Dhibaatada ay la kulmaan ubadka ku barbaara waalid la’aan.
Hordhac:
Maanta waxa aynu ka hadli doonaa dhibaatada ay la kulmaan ubadka kusoo kora waalid la’aan, heerkooda aqoonta, talo bixin, iyo gunaanad.
Carruurta ku korta meel ay ka maqanyihiin labbadii waalid ama mid ka mid ah waalidiintu waxay la kulmaan dhibaatooyin waaweyn oo saameeya noloshooda taas oo dhinacyo badan taabanaysa.
Carruurta waalid la’aanta ku koraa waxay inta badan dareemaan niyad-jab, walwal, kalsooni darro, cabsi ku saabsan mustaqbalkooda.
Carruurtaasi waxay ka fogaadaan inay xidhiidh dhaw la yeeshaan dadka kale, iyaga oo ka cabsi qaba in yaguna ka tagaan.
Carruurtu ku kora waalid la’aan waxa ku yimaada hoos-u-dhac dhinaca waxbarashada ah maadaama aanay haysan taageero iyo dhiirigelintii waalidka, taas oo ugu danbaynta u horseeda inay ka hadhaan waxbarashada.
Maqnaanshiiyaha waalidka xakameynta iyo tarbiyadoodu waxay ubadka u keentaa inay saaxiibo xun-xun ku dhacaan, hab-dhaqankoodu halis galo, balwadaha noocyadeeda kala duwan isticmaalaan, taas oo ugu danbayn keenta inay nolosha ka dhacan.
Inta badan waxay u nugulyihiin inay carruurta kale u xoog sheegtaan isla markaana u adeegsadaan ereyo dhaawaca naftooda marka ay ogaadaan in aanay lahayn waalid ka danbeeya.
Maqnaanshaha waalidkii quudinayey ubadku waxay badanaa keentaa daryeel-darro dhanka baahiyaha aasaasiga ah sida nafaqadii, dharkii, iyo daryeelkii caafimaadba.
Carruur badan ayaa lagu khasbaa inay shaqeeyaan yagoo yar si ay u helaan nolol maalmeedkooda, taasina waxay dib-u-dhac xooggan ku keenta dhanka korriinka jidhka iyo dhaawac maskaxeed.
Talo bixin ubadka ku kora waalid la’aanta.
Korinta iyo taaeerida ubadka ku koraa waalid la’aantu waa waajibaad saaran kolba cidii ka ag dhaw ubadkaas ama gacanta ku haysa. Ubadku si guud waxay u baahanyihiin inay ku koraan jawi nololeed oo dagen, taas oo uu ka buuxo jacayl waalidnimo, naxariis, dadaal joogto ah, daryeel, dulqaad, iyo maamul toosan, si gaara ubadka aan la kulmin waalidkood waxay daryeelkaa ku leeyihiin cidii hadba gacanta ku haysa. Carruurtu waxay u baahanyihiin inay dareemaan inay san ahayn kaligood ee ay leeyihiin dad u heelan oo siinaya jacayl iyo daryeel aan hagrasho lahayn.
Carruurtu waa in la dhagaysto dareenkooda marka ay dareemaan walwal, murugo, ama su’aal ku saabsan waalidkii.
Waa in aan la hor istaagin dareenkooda ee si wanaagsan loo dhagaysto wada-hadal furan alala sameeyo.
In ilmaha markasta loo sheego maqnaanshaha waalidkood inuu yahay qadar Alle, lagana ilaaliyo ereyada xanafta leh ee dhaawacaya maskaxdooda.
In ubadka layska xil saaro sidii loogu samayn lahaa jadwal nidaamsan, loona asteeyo wakhtiyada cuntada, hurdada, ciyaarta, iyo waxbarashada, si ay u dareemaan inay wali haystaan dad jecel oo u naxariisanaya.
In ubadkaas la siiyo tilmaamo cad-cad oo ku saabsan dhaqanka wanaagsan adigo u maraya hab dhiirigelin ah oo aan ku dhisnayn ciqaab daran.
In ilmaha la siiyo caawin gaara iyo garab si ay u samaystaan saaxiibo wanaagsan si ay bulshada ugu qabtaan hawlaha la gudboon.
Heerkooda aqooneed.
Habka uu u saameeyo ubadka ku kora waalid la’aanta waxa uu u qaybsamaa dhawr qaybood oo muhiim ah:
Inta badan ubadka kusoo koraa meel uu ka maqanyahay waalidkood, waxay la kulmaan hoo-u-dhac weyn oo dhinaca natiijooyinka imtixaanada ah, iyo fahamka casharada oo ku adkaada maadaama aanay haysan taageero dhanka guriga ah.
Maqnaanshaha waalidkii la fadhiisan lahaa ee waxqabadka dugsiga la eegi lahaa waxay saamaysaa xaddiga koboca maskaxda ubadka.
Ilmaha ku kora meel waalidkii dhalay joogin waxaa ku adkaataa xallinta khilaafaadka yar-yar ee soo kala dhex gala iyaga iyo carruurta kale, taasina waxay saamayn ku yeelataa horumarkooda mustaqbalka maadaama aanay haysan cid ay ku daydaan.
Carruurta kusoo korta waalid la’aantu waxay ku dhiiradaan inay qaataan go’aamo degdeg ah oo khatar galin kara maadaama aanay haysan talo waalidnimo.
Ubadkaas aqoontooda ku saabsan maareynta cadhada, walaaca, iyo xidhiidhka bulshadu waxay noqotaa mid hoosaysa ama iyaga oo ku dhibaatooda fahamka iyo sidii ay u cabiri lahaayeen dareenkooda.
Talo lagu dhisayo aqoontooda.
In ubadka loo raadiyo macallin guri ka caawiya casharada dugsiga si ay mustaqbalka u noqdaan kuwo guulaysta.
In la siiyo buugaag fudud oo dheerigelin ah si ay u akhristaan, taas oo dhista fahamkooda nolosha iyo aqoontooda guud.
Gunaanad:
Ubadka ku kora waalid la’aantu waxay la kulmaan caqabado waaweyn oo saameeya noloshooda aasaasiga ah, maskaxdooda, dareenkooda, iyo heerkooda aqooneedba. Maqnaanshaha taageerada iyo hoggaaminta waalidnimo waxay hoos u dhigi kartaa kalsoonida ay ku qabaan naftooda iyo waxbarashada. Si kastaba ha ahaatee, caqabadahaas oo dhan waxaa Meesha lagaga saari karaa in ubadka la siiyo daryeel naxariis leh, taageero joogto ah oo dhinaca shucuurta iyo waxbarashada ah, iyo in lagu hayo jawi xasilooni iyo dhiirigelin leh. Bulshada iyo macallimiinta waxaa dusha ka saaran inay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii ay u buuxin lahaayeen booskii waalidnimo si ubadkaasi awood ugu yeeshaan inay gaadhaan guul iyo mustaqbal wanaagsan.



Comments
Post a Comment