Dhegeysiga firfircoon ee ubadka.
Hordhac:
Maanta waxa aynu ka hadli doonaa dhegeysiga habboon ee ubadku u baahanyihiin, faa’iidada ay u leedahay ubadka, u sheekaynta ubadka, jacaylka loo muujiyo ilmaha iyo gunaanadka qormada haddii Alle ka dhigo.
Dhegeysiga ilmuhu waa aasaasaha ugu muhiimsan ee dhisi xidhiidh ammaan ah oo ka dhexeeya waalidka iyo ubadka. Marka uu ilmuhu waalidkiisa ka waayo dhegeysi waxa uu bilaabaa inuu dareenkiisa ku muujiyo qaylo, adkaysi la’aan, isku xidhnaanta waalidka oo yarata, iyo rabshad uu ka sameeyo guriga dhexdiisa.
Habka ugu waxtarka badan ee loo dhegeysto ubadka.
Marka aad ilmaha la hadlayso, waa inaad hoos ugu fadhiisato siu u indhihiinu isu qabtaan. Tani waxay ilmaha ku abuuraysaa Dareen ammaan ah iyo in la tixgalinayo.
Marka ilmuhu kula hadlayo waa inaad gabi-ahaanba joojisaa hawsha aad gacanta ku hayso, sida moobilka, daawashada TV, iyo hawl kasta oo kaa mashquulinaysa dhegeysiga ilmahaaga.
In marka uu qaylinayo ama uu cadhaysanyahay aan qaylo laga horgayn, balse taa badelkeeda loo sheego inuu is dejiyo oo uu xakameeyo naftiisa. Tani waxay ilmaha baraysaa sidii uu u maareyn lahaa dareenkiisa.
Mararka qaar ilmuhu waalidka ugama baahna inuu xalliyo dhibaatadiisa, waxa uu u baahanyahay meel u uku faaruqiyo waxa ka dhex guuxaya.
Inaad ilmaha isku daydo inaad u saxdo ereyada uu khaldayo adiga oo u muujinaya dhiirigelin iyo ammaan.
Faa’iidada dhegeysiga dhabta ah.
Marka ilmaha la dhegeysto waxa uu dareemaya in la tixgalinayo dareenkiisa,
Dhegeysiga dhabta ah waxa uu ilmaha siiyaa kalsooni sare taas oo u saamaxda inuu hadli karo dareenkiisana cabiri karo.
Marka ilmuhu yahay mid waalidkii dhegeysto waxa u uku dhiirranayaa inuu kugu soo ordo marka uu dhib la kulmo Meesha u uku baxsan karaana ay noqoto guriga.
Marka ilmuhu yahay mid la dhegeysto waxaa yaraada qaylada guriga dhexdiisa ka dhaca.
U sheekaynta ubadka.
U sheekaynta ubadku maaha oo kaliya madadaalo, balse waa mid ka mida aaladaha ugu awoodda badan ee lagu dhiso garaadka, luuqadda, iyo caadifadda ilmaha. Marka aad u sheekaynayso ubadkaaga waxa aad dhisaysaa maankiisa iyo xidhiidhka idinka dhexeeya.
Faa’iidooyinka waaweyn ee u sheekaynta ubadka.
Ilmahu waxa uu sheekada ka bartaa ereyo cusub iyo habka saxda ah ee loo dhiso jumladaha.
Sheekooyinku waxay ilmaha baraan in dhib kasta oo ku dhaca qof bini-aadam ah uu leeyahay xal, iyadoo la adeegsanayo fikir iyo dulqaad.
Sawirada uu ilmuhu ku dhex dhisayo maankiisa marka loo sheekaynayo, waxay kobciyaan maankiisa hal-abuureed.
Wakhtiga saxda ah ee ilmaha loo sheekeeyo waxaa ugu fiican inta uu seexan ka hor habeenkii, waxa uu abuuraa Dareen ammaan iyo kalsooni dhab ah.
Sida sheekada loo dhigo si ay xiiso ugu yeelato ubadka.
Waaidku inuu adeegsado codad kala duwan marka uu ka hadlayo sheekooyinka la xidhiidha xayawaanada sida codka, shinbirta, libaaxa, iyo codka ilmaha yar.
Isticmaal gacmahaaga si uu u arko gacmaha iyo wajiga si aad sheekada ugu soo saarto soo jiidasho.
Noocyada sheekooyinka ugu habboon.
Nooca sheekadu waxa ay ku xidhantahay hadba da’da ilmuhu jiro. Ilmaha marka uu jiro 1-3 sanno, waxaa ku habboon sheekooyinka gaagaaban kuwaas o oleh codad, xoolo, ama midabo kala duwan looguna celceliyo. Marka uu ilmuhu jiro 4-6 sanno waxaa ku habboon sheekooyinka murtida leh sida dhagdheer, dawaco, iyo xoolaha is caawiya. Marka uu ilmuhu soo gaadho da’da 7+ sanno iyo wixii ka sareeya sheekooyinka ku habboon waxa ay yihiin taariikhaha dhabta ah, hal-abuurka, geesiyaasha, dadka nolosha ku guulaystay, iyo tacabirkii dadkii hore samayn jireen.
Jacaylka loo muujiyo ilmaha.
Jacaylka loo muujiyo ilmaha waa baahi aad u weyn uu ilmaha u dhista maskaxda, caadifadda, iyo kalsoonida ilmaha. Ilmuhu marka uu qalbiga ka dareemayo in la jecelyahay jacayl shuruud la’aan ah, waxa uu noqdaa mid deggen, jawi xasilloon ku jira, xidhiidhka ka dhexeeya isaga, waalidkii, iyo bulshaduba wanaagsanyahay. Tani waxay ka dhigtaa inay maskaxdiisu si buuxda u kobocdo. Ilmaha oo laabta la galiyo, madaxa loo salaaxo, waxay jidhka kusoo daayaan hoormoon loo yaqaano oxytocin kaas oo dhisa deganaanshaha iyo kalsoonida ilmaha. Maalin kasta usheeg inaad jeceshahay ilmahaaga kuna faraxsantahay hadalkiisa iyo la joogistiisa. Ilmahaaga sii maalintii ugu yaraan 15 daqiiqo adigo dhamaan hawlaha faraha ka qaadaya, si buuxdana ula jooga ilmaha adigoo ciyaar iyo wadahadal kula jira. Jacaylku maaha in ilmaha wax kasta loo ogolaado, balse waa in ilmaha la siiyo xuduudo cad-cad oo naxariis ku dheehantahay siu u u dareemo ammaan.
Gunaanad:
Barbaarinta ubadku maaha oo kaliya in cunto la siiyo, dhar, iyo hoy la siiyo, balse waa geeddi-socod kasoo bilaabma qalbiga waalidka kuna dhamaada mustaqbalka ilmaha.
Marka aynu ubadka siino dhegeysi dhab ah, sheekooyin murti leh, jacayl aan shuruud lahayn, waxa aynu dhisaynaa sees adag oo ay ku maareeyaan maankooda, caadifaddooda, iyo naftooda.
Naxariista iyo tixgelinta aad maanta u muujiso ilmahaga yar waa waxa uu bari adiga kugu daryeelayo marka aad waayeel noqoto.


Comments
Post a Comment