonaa muhiimadda ubadku u leeyihiin waalidkood, kaalinta ay bulshada ugu jiraan, dhibaatada ay leedahay ubad la’aantu, iyo gunaanadka qormada.

Muhiimadda ubadka.

Ubadku waa deeq Alle bixiyo, waana mid ka mida nimcooyinka ugu waaweyn ee nolosha aadamaha. Muhiimadda ay ubadku u leeyihiin waalidkood waa mid baaxad weyn oo taabanaysa dhinacyo badan:

Quruxda iyo farxadda nolosha: ubadka waxay guriga ka dhigan meel ay ka buuxdo farxad, yididiilo, naxariis, iyo jacayl qotodheer. Sida uu Eebbe ku sheegay qur’aankiisa, ‘ubadka iyo xooluhuba waa qurxda nolosha adduunyada’. (suratul kahfi:46).

Faa’iidada Aakhiro: marka waalidku dhinto adduunka hadii uu ubad wanaagsan kaga tagay waxay u noqdaan qaar usoo duceeya oo waalidku darajo ku helo. Qofka muslinka ah marka uu dhinto camakiisii odhan wuu go’aa ilaa saddex maahaane, waxaa ka mid ah ilmo baari ah, diin leh oo usoo duceeya.

Waalidku markuu dhinto yaga ayaa uso duceeya markasta. Waxa kasta oo wanaag ah oo ilmuhu sameeyo waalidkii soo koriyay ayaa ajar ka hela.

Caawinaad iyo taageero: marka waalidku waayeel noqdo dadka garabka u noqda waxaa kaw ka noqda ilmo uu isagu dhalay. Ubadka waalidkood waxay u noqdaan garab iyo gaashaan yagoo ka taageera dhinaca dhaqaalaha iyo daboolida baahiyaha nololeed. Ilmuhu waa mid daryeela waalidkii markay da’ noqdaan una naxariista sidii isagaba yaraantii loogu soo naxariistay.

Sii socoshada magaca iyo dhaxalka: ubadku waxay sii wadaan magacii, tariikhdii, tafiirtii, iyo samafalkii waalidkood. Ubadka waxay magaca waalidka ka dhigaan mid sii jira xataa haddii waalidku ka tago adduunka.

Horumarinta iyo anshaxa waalidka: waalidnimadu waxay qofka bartaa Samir, dulqaadka, tanaasulka, kaadsiinyaha, naxariista, jacaylka, iyo daryeelka. Qofku marka uu ubad yeesho waxa uu ka fekeraa ilmihiisa oo ka muhiimsan isaga, taas oo dhista dabeecada iyo qofnimadiisa. Ubadku maaha oo kaliya nimco ee waa mas’uuliyad waalidka dusha ka saran una baahan sidii mas’uuliyadaa looga soo bixi lahaa, taas oo u baahan daryeel wanaagsan.











Kaalinta ay bulshada ugu jiraan:

Kaalinta ay ubadku ka joogaan bulshada dhexdeedu waa mis aasaasi ah oo aan laga maarmi Karin. Ubadku waa xubnaha ugu muhiimsan ee maanta la qaabaynayo si ay beri u gutaan waajibaadkooda bulshada ka saaran. Doorka iyo kaalinta ay ubadku bulshada ugu jiraan waa loo kala qaadi karaa dhawr heer oo kala duwan:

Ubadku waxay bulshada u yihiin jidka ay kaga gudbaan maanta uguna diyaariyaan beri sidii ay u bedeli lahaayeen. Kaalinta ay bulshada u hayaan waa inay xambaaraan oo nooleeyaan bulshada. 

Ubadku waxay sii wadaan afka, dhaqanka, iyo qiimaha toosan ee bulshadu leedahay. 

Ubadku waxay dhaxlaan sumcadda iyo taariikhda waalidkood.

Awoodda dhaqaale ee bulsho leedahay waxay ku xidhantahay Tayada ubadkeeda. 

Ubadku waxay ka tirsanyihiin kaalinta hal-abuurka iyo teknoolajiyada, waxay keenaan fekrado cusub iyo habab nolosha loo fudaydin karo.

Ubadku waxay bulshada u yihiin gacmihii, iyo maskaxdii berri kaxayn lahayd ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, iyo maamulka.

Bulshadu marka ay leedahay ubad, waxay dejisaa xeerar, sharci, iyo nidaamyo lagu ilaaliya mustaqbalka bulshada.

Ubadku waxay kor u qaadaan dareenka wadajirka iyo is-kaashiga bulshada.

Ubadka la siiyo barbaarin toosan waxay bulshada ka ilaaliyaan danbiyada iyo rabshadaha. 

Ubadka si fiican u koraa waxay bulshada dhexdeeda ka yareeyaan dhibaatooyinka abuura ammaan-darrada.

Ubadka toosan waxay noqdaan walidiin toosan oo berri soo saara jiil kale oo kasii wanaagsan.

Kaalinta ubadku u leeyihiin bulshada waa sida faytamiinka oo kale. Haddii ubadka si caafimaad qabta loo barbaariyo, oo loo daryeelo, bulshadu waxay noqotaa mid awood leh, horumarsan, oo guulaysata.












Dhibaatada ubad la’aanta: 

Ubad la’aantu waa imtixaan iyo tijaabo weyn oo ka mida tijaabooyinka nolosha. Maadaama ubadku yihiin quruxda iyo farxadda ugu weyn ee aadamaha, waayitaankoodu wuxuu saameyn dhab ah ku yeeshaa waalidka iyo qoyska. Dhibaatada ubad la’aanta waxaa loo qaybiyaa dhawr dhinac oo muhiim ah:

Waalid kastaa waxa uu leeyahay Dareen naxariiseed oo uu rabo inuu ubadkiisa ku koriyo. Waayitaanka ubadku waxa u uku keenaa niyad jab iyo xanuuno nafsiyadeed. 

Lammaanaha ubad la’aanta ah waxay ay noqdaan kuwa walwal iyo murug la daris ah, yagoo ka cabsanayaa barrito yaa idin daryeelaya.

Lammaanaha ubad la’aanta ah waxay dareemaan in aanu dhamaystirnayn qoyskoodu.

Bulshada iyo ehelada labada dhinac ee qoyska waxay lammaanaha ku keenaan cadaadis iyo weydiin joogto ah, miyaan wax ubadi jirin, taas oo ugu danbay dhibaato ku keenta xidhiidhka lammaanaha.

Mararka qaarkood ubad la’aantu waxay keentaa kala fogaansho ama inay lammaanuhu doortaan kala tag, ama ninku guur kale sameeyo xaalad ubad raadis ah darted.

Bulshada dhexdeeda waxay kala kulmaan hadalo qalbiga taabanaya, taas oo lammaanihii ku abuurta cuqdad iyo kala shaki.

Ubad la’aantu waxay lammaanasha aan ubadka haysan ku keentaa inay iskaga fogaadaan goobaha lagaga sheekaysanayo ubadka iyo mustaqbalkooda yagoo murugo iyo xanuun kala kulma.

Ubadku waxa ay bulshada u yihiin nidaam taageero. Ubad la’aantu waxay keentaa in markaa waalidkii aan ubad dhalin uu waayeel noqdo, inuu waayo daryeel, taageero dhaqaale, iyo caafimaadba.

Lammaanayaal badan ayaa hanti ku bixiya raadinta ubad ay waalid u noqdaan, taas oo ay mararka qaar kala kulmaan hoos-udhac dhaqaale.

Ubadku waa deeq ilhy bixiyo qaddarkiisana ku xidhan, Aayad qur’aan ah ayuu Eebbe ku sheegay (‘ Ilaahay waxaa u sugnaaday lahaanshiiyaha cirka iyo dhulka, waxa uu doono ayuu abuuraa, kuu doono wuxuu u hibeeyaa dhedig (gabdho) kaliya, kuu doonana lab (rag) ayuu u hibeeyaa. Ama wuu isugu daraa rag iyo dumarba, kuu doonana ma dhalays ayuu ka dhigaa. Rabi waa mid cilmi badan oo awood badan. (suuratu shuuraa 49-50).






Gunaanad:

Barbaarinta iyo haysashada ubadku waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dhisa nolosha qoyska, qofka, iyo dhamaan bulshada. Ubadku waa qurux iyo deeq Rabi, waalidka waxa ay u yihiin il-qabow, taageero nolosha ah, iyo sadaqo aakhiro u hadasha. Bulshadu waxay tayo ku yeelataa Tayada ubadkeeda, ubadka toosan waxay ay bulshada u noqdaan hogaamiyayaal, xirfadlayaal, iyo awoodda dhaqaale ee berri. Ubad la’aantu waxay muujisaa in ubadku yihiin deeq Alle, ee aanay ku jirin gacan bini-aadam. Laguna samro qaddarta Ilahay. Isku soo wada duub, badbaadinta iyo barbaarinta toosan ee ubadku maaha oo kaliya hawl qoys oo gaar ah, ee waa hawl bulsho oo ka dhigan maalgashi ay bulshadu samaysan karto si ay u xaqiijiyaan mustaqbalka, caafimaad qabka, iyo horumarinta bulshada.


Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.