Baridda ilmaha maareynta shucuurta.

 Hordhac:

maanta waxa aynu ka hadlaynaa baridda ilmaha maareynta iyo shuruudaha, muhiimadda ay leedahay, iyo gunaanad.

In ilmaha la barro maareynta shuruuduhu waa awoodda uu ilmuhu ku fahmi karo, ku maamuli karo, ugu maareyn karo dareenkiisa, isaga oo faham ka haysta dareenka dadka kale.

Fahamka fudud: in ilmuhu barto sidii uu u cabiri lahaa waxa uu gudaha ka dareemayo sida, cadho, cabsi, iyo farxada, iyo sida loo maareeyo.

Garaadka aqoonta IQ, waxa uu horseedaa guul tacliimeed, lakiin Garaad dareenku EQ, waxa uu horseedaa guul nololeed, xidhiidh wanaagsan, iyo xasillooni maskaxeed.

Ilmuhu marka uu xanaaqo ama uu niyad samaan waayo, inta badan ma maamuli karo dareenkiisa luuqadda u uku cabiro
dareenkiisuna waxa uu noqdaa inuu ooyo, qayliyo, iyo sido kale dhib u gaysto guriga.

Ilmuhu marka uu xanaaqsanyahay waalidku waa inuu siiya fursad u uku cairo dareenkiisa, loona daayo Meesha uu joogo. 

Bar ilmaha in Dareen kasta yahay caadi dhina ku jirin. Inaad cadhootaa waa caadi, lakiin caadi maaha in wax jabiso ama wax is yeesho.

Bar ilmaha farsamooyin yaryar taasa uu cadhada iskaga dajiyo, inuu neef qaato markuu cadhoodo.

Bar ilmaha inuu kala saaro dareenka iyo ficilka. Dareenku waa xor, lakiin ficilku waa inuu noqdaa mid miyir leh.



Ilmuhu marka uu dago u fur albaab wadahadalka si uu xal ugu helo dhiaatada. 

Bar ilmahaaga inuu wax ka ogaan karo dareenka carruurta kale ee ay ciyaar wadaaga yihiin iyado la barato xuduudaha.

Ubadka ma dhagaystaan waxa aan sheegayno, laakiin waxay eegaan sidad u maaraynayso cadhadaada.


Muhiimadda uu ubadka u leeyahay.

Ilmaha oo la baro maareynta cadhadu waa mid saameyn mug leh ku leh mustaqbalkiisa dhaw iyo ka dheerba.

Halkan waxa aynu kusoo qaadan doonaa dhawr qodob oo muhiim ah:

Ilmaha oo barta garaadka dareenku (EQ), waxa uu awood u yeeshaa inuu fahmo dareenka carruurta kale, wuxuuna u muujiya naxariis.

Waxay ka caawisaa inuu yeesho saaxiibo wanaagsan, inuu ka fogaado rabshadaha, iyo inuu xalliyo khilaafaadka yaryar ee dhex mara isaga iyo saaxiibadii.

Marka uu ilmuhu garanayo sida loo maareeyo cadhada,walwalka, iyo niyad-jabka, waxaa u fududaata inuu diirada saaro waxbarashada.

Cilmi-baadhisyo lagu sameeyay korriinka ubadka waxay daaha ka qaadeen in carruurta leh garaadka dareenka oo sarreeya ay noqdaan kuwa ugu natiijada wanaagsan fasalka marka ay joogaan waxbarashada sababtuna ay tahay inay leeyihiin dulqaad iyo xakamayn nafeed.

Ilmuhu marka uu awood u leeyahay inuu dareenkiisa ku cabiro ereyo, uma baahdo inuu qayliyo, wax jabiyo, ama uu dhulka isku tuuro.

Ilmaha oo yeesha garaadka dareenka oo sarreya waxay ka badbaadisaa walwalka iyo niyad-jabka marka uu korayo.

Barashada garaadka dareenku waxay ilmaha ka dhigtaa mid Aamina inuu dareenkiisu qiimo leeyahay.

Ilmahaasi waxa uu bartaa sida loo yidhaahdo ‘maya’ marka uu hawl kale hayo, iyo sida loo ilaaliyo xuduudaha shakhsiga ah.

Dadka noqda hogaamiyayaasha guulaystay maaha kuwa leh oo kaliya garaad aqooneed ( IQ) sare, ee waa kuwo awood u leh inay maareeyaan dadka kale iyaga oo adeegsanaya naxariistooda iyo fahmka bulshada.

IQ waxa uu ilmaha u furaa albaabka aqoonta, lakiin (EQ) waxa uu furaa albaabka guusha nolosha iyo farxada gudaha.


Gunaanad:

Baridda iyo horumarinta garaadka dareenka ee ubadku maaha hab iyo taabar hal maalin ilmaha lagu baro, ee waa safar dheer oo joogto ah una baahan dadaal iyo dulqaad badan oo uu waalidku ka bixiyo guriga, marka waalidku isku dayo inuu ilmihiisa ka caawiyo inuu magacaabikaro dareenkiisa fahmo cabsida iyo cadhada, isagoo waliba ixtiraamaya dareenka dadka kale, waxa uu yahay mid edeb badan, iyo inuu noqdo shakhsi caafimaad maskaxeed iyo mid niyadeedba haysta, garaadka aqoonta iyo garaadka dareenka oo sarreeya waxa uu ilmaha u furaa albaabka guusha, tacliinta, iyo inuu ilmuhu nolosha ka midho-dhaliyo, yeesho xidhiidh togan oo bulsho, kana gudbo caqabadaha waaweyn ee nolosha mustaqbalka. Maalgashiga ugu fiican ee qof maal gashto waxaa ugu weyn ka uu siiyo ubadkiisa. Waalidku waa inuu ilmaha siiyaa fursad iyo goob uu six or ah ugu cabiri karo dareenkiisa si loo fahmo, sababta oo ah ilmaha maanta la fahmaa waa hogaamiyaha berri ee bulshada wax ka badeli kara.



 



Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.