LATEST NEWS

6/recent/ticker-posts

Kobcinta Garaadka Ubadka

 Hordhac

Halkan waxaynu si faah-faahsan ugu lafo guri doonaa sida loo kobciyo garaadka ubadka, habka ugu fudud ee loo kobciyo, iyo waxtarka uu u leeyahay ubadka.


Kobcinta garaadka iyo maskaxda ubadku waa mid ka mid ah maalgashiga ugu muhiimsan ee waalidku u samayn karo mustaqbalka carruurtiisa. Maskaxda iyo garaadka ilmuhu wuxuu si fiican u koraa shanta sanno ee ugu horaysa noloshiisa, lakiin daryeelka iyo dhiirigelintu waa mid aan la joojin Karin ilaa inta uu koriinka ku jiro. Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qodobada ugu muhiimsan kuwaas oo door weyn ka ciyaara barbaarinta toosan iyo kobcinta garaadka iyo caqliga ilmaha.

Wada sheekaysiga iyo horumarinta luuqada

Hadal joogto ah: waalidka waxaa laga rabaa inuu ilmaha la hadlo xataa haddii aanu gaadhin ama garanaynin waxa lagu hadlayo. Tani waxay ilmaha ka dhisaysaa keydka kalmadaha ee uu maskaxda ku hayn karo.

Akhrinta sheekooyin: in ilmaha loo akhriyo sheekooyin leh sawiro waxay kor u qaadaafahamkiisa, waxayna dhistaa qaabka luuqada u uku hadli doono.

Barashada ciyaaraha.

Ciyaaraha caqliga dhisa: ciyaaraha kala duwan ee uu ilmuhu ku ciyaaro sida, kuwa midabada la kala soocayo, waxay kor u qaadaan qaab fekerka ilmaha iyo sida loo gorfeeyo hadalka.

Ciyaaraha matalaada: marka uu ilmuhu matalayo sida dhakhtar, macallin ama waalid, waxay ka caawisa inuu faham uuxa ka qaato adduunka ku xeeran iyo inuu dhiso dareenkiisa naxariiseed.

Deegaan ammaan ah iyo kalsooni

Xidhiidhka qalbiga: marka uu ilmuhu dareemo degenaan, jacayl, iyo naxariis wuxuu diiradda saaraa barashada sahaminta halkii uu werweri lahaa ama cabsi dareemi lahaa.

Dhiirigelinta: ilmaha dhiirigelintu waxay u tahay shiidaal uu hore ugu socon karo wax kasta oo mustaqbalkiisa barito dhisaya. Hadaba ilmaha oo lagu dhiirigeliyo waxyaabaha uu qabanayo waxay dhamaystiraysaa caqliyadiisa.

Nafaqo isu-dheelitiran

Maskaxda koraysaa waxay u baahantahay shidaal tayo leh. Cuntooyinkaqaniga ku ah vitamineska kala duwan ee jidhku u baahanyahay sida, omega-3, lawska, khudaarta cagaaran, iyo dhamaan cuntooyinka laga helo booratiinka waxay ilmaha ka caawinaysaa sidii uu garaadkiisu si caafimaad qabta ugu kori lahaa.

Yaraynta isticmaalka shaashadaha

Carruuraha aadka u isticmaala shaashadaha kala duwan waxaa ku yaraata diirad saarida waxyaabaha caqliga ku dhisan. Ilmaha aadka u isticmaala shaashada waxaa ku adkaata inuu si dabiici ah u ciyaaro iyo inuu la fal-galo ubadka kale ee dhigiisa ah. Kobcinta garaadka ilmuhu kaliya maaha inuu waxbarashada kaalinta ugu sarreysa ka galo, balse waa in ilmahu barto habka loo fekero, sida dadka kale loola dhaqmo, sida loo xakameeyo nafta loona dejiyo dareenka cadhada ah, iyo sida loo xalliyo dhibaatooyinka maalin laha ah ee soo food saarta noloshooda.











Habka ugu fudud ee loo kobciyo garaadka ubadka


Habka ugu fudud ee loo kobciyo garaadka iyo caqliga ubadku waa in ilmaha la siiyo ciyaaro kala duwan oo maskaxdooda dhisaya iyo in wadahadalka joogtada ah loo sameeyo. Halkan waxaynu kusoo qaadan doonaa saddex hab oo fudud oo aad maalin kasta guriga dhexdiisa si dabiici ah ugu samayn karto.

Waydiinta su’aalo furan: halkii aad ilmaha u sheegi lahayd wax walba isku day inad hab su’aal ah waxku waydiiso. Tusaale: haddii aad aragto bahal wax cuna maxaad samayn lahayd? Markaas ilmihii wuxuu bilaabayaa inuu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo iskuna dayo wixii uu qaban lahaa. Marka uu jawaabta bixiyo khalad iyo sax kay doonto ha ahaato, waxaa muhiim ah inad ku dhiirigeliso fekerkiisa isla markaana aad u saxdo jawaabta. Tani waxay si weyn waxtar ugu leedahay garaadkiisa waxayna ballaadhisa hab-fahankiisa iyo xallinta dhibaatooyinka.

Iskaashiga hawlaha guriga: waalidku waa inuu ilmaha ku tababaraa inuu hawlaha fudud la qaban karo. Tusaale: marka aad khudaarta so gurayso u dhiib qayb ka mid ah, marka aad dhaqayso u ogolow inuu isna qaar dhaqo. Marka aad diyaarinayso cuntada ilmaha u dhiib una sheeg Meesha logu talo galay in la dhigo. Tani waxay ilmaha ka caawisa inuu barto xisaabta aasaasiga ah, iyo inuu ogaado waxtarka uu u leeyahay qoyska.

Akhriska wadaagga ah: waalidku waa inuu maalin kasta 10-15 daqiiqo isla eegaan si wadajir ah buugta ama sawirada uu ilmuhu sawiray. Tusaale: ilmahamarka aad u sheegayso sawirada xayawaanada bedel codkaaga oo isku day inaad codka xayawaanka matasho fartana u saarto siu u u kala garto xayawaanada. Tani waxay ilmaha u dhistaa keydka kelmadihiisa waxayna hagaajisa xidhiidhka niyadeed ee ka dhexeeya waalidka iyo ilmihiisa. Habka ugu horeeya ee laga bilaaba waa maqalka iyo jawaabta. Marka ilmuhu ku waydiiyo su’aal isku day inaad siiso dareenkaaga oo dhan hana uga jawaabin adiga oo kasii jeeda uguna jawaabto sida ugu fudud ee uu isagu fahmi karo.












Waxtarka uu ubadka u leeyahay.



Kobcinta garaadka iyo maskaxda ubadka taas oo loo marayo hababkii aynu soo sheegnay waxay ubadka u leedahay waxtar ballaadhan oo raad ku reeba noloshooda oo dhan. Koritaanka maskaxeed kaliya kama caawiso dhanka waxbarasha oo kaliya, lakiin waxay dhistaa qofnimadiisa guud.

Marka ilmaha la dhagaysto fikradiisa wuxuu ilmuhu helaa kalsooni nafeed,wuxuu xaqiiqsadaa inuu awood u leeyahay inuu wax cusub baran karo, wax xallin karo, kana qayb noqon karo go’aamada yar-yar ee guriga. Kalsoonidaasi waxay ka caawisa inuu si dhiirran u wajaho caqabadaha dugsiga iyo noloshiisa danbe.

Kooboc luuqadeed iyo isgaadhsiin: ilmaha leh keyd luuqadeed oo badan wuxuu si sahlan u muujin karaa dareenkiisa halkii uu ooyi lahaa ama uu xanaaqi lahaa marka uu wax rabo. 

Carruurta loo ogolaado inay ciyaaraan ciyaaraha kobciya maskaxda waxay bartaan in wax kasta si deggen looga fikiro yadoo laga eegayo dhawr jiho, kumana degdegaan go’aankooda.










Gunaanad :


Kobcinta garaadka ubadku waa maalgashiga ugu weyn ee aad ilmahaaga u samayn karto. Ilmuhu uma baahna waalid dhamaystiran ee wuxuu u baahanyahay waalid garab jooga wakhtina u haya sidii uu u dhagaysan lahaa.

Post a Comment

0 Comments