Ubadka ku kora waddamada shisheeyaha.

Hordhac:
Manta waxa aynu ka hadli doonaa mawduuc aad muhiim ugu ah waalidka qurbaha ki nool, dhibaatada ka haysata tarbiyaynta ubadka, sidii loo bari lahaa ilmaha ixtiraamka labadiisa waalid, iyo sidii loo yarayn lahaa caqabadaha dhanka korniinka ubadka.

Barbaarinta ubadka ku kora waddamada shisheeyaha (qurbaha) waa mid ka mida caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajaha qoysas badan oo soomaaliyeed. Inkastoo ay jiraan fursado waaweyn oo ah caafimaadka, waxbarashada, iyo mustaqbalka nolosha ilmahaas, haddana waxaa jira dhibaatooyin waaweyn oo la xidhiidha caqiidada, diinta, dhaqanka, iyo is-fahamka waalidka iyo ubadkooda. Haddii si qotodheer loo baadho nolosha ubadka ku nool qurbaha, waxa jira laba dhinac oo muhiim ah:

Fursadaha dhabta ah:

Waxbarasho tayo leh: ubadka ku kora qurbuhu waxay helaan waxbarasho tayo leh, waxay helaan fursad ay ku bartaan aqoon casri ah, iyo xirfado cusub taas oo ay meel kaga soo saaraan mustaqbalkooda haddii ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan.
Daryeel: ilmaha ku dhasha waddamada shisheeyaha waxay helaan hay’ado dawli ah kuwaas oo siiya daryeel caafimaad iyo taageero bulsho.

Caqabadaha ugu muhiimsan:

Hanjabaad iyo dhaqan badel: ubadku waxay maalin kasta kala kulmaan goobaha waxbarashada iyo meelaha bulshadu isugu timaado dhaqamo ka hor imanaya caqiidada iyo diinta islaamka ah iyo soomaalinimada, taas oo ilmaha ku abuurta jahwareer xagga dhaqanka iyo caqiidadiisa ah.
Afka hooyo oo luma: ilmo kasta oo ku barbaara dhul shisheeye, luuqadda u uku hadlaa waxay noqotaa taa uu dhulkeeda joogo. Tani waxay inta badan ku keentaa carruurta inay lumiyaan afkii hooyo (soomaali), waxay keentaa in ubadka iyo waalidku isku fahmi waayaan guriga dhexdiisa maadaama ay laba luuqadood isticmaalayaan.
Kala fogaanshaha waalidka iyo ubadka: farqi u dhexeeya degaankii uu waalidku kusoo koray yaraantiisii iyo degaankan cusub ee ilmuhu hada ku dhashay kala fogaanshihiisa, ayaa waxa uu dhaliyaa inay isku af-garan waayaan qaabka nololeed iyo fikirka.


















Wadada ugu habboon ee loo maro barbaarinta toosan ee qurbaha.

si loo ilaaliyo ubadka looguna hago jidka toosan ee diinteenu ina farrayso, iyadoo laga faa’iidaysanayo fursadaha ka jira dhulkaas, waxaa muhiim ah in waalidiintu maraan dhawrkan wado:

guriga oo lagu dhiso dhaqanka iyo diinta: gurigu waa inuu noqdaa Meesha kaliya ee ilmuhu wax ka qaato. Waalidku waa inuu ku hadlaa af-soomaali, waa inuu xijaabtaa ama jidhkiisaa asturaa, waa inuu diinta iyo kutubta ka hadlaya ubadka ugu dhigo guriga, haddi aanu aqoonina casharada ku baxa online ka ee ku saabsan qur’aanka iyo caqiidada muslimka waa inuu la dhigto ubadka. Taas ayaa lagaga hortagi karaa dhibaatada ubadka ku iman karta.

Wada-hadal furan oo naxariis leh: in waalidka iyo ubadku kala fogaadaan waxa inta badan keenaa cabsi ay ubadku ka qabaan waalidka, wada-hadal la’aan iyo aamusnaan waalidku sameeyo. Hadaba waalidku halkii uu amarro bixin lahaa, waa inuu sameeyo wadatashi iyo in lawada fadhiisto marka arin jiro ubadkana laga qayb galiyo Talada. Waalidku waa inuu ku dadaalo inuu ilmuhu ku kalsoonaado si uu ugu sheegi karo waxyaabaha khatarta ah ee uu la kulmo si loo yareeyo khatarta banaanka ka jirta.

In loo abuuro bulsho wanaagsan: waalidku waa inuu ilmihiisa u raadiyo saaxiibo wanaagsan oo ay isku dhaqan iyo diin yihiin, ubadkana lagu xidho masaajidka.
Dib u dejinta ubadka: waalidku inuu ilmaha ku celiyo dhulkiisii hooyo wakhtiyada fasaxyada, si ay u arkaan qoyskooda, ula qabsadaan dhaqankooda, una ogaadaan asalkooda dhabta ah.
barbaarinta ubadka ku koraa dhul shisheeye waxay u baahantahay Samir, dadaal joogto ah, iyo caqli badni ka muuqato naxariis iyo garasho dheeraad ah.

Caqabadaha waalidku kala kulmo tarbiyadooda.

Barbaarinta ubadka ee xilligan casriga ah, haba ugu sii darnaato marka la joogo deegaano cusub ama bulsho isbedel badan leh, waxay waalidka saartaa mas’uuliyad ka duwan tii hore. Waxaa jira caqabado dhawr ah oo si guud iyo si gaarba u saameeya waalidiinta maanta.
Marka ubadku ku koraan deegaan luuqaddiisu ka duwantahay tan waalidka, waxaa ka dhasha is-faham la’aan dhinaca luuqadda iyo is-gaadhsiinta. Ubadku waxay ku fikiraan inay bartaan luuqadda dugsiga lagula hadlo iyo tan bulshada ka dhex jirta, halka waalidku ku hadlayo afkiisii hooyo. Tani waxay keentaa in wadahadalkii gurigu yaraado, isla markaana fariimihii muhiimka ahaa ee nasteexada u ahaa ilmaha ay si habboon u gaadhi waayaan.
Maanta saaxiibka ugu dhaw ee ubadku ķ waxa weeye shaashadaha, TV, iyo moobilada. Waxay si toosa ugala socdaan mawjadaha macluumaadka ee aan xaddidnayn, ciyaaraha iyo baraha bulshadu waxay si toosa u saameeyaan fikirka, hab-dhaqanka , iyo qiyamka ubadka. Waalidku waxa uu inta badan ku jahwareeraan sidii ay u xaddidi lahaayeen isticmaalka tiknoolajiyada isaga oo ka fogaanaya inuu cabudhiyo oo go’doomiyo ilmaha.
Ubadku waxay u dhexeeyaan labbada dhaqan oo kala duwan: dhaqanka iyo diinta guriga ka dhex jirta iyo midka ay kasoo arkaan dugsiga iyo saaxiibadood. Is-barbardhigaasi waxa uu ilmaha ku abuuraa jahwareer, taas oo mararka qaar ilmaha ku keenta inay ka fogaadaan dhaqankooda asalka ah ama u arkaan inuu waalidku yahay mid dib u dhacsan oo aan fahmaynin nolosha casriga ah.
Nolosha casriga ahi waxay u baahantahay dadaal badan oo dhanka shaqada ah, iyo maareynta nolosha. Waalidiin badan oo mashquul ku ah daboolida baahiyaha aasaasiga ah. Waalidku waxa uu la kulmaa inuu ilmihiisa wakhti lasoo qaato si uu u siiyo naxariis, jacayl, dhageysi, iyo tarbiyad joogto ah.
Waalidiin badan ayaa ku wareera xaddiga xorriyadda ama adkaanta ah inay u muujiyaan. Maamul adag oo xad dhaaf ah waxa uu dhalin karaa inuu ilmuhu cararo, ama uu waalidka ka qariyo wax kasta. Halka dabacsanaanta xad-dhaafka ah ay dhaliso in ilmuhu yeesho dhaqan iyo asluub xun. Si ay ubadku u helaan tarbiyadii loo baahnaa waxay u baahanyihiin Samir badan iyo dadaal joogto ah.


Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.