Wakhtiga ugu habboon waxbarashada carruurta.

 Hordhac:

Mawduucan manta waxa aynu ku falanqayn doonaa wakhtiga ugu habboon ee carruurta la gayn karo goobaha waxbarashada, waalidka mas’uuliyada ka saran sidii uu ugu doori lahaa goobta ugu habboon iyo gunaanadka qormada.

Wakhtiga saxda ah ee waxbarashada carruurtu waxa u uku xidhanyahay koriinka ilmaha, da’diisa, iyo hadba sida uu u yaqaano luuqada markas lagaga hadlo deegaanka u uku noolyahay. Waxbarashadu maaha oo kaliya fadhiisinta miiska iyo qorista buugga, ee waa geedi socod ka bilaama dhalashada ilmaha taas oo loo maro ciyaaro iyo indho-indhayn.

Da’da iyo nooca waxbarashada: 

0-3 sanno ilmuhu waxa u uku jiraa barashada degaanka iyo ciyaaraha kala duwan ee dabiicigaa.

ilmuhu waxa uu diirada saaraa horumarinta luuqadda, maqalka, taabashada, iyo socodka.

Luuqadda waxa ay ku bartaan dhageysiga waalidka iyo marka waalidku u sheekeeyo ubadka. Ciyaarta uu ilmuhu sameyo waa habka ugu fiican ee maskaxdu u korto.











3-5 sanno xilligan waxaa lagu tilmaamaa in yahay xilliga uu ilmuhu u baahanyahay in la geeyo xanaanada. Waxa uu ilmuhu diirada saaraa dhex galka carruurta kale, waxa uu awood u leeyahay inu barto tirooyin fudud iyo midabada kala duwan. Wakhtigan ilmuhu looga baahna waxbarasho rasmi ah, lakiin waah ab ku dhisan ciyaar, heeso, sheekooyin, iyo qoraal gacmeed yar, sido kale inuu midabayn karo sawirada.

6 sanno iyo wixii ka sareeya: wakhtigan ilmuhu waxa uu gaadhay xilligii uu bilaabi lahaa waxbarashada rasmiga ah.

Waxaa looga baahanyahay akhrinta, qorista, xisaabta, iyo madooyinka lagu dhigto heerkiisa uu marayo.

Habka uu ilmuhu wax ku bartaa waa in la geeyo dugsi kaas oo uu wax ku baranayo.

Wakhtiyada ugu habboon maalintii waxbarashada:

Aroortii: galinka hore maskaxdu waxay leedahay tamara aad u saraysa waana mid soo jeeda marka uu ilmuhu seexdo habeenkii hurdo fiican oo ku filan. Xilligan waa wakhtiga ugu fiican ee lagu baran karo waxyaabaha u baahan fakarka, iyo akhriska.

Calaamadaha muujiya diyaar noqoshada ilmaha:

Marka uu ilmuhu bilaabo inuu su’aalo waydiiyo dadka waaweyn waa caalaamad ka mida calaamadaha muujiya diyaar noqoshada ilmaha.

Marka uu ilmuhu leeyahay awood dhegeysi sida inuu fadhiyi karo daqiiqado gaar ah si uu u dhagaysto sheekada ama akhrinta waalidka.

Inuu ilmuhu leeyahay awood uu wax ku sheegi karo ama uu ku tilmaamo waxa uu rabo.

Ilmuhu haddii uu leeyahay dhawrkan calaamadood ee aynu soo sheegnay, tani waxay muujinaysaa inuu diyaar u yahay waxbarasho.


Habka loo maro in ilmaha wax la qaybsiiyo.

Habka ugu fudud ee ilmaha wax lagu qaybsiin karo ayaa ah in loo adeegsado waxyaabo la taaban karo iyo sheekooyin fudud. Carruurtu waxba kuma fahmaan hadalka, balse waxay wax ku fahmaan marka laga dhigo gacan ka qabad.

Halkii ilmaha lagu odhan lahaa 6/3, waxaa ka fudud inaad soo qaado ciyaaraha ay ku ciyaaraan deetana aad lix xabo kasoo qaado, saddex ardayna aad u yeedho midkasta aad si siman ugu qaybiso, marka aad waydiiso mid kasta inta uu haysto. Tani waa habka ay ku fahmi karaan carruurtu xisaabta.

In ilmaha marka loo dhigayo xisaabta loo adeegsado sawiro. Ilmuhu waxa uu wax ku fahmaa sawiro.

Wakhtiga ugu horeeya ee waxbarashada ilmaha loogama baahna inuu wax qoro, akhriyo, iyo inuu xifdiyaba, waxa looga baahanyahay kaliya inuu barto nidaamka iyo deegaanka waxbarashada. 











Gunaanad:

Ilmuhu marka uu ku cusbyahay waxbarashada waalidka iyo barahaba waxaa looga baahanyahay dulqaad joogto ah, waayo waxa ay doonayaan inay wax baraan qof aan waxba garanaynin. Waalidku waa inuu dhiirigeliya ilmaha yar, waa inuu jadwalkiisaa saxaa, waa inuu ilaaliyaa wakhtiga hurdadiisa maadaama uu hada sidii hore aanu ahayn. Ilmuhu marka uu helo hurdo ku filan iyo cunto isu dheelitiran waxa uu xiiso u qaada isbedelkan cusub oo nolosiisa ku soo kordhay. Marka uu ilmuhu leeyahay wakhti go’an waxa uu yeeshaa tamar iyo firfircooni u uku barto waxyaabo cusub. Waalidku waa inuu mas’uuliyad iska saaraa sidii uu u caawin lahaa ilmaha yar.

Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.