Isku filnaanshaha ubadka.

 Hordhac:

Manta waxa aynu wax ka odhan doonaa mawduuc runtii muhiim u ah waalidka isla markaana uu ka faa’iidaysan doonaan dhamaan walidiinta Rabi u hibeeyay ubadka iyo kuwa sugayaba. Waxa aynu kaga hadli doonaa marxalada isku filnaanshaha ubadka, wakhti la odhan karo wuu gaadhay isku filnaansho, faa’iidada ay u leedahay ubadka, ilmaha oo la baro inuu gacantiisa wax ku qabsado, faa’iidadeeda, iyo dhibaatada ka dhalata marka ilmaha wax kasta loo qabto, iyo gunaanadka qormada. Inahaas ayaynu maanta diirada saaraynaa haddii Alle inoo ogolaado.

waa maxay isku-filnaansho?

Waa awood uu qof leeyahay taasoo u uku muujiyo inuu dabooli karo dhamaan baahiyihiisa fursadeed, sida cadaynta nolosha, dhaqaalaha, garashada, iyo go’aan gaadhista naftiisa isaga oo aan cid dabada ah aan ku xidhnayn. Isku-filnaanshuhu waa inaad leedahay awoodd aad naftaada ugu maamusho adiga oo u maaraynaya hab madax-bannaan.

Qaybaha ugu waawayn ee isku-filnaanshaha.

Isku-filnaansho dhaqaale: in qofka ama bulshadu leedahay dakhli ama khayraad ku filan kaas oo dabooli kara dhamaan baahiyahooda aasaasiga ah, sida cuntada, hoyga, iyo huga ama dharka, taas oo aanay jirin kaalmo ama deyn dibadda ah.

Isku-filnaansho caafimaad: inuu qofku leeyahay bisayl gudaha ah oo u uku maareeyo go’aanadiisa, cadhadiisa, ama xaaladaha adag ee soo wajaha isaga oo aan marna u baahanaynin taageero joogto ah oo dibadda uga timaada.

Isku-filnaansho cunto/agab: in bulshadu leedahay wax soo saar raashineed iyo kayd, yadoo gabi ahaanba aan ku xidhnayn wax soo saar la soo dhoofiyo.


Faa’iidooyinka ugu waawayn:

Madax-bannaani go’aaneed: marka uu qofku isku filanyahay ma jirto awood dibadda ah oo go’aankiisa ama jihadiisa xakameyn karta.

Dhisidda kalsoonida: isku-filnaanshuhu waxa uu sii kordhiyaa kalsoonida gudeed ee uu qofku leeyahay taas oo ka dhigta qofka mid ku qanacsan awoodiisa iyo kartidiisa.

Xalinta dhibaatada: waxay ilmaha iyo qofka weynba u horseedaa inuu barto fekerka toolmoon iyo xal u helida caqabadaha nolosha.

Goorma ayaa la odhan karaa isku-filnaansho ayuu gaadhay ilmuhu?

Ilmuhu wuxuu gaadhaa isku-filnaansho marka uu awood u yeesho inuu qabto hawlihiisa aasaasiga u ah noloshiisa iyo maareynta dareenkiisa taas oo ku xidhan da’diisa, isago aan u baahnayn garab iyo amarka waalidka. 


Calaamada isku-filnaanshaha taas oo ku xidhan da’da ilmaha.

3-5 sanno

Inuu iskii u cuno cuntada.

Inuu maareeyo xidhida iyo iska badelida dharka fudud.

Inuu awoodo isticmaalka musqusha iyo nadiifinta gacmaha.

Inuu awoodo inuu si madax bannaan u ciyaaro muddo gaaban iyadoon waalidku ag-fadhiyin.

6-13 sanno

Inuu iskii u diyaarsado agabka iskuulka bugaagta, boorsada, iyo dharka dharka iskuulka.

Inuu sameeyo shaqo-iskuuleedka, isaga oo caawimaad u baahda marka ay ku adkaadaan.

Inuu awood u leeyahay xallinta cadhadiisa isaga oo aan qaylin ama rabshad samayn.

Inuu qabto hawlaha guriga ee fudud sida nadiifinta qolkiisa, tartiibinta ciyaartiisa, iyo diyaarinta miiska cuntada.

Da’da qaangaadhka 13-18.

Inuu yeesho awood go’aan gaadiseed isaga oo doorta saaxiibadii, jadwalkiisa isagu dajista, iyo inuu maareeyo wakhtigiisa.

Inuu awood u leeyahay inuu kaydsado ama si caqliyaysan u maamulo dhaqaalihiisa iyo wax la siiyo.

Inuu qaadan karo mas’uuliyadiisa iyo khaladaadkiisa isaga oo aan cidna eedda saaraynin.

Sida waalidku u caawin karo.

Waalidku waa inuu ilmihiisa siiyaa fursad iyo wakhti oo ku qabto hawlihiisa, ha u qaban adigu waayo waad ka dhakhso badantahay isaga.

U ogolow ilmaha inuu khaldamo, khaladku waa habka ugu fiican ee uu ilmuhu ku barto xallinta dhibaatooyinka.

Waalidku waa inuu ilmaha kala qayb qaataa hawlaha isago oo dhiirigelinaya. Ammaan dadaalkiisa xata haddii aanu dhamaystirin. Muhiimadu maaha inuu dhameeyo hawlaha, ee waa inuu isku dayi karo inuu wax qaban karo.


Baridda ilmaha inuu gacantiisa wax ku qabsado.

Baridda inuu ilmuhu gacantiisa wax ku qabsadaa waxay dhistaa isku-filnaanshihiisa, waxa u uku dhiirada inuu noqdo mid ka madax-bannaan waalidka, kalsooni sare leh, iyo horumarinta awooda gacantiisa. Marka uu ilmuhu barto inuu isku kalsoonaado, waxa uu noqdaa mid dhibaato kasta oo soo wajahda ku xalliya hab degan.

Waalidku waa inuu ilmihiisaa baraa inuu gacantiisa wax ku cuni karo marka uu soo gaadho labada sanno.

Inuu kabahiisa xidhan karo.

Inuu soo qaadan karo cabitaanka.

Inuu seexan karo kaligii.

Inuu ciyaari karo isaga oo aan ilmo kale joogin.

Inuu waxna diidi karo, waxna dooni karo.

Inuu caawiyo waalidkii, sida inuu uso qabto agabka fudud.

Inuu iskii u maydho gacmihiisa cuntada ka hor iyo ka dib.

Intaas aynu soo sheegnayn iyo in kale oo aynaan soo koobi karinba waalidka ayaa looga baahanyahay inuu baro ilmihiisa isaga oo caawinaya. Taas ayuu ilmuhuna ku gaadhaa isku-filnaanshaha.

Faa’iidada ay u leedahay ilmaha.

Marka uu ilmuhu qabto hawl isago oo kaligii guul ku dhameeyay, waxa uu ogaadaa inuu yahay qof awood leh oo wax qabsan kara. Tanina waxay xoojisaa kalsoonida barashada awoodiisa taas oo raacda noloshiisa oo dhan.

Marka ay wax ka xumaadaan sida agabkiisa ciyaaraha, waxa uu isku dayaa inuu dayactiro, taas oo horumarisa fekerkiisa iyo kartidiisa xallinta caqabadaha.

Ilmuhu waxa uu fahmaa hawlaha shakhsiga ah sida hagaajinta qolkiisa, iyo daryeelka agabkiisa taaso uu mas’uuliyad iska saaro sidii uu u hagaajin lahaa.

Ubadka intooda badan waxay muujiyaan cadho marka waalidku ka xadido mas’uuliyada, lakiin haddii ilmaha la siiyo awood oo mas’uuliyadiisa ku qaadi karo waxaa yaraada isku dhaca waalidka iyo ilmaha.

Ilmaha isku filan marka uu iskuulka gaadho waxa uu si dhakhsa ah ula qabsadaa isu diyaarinta iskuulka isaga oo aan caawimaad ka sugin waalidkii.


Dhibaatada ka dhalata marka ilmaha wax kasta loo qabto.


Marka ilmaha loo qabto dhamaan hawlihiisa ha ahaato naxariis waalidnimo iyo dabacsanaan loo muujiyo, ama ka gaadhsiin darted, waxay ilmaha ka hor istaagtaa korriinkiisa maskaxeed iyo midkiisa dabeecadeed. Ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee waalidku waxay ilmaha ku dhalisaa dhibaatooyin muddo dheer qaadata in la xalliyo. Dhibaatooyinka ugu waawayn ee ka dhasha waxaa ka mid ah:

Ilmuhu waxa uu dareemaa kalsooni darro. Waxa uu aamminaa inaanu awoodin inuu iskii wax u qabsado. Tani waxay ku keentaa inuu cabsado marka ay ku timaado xaalado cusub ama soo wajahaan caqabado, maadaama uu bartay inuu waalidkii wax kasta ka dulqaado oo ka badbaadiyo. 

Sida uu muruqu ugu dhismo jimicsiga iyo ciyaaraha, awoodda xallinta dhibaataduna waxay ku dhisantaa isku dayga iyo khaladka oo cashar laga barto. Ilmaha wax kasta loo qabto waxa uu lumiyaa awooddii u uku fekeri lahaa si uu xal ugu helo dhibaatada marka ay wax ka xumaadaan.

Ilmuhu waxa u uku koraa fikir ah in ay dadku u joogaan isaga inay wax u qabtaan. Waxa uu dhib ku qabaa sidii uu u fahmi lahaa mas’uuliyada ka saaran guriga, iskuulka, iyo bulshada.

Waxa uu ilmuhu noqdaa mid cadhooda haddii wax ka xumaadaan sababtoo ah muu baran sida loo sabro wax kastana laysugu dayo sidii loo sixi lahaa.

Marka uu joogo gooaha waxbarashada ee carruurta kale joogaan, waxaa ku adkaataa inuu saaxiibadii raaco waayo markasta waxa uu doonaa cid u uku tiirsanaado. Markan ilmuhu waxa uu dareemaa walbahaar iyo inuu isu arko inuu ka awood darran yahay ubadka kale, maadaama uu ahaa qof ku tiirsane ah.

Marka uu waynaado ee uu u baxo nolosha waxa uu la kulmaa jahwareer weyn maadaama nolosha dhata ah aanay ugu adeegayn sidii waalidkii oo kale. Tani waxay u horseedi kartaa walbahaar iyo walaac joogto ah oo uu nolosha ka qabo.


Gunaanad:

Waalidku waa inuu ilmihiisa baraa inuu gacantiisa wax ku qabsado. Marka uu iskii wax u qabsado waxa uu dhisayaa kalsoonidiisa, awoodiisa shakhsiyadeed, iyo mustaqbalkiisa.

Marka aad ilmahaaga u ogolaato inuu naftiisa wax u qabsado, khaladaadkiisa wax ka barto waxaad siisay agabkii ugu qiimaha badnaa ee uu nolosha kaga hortagi lahaa.

Waxa uu yeelanayaa awood isku-filnaansho oo uu kaga maarmo inuu cid kale sugo.

Khaladka iyo daadinta cuntada iyo cabitaanku waxay qayb ka yihiin barashada. Ku dhiirigeli marka uu wax qabsado kuna abaal mari dadaalkiisa.

Awoodda ugu weyn ee aad ilmahaaga siin kartaa waa inaad u tilmaamto jidkii uu noloshiisa oo dhan ku maarayn lahaa, adiga oo wax kasta isaga u daynaya si uu u qabsado.



Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.