Furaha guusha ee ubadka.
Hordhac:
Manta waxa aynu ka hadli doonaa furaha gusha, guusha dhabta ah, goorma, qaybaha ugu muhiimsan ee guusha, sirta guusha, guusha maxaa laga bartaa, goorma ayaa la odhan karaa guul waa la gaadhay, iyo gunaanadka qormadan haddii Alle ogolaado.
Waa maxay guul?
Guushu waa gaadhista ahdaaf iyo yoolal uu qofku naftiisa u sameeyay, kuwaas oo macno iyo qiimo u leh noloshiisa. Sidoo kale, guushu kuma xidhna hal dhinac, ee waxa ay leedahay dhinacyo badan.
Furaha guusha ee ubadka.
Dhismaha guusha ee ubadku waxay ku fadhidaa dhiirigelin, nidaam dheelitiran, iyo jawi dagen oo ka dhex jira guriga oo buuxiya baahiyahooda shucuurta iyo waxbarashada.
Tiirarka ugu muhiimsan ee guusha ubadka.
Tusaale wanaagsan: carruurtu waxay uga aqoon badanyihiin waxay loo sheego ka ay arkaan. Dhaqanka wanaagsan ee waalidka ka muuqda, asluubta toosan, iyo sida uu u maareeyo wakhtigiisu waxay ubadka u yihiin maab ay kaga tusaalo qaataan sidii ay u nidaamin lahaayeen noloshooda.
Kalgacal iyo dhageysi furan: inilmaha loo muujiyo in la jecelyahay si kasta oo xaaladuhu isu badalaan jacayl shuruud la’aan ah la tuso ubadka. Wada-hadal furan oo dhageysi dhab ah leh waxa uu kor u qaadaa kalsoonida nafta iyo inuu six or ah u dhiibto fikirkiisa.
Nidaam iyo jadwal maalmeed: carruurtu waxay u baahanyihiin inay ku koraan meel leh nidaam cad oo la garanayo. Habaynta wakhtiga cuntada, ciyaarta, waxbarasha, iyo hurdadu waxay ilmaha bartaa mas’uuliyadda iyo maareynta wakhtiga.
Dgiirigelinta dadaalkooda: waxaa habboon in ilmaha lagu ammaano dadaalkiisa halkii lagu ammaani lahaa natiijada dhamaadka timaada. Tani waxay ubadka bartaa in guul-darradu tahay qayb ka mid ah nolosha iyo waxbarashadaba.
Kobcinta curinta iyo aqoonta: in ubadka lagu dhiirigeliyo akhriska, raadinta aqoon cusub, iyo ciyaaraha maskaxda fura waxay ka caawisaa ubadka in awood u yeeshaan xal u helida caqabadaha marka ay waynaadaan.
Qaybaha ugu muhiimsan ee guusha.
Guusha shakhsiga ah: in qofku yeesho degenaansho hoose, kalsooni nafeed, iyo qancidda qiyamkiisa iyo caqiidadiisa.
Guusha qoyska iyo xidhiidhka: dhisidda qoys toosan, korinta ubad guulaysta, iyo maareynta xidhiidh caafimaad qabaa oo ku dhisan ixtiraam iyo kalgacal.
Guusha aqoonta: gaadhista heer waxbarasho iyo xirfadeed oo sare kaas oo kuu ogolaanaya inaad horumar samayso, hal-abuur la timaadid, isla markaana bulshada aad wax kusoo kordhiso waxay ka mid tahay guusha ugu weyn ee qof gaadho.
Guusha maaliyadeed: gaadhista madax-bannaani maaliyadeed oo qofka u horseeda inuu daboolo baahiyihiisa iyo baahiyaha bulshada ku ag xeeran si Sharaf leh.
Koboca iyo waxbarashada: guushu malahaa meel ay ku dhamaato, ee waa dhisme weyn oo u baahan maalin kasta oo cusub inaad wax ku kordhiso, aqoontaada, khibradaada adiga oo khaladkaaga wax ka baranaya.
Sirta guusha.
Sirta guushu kuma fadhido hal sir oo qarsoon, ee waxa ay ku xidhantahay dhawr caado iyo hawlo joogto ah taas oo uu qofku noloshiisa ku saleeyo.
Siraha ugu muhiimsan ee guusha.
Xaddidaada yoolka: inaad si dhaba u qorshayso waxa aad rabto inaad gaadho iyo wakhtiga aad ku gaadhi karto. Yool aan qorshe lahayn waa riyo aan marna la xaqiijin Karin.
Joogtayn iyo Samir: dadaal yar oo maalin kasta la sameeyo waxa uu ka waxtar badanyahay dadaal weyn oo mar kaliya la qabto lagana tago. Guushu waxay u baahantahay Samir iyo joogtayn.
Khaladka oo wax laga barto: dadka guulaystaa khaladkoodu niyad jab uma keeno, ee waxa uu u noqdaa cashar muhiim ah oo ka caawiya inay hab cusub ku wajahaan yoolkooda.
Maareynta wakhtiga: kala horaysiinta arrimaha siday u kala muhiimsanyihiin iyo ka fogaanshaha waxyaabaha wakhtiga lumiya.
Barasho joogto ah: dunidu isbedel ayaa maalin kasta ku dhaca, sidaas darted kobcinta aqoonta, barashada xirfad cusub, iyo raadinta aqoon cusub waa furaha la jaanqaadka heer kasta oo cusub.
Shabakad iyo la xidhiidhka bulsho caafimaad qabta: inaad la xidhato dad niyad-dhiirigelineed leh kuwaas oo kuugu kaalmaynaya gaadhista yoolkaagu waa mid ka mida siraha guushaa.
Guushu maaha dhacdo hal isbuuc ah ama hal sano ku timaada, ee waa geedi socod dheer kuwaas oo aad xadidayso hadafkaaga iyo gaadhista yoolkaaga.
Guusha dhabta ah.
Guusha dhabta ah kuma xidhna oo kaliya maalka, magaca, iyo ammaanta dadka kale, ee waxay ku xidhantahay isu-dheelitirka ahdaafta hoose, qiyamkaaga, iyo saamaynta aad ku leedahay bulshada iyo qoyskaaga.
Tiirarka ugu muhiimsan ee guusha dhabta ah.
Daganaansho iyo qaninimo nafeed: inaad habeenkii seexato adiga oo deganaansho maskaxeed dareemaya, hab-dhaqankaaguna waafaqsanyahay caqiidada, akhlaaqda, iyo qiyamka nolosha.
Reebida raad wanaagsan: inaad noqoto qof bulshadiisa iyo dadka ku xeeran kaga taga saamayn togan, sida dhiirigelin, caawin, ama aqoon aad la wadaagto bulshadaada.
Guusha dhabta ah malahaa meel dhamaad ah oo laga gaadho nolosha iyo shaqada, ee waa qaab dhismeedka noloshaada taas oo aad ku muujiso nooca ugu wanaagsan.
Guusha maxaa laga bartaa.
Guusha waxaa laga bartaa casharo waaweyn oo badala habka aad nolosha u wajahayso.
Casharada ugu waaweyn ee guusha laga barto.
Guusha waxaa laga bartaa xaqiijinta iyo qiimaha nidaaminta wakhtiga.
Guushu waxay kuu cadaysaa in dadaalkaagii, nidaamkaagii, iyo caadooyinkii aad maalin kasta samayn jirtay ay ahaayeen kuwii saxda ahaa ee ku siinayey wadada guusha.
Guushu waxay ku bartaa in natiijadu ay tahay mid ka dhalata samirka iyo joogtaynta.
Guushu waxay ku bartaa kalsoonida iyo awoodda nafta. Markaad gaadho yool waxay kor u qaadaa kalsoonida aad ku qabto naftaada.
Guushu waxay ku bartaa sidii aad dadka kale u dhiirigelin lahayd. Marka aad gaadho meel sare, waxaad ogaataa inaad leedahay mas’uuliyad ah inaad gacan ka gaysan karto horumarinta bulshada iyo kor u qaadista dadka kale.
Guushu waxay ku bartaa inaad sii wado dadaalka adigoo aan joojinaynin koritaankii maskaxda iyo raadintii aqoon cusub iyo xirfad. Waxay ku bartaa inaad dejiso yoolal cusub oo ka waaweyn kuwii hore.
Casharka ugu weyn ee guusha laga bartaa waa in aanay kugu abuurin kibir iyo isla-wayni, ee waxay ku bartaa sida laysu dhul dhigo looguna mahadceliyo Rabi kaas oo fursadan aad heshay ku siiyay.
Goorma ayaa la odhan karaa waa la gaadhay guul.
Waxaa la odhan karaa guul waa la gaadhay marka laga helo shan astaamood oo muhiim ah kuwaas oo tilmaamaya xaqiijinta yoolkii la higsanayey.
Marka si dhaba loo xaqiijiyo dhamaystirka yoolkii, ahdaaftii, wakhtigii aad ku bixinaysa si loo dhamaystiro guusha, iyo dadaalkii joogtada ahaa.
Marka qofku muujiyo daganaan isaga oo aan dadka kale ka rabin ammaan waa mid ka mida astaanta guusha.
Marka habka aad guusha ku gaadhay iyo natiijadii ka soo baxay ay si buuxda isu-waafaqaan qiyamkaaga, caqiidadaada, iyo mabda’aaga noloshu waa mid kamida astaanta uusha.
Marka guushaada ay ka faa’iidaystaan dadka kale sida ubadkaaga, bulshadaada yagoo ay u horseeday horumar iyo dhiirigelin cusub waa mid ka mida guusha.
Marka aad gaadho heer aad ka gudubtay caqabadihii kugu xeernaa adiga oo yeeshay khibrad iyo aqoon ka sareysa tii aad lahayd markii aad safarka bilawday waa mid ka mida guusha.
Gunaanad:
geedi-socodka guushu waa mid lagu cabiri karo geedi-socod isugu jira koboc, bisayl, iyo adeegsiga khibradihii hore ee aad ka bartay caqabadihii iyo khaladaadkii dhacay intii lagu guda jiray xaqiijinta yoolkii iyo hadafkii.
Guusha waartaa waa adiga oo ka taga ubad leh qiyam, akhlaaq wanaagsan, kalsooni nafeed, iyo nidaam nololeed oo wanaagsan kaas oo ku haga wadada guusha.
Ugu danbayntii guul walba oo la gaadho waxaa fure u ah albaab cusub iyo yool ka weyn kii hore.

Comments
Post a Comment