Dhaqamada laga ilaaliyo ubadka.

 Hordhac:

Qormadan waxa aynu ku eegi doonaa dhaqamada u baahan in ilmaha laga ilaaliyo, daraasadaha la xidhiidha ubadka iyo ilaalintooda, caqabadaha ay leeyihiin ubadka ku kora wadamada shisheeye, iyo sida loo ixtiraamo waalidka.

Dhaqamada u baahan in ubadka laga ilaaliyo iyada oo loo eegayo korriinkooda waxaa ka mida:

Dhaqamada dhaawaca nafta:

Garaacista iyo cadhada badan: in ubadka laga ilaaliyo garaacista daran ama xun iyo dhirbaaxada. Ubadka inta badan la garaaco markay khalad galaan, isla markaana lagu qayliyo marka uu waalidku cadhaysanyahay, waxay ku abuurtaa cabsi, walwal, iyo dib-udhac dhanka maskaxda ah.

Dirirta waalidka: ubadka oo hortooda waalidku isku dagaalo,dhibka iyo qaska guriga ka dhex dhaca ilmaha ku koraa waxay ku keentaa dhaawac iyo naxdin joogto ah.

Dhaqamada niyada iyo kalsoonida dila:

Aflagaaddada iyo cayda: ilmaha yar oo lagula kaco aflagaado iyo cay, sida doqon baad tahay, waxba magaranaysid, waad fool xuntahay, intaniba waxay dishaa kalsoonida iyo niyada ilmaha yar.

Is-barbardhiga: ilmaha yar oo la barbardhigo walaalkii ama carruuraha kale waxay ubadka ku dhex abuurtaa xasad iyo inuu dareemo kalsooni darro.

Hanjabaadda iyo beenta: ilmaha oo loo hanjabo ama lagu cabsiiyo waxyaabo aan jirin oo been ah, sida bahalkaas ayaa ku cunaya, haddii aad I maqli waydo caawa ayaan dabada ku saarayaa, iyo in been loo sheego waxay ku abuurtaa ubadka niyad xumo iyo inuu isu arko in aanu waxba ahayn.

Dhaq.amada cuntooyinka caafimaadka waxyeelleeya.

Macmacaanka iyo cuntooyinka dhanaanka badan: cuntooyinka leh macaanka iyo dhanaanka xad-dhaafkaa waxay ku keenaan jidhka caafimaad darro degdeg ah. Isticmaalka macaanka badan sida, nacnaca iyo sharaabada soodhaha leh waxay burbur ku keenaan ilkaha iyo qanjaha oo ay ku abuuraan xanuun. Cuntooyinka leh cusbada badan waxay waxyeello xun u gaystaan kalyaha qofka. Waalidku waa inuu ka ilaaliyo ilmaha yar, kuna baraarugsanaado waxyeellada daran ee ay caafimaadka u gaystaan.







Isticmaalka shaashadaha: ilmaha yar oo loo dhiibo mobile ama TV, taas oo uu saacado badan ku qaato, waxay waxyeello ku keentaa awoodiisa hadal iyo barashada luuqadda. Tani waxay ilmaha ka dhigtaa mid aan faham badan u yeelan bulshada ku xeeran.

Dhaqamada dhinaca akhlaaqda iyo is-dhexgalka:

In ilmaha aan hortooda lagu daawan waxyaabaha aan ku habboonayn da’dooda ama kuwa loogu talo galay dadka waaweyn. Inaan ilmaha hortiisa laga sheegin siraha dadka kale.

ixtiraam darro iyo akhlaaq xumo: ilmaha yar in aan loo ogolaan inuu carruurta kale kula dhaqmo ixtiraam darro, iyo in la baro inuu waalidkii iyo dadka waaweyn si xushmad iyo ixtiraam leh ula hadlo. Ilmaha dhaqankiisa oo fiicnaadaa waxay ka dhigtaa mid bulshada dhexdeeda laga jeclaado. Korriinka ugu fiican ee ilmo ku koraa waa midka ku dhisan Samir, dhageysi, iyo hagid toos ah kaas oo tusaale wanaagsan u noqda. Carruurtu waxay bartaan waxay ka arkaan waalidka oo samaynaya, marka loo eego waxa loo sheego.

Daraasadaha la xidhiidha ilaalinta ubadka:

Daraasadaha casriga ah ee lagu saleeyay koriinka iyo ilaalinta ubadka waxay sheegaan in sannadaha ugu horreeya ee noloshoodu ay tahay inta ugu muhiimsan. Halkan waxa aynu ku eegaynaa kuwa ugu waaweyn ee daraasadaha caalamiga ahi xoogga ku sareen korriinka ubadka iyo ilaalintooda.

Saamaynta maskaxda:

daraasad ay samaysay jaamacadda Harvad waxay ku sheegtay daraasadeeda in ubadka ku kora jawi cabsi badan ama rabshad leh ay maskaxdoodu soo dayso hoormoon xad-dhaaf ah. Taasina ay hoos u dhigto horumarka maskaxda qaybta maamusha fahamka, xasuusta iyo xakamaynta niyadda.

Edbinta togan: daraasad la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in garaacista iyo ciqaabta jidheed ee ilmaha loo gaystaa aanay barin dhaqan wanaagsan, balse kaliya ay ku abuuraan in rabshadu tahay hab loo xalliyo dhibaatada. Carruurta lagu koriyo edbin togan iyo xuduudo loo sameeyay iyado aan la aflagaadaynaynin waxay yeeshaan kalsooni iyo awood sare oo ay ku xalliyaan caqabadaha.

Shaashadaha iyo teknoolajiyada: daraasad ay samaysay American Academy of Pediatrics (AAP).waxay sheegtay carruurta ka yar laba saano ee isticmaala noocyada kala duwan ee shaashadaha, inuu ku yimaado dib-udhaca hadalka iyo barashada luuqadda. 












Is-dhexgalka bulshada: cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay ayaa sheegay in ay ubadku ku bartaan dhexgalka bulshada wadahadalka, sheekaysiga, iyo dhageysiga, ee aanay ka baran shaashadaha.

Cuntada iyo nafaqada:

Cilmibaadhisyo badan oo la sameeyay ay tilmaamay in nafaqada ubadka aan laga helin cuntooyinka lagu sameeyo warshadaha ee qasacadaysan, iyo kuwa leh sonkorta xaad-dhaafka ah, waxa ay ku keenaan ubadka buurni xad-dhaaf ah inta ay yaryihiin.

Nafaqada ilmaha maalmaha ugu horreeya noloshiisa:

Daraasad ay samaysay hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO), waxay sheegeen nafaqada uu ilmuhu helo inta u uku jiro uurka ilaa uu ka gaadhayo laba sanno ay go’aamiso awoodiisa difaaceed ee jidhkiisa.

Habka xidhiidhka waalidka:

Daraasad la sameeyay ayaa waxay shaaca ka qaaday in ilmaha marka loo muujiyo ammaan, hadalkooda oo la dhageysto, marka ay ooyayaan oo la caawiyo ay helaan nabad galyo gudaha ah. Ilmo kasta oo kalsooni, nabadgalyo iyo ixtiraam ku dhex mara guriga, waxa uu noqdaa mid leh shakhsiyad awood badan, aqoonta iyo xirfad kasta oo uu baranayo si fudud ku barta.

Gunaanad:

Nabadgalyada, tarbiyada, toosnaanta, iyo horumarinta ubadku waa mas’uuliyad weyn oo ku dhisan aqoon, waayo aragnimo, dulqaad, naxariis, iyo jacayl ka yimaada waalidka. Marka aynu eegno daraasadaha casriga ah iyo khibradaha barbaarinta, waxaa cad in ixtiraamka, kalsoonida, iyo akhlaaqda wanaagsan ee ilmuhu ay ka bilaabmato jawiga ka jira guriga dhexdiisa. In ilmaha laga ilaaliyo garaacista, cadhada ba’an, iyo ereyada dumiya shakhsiyadiisa, uu noqdo mid caafimaad qaba jidh-ahaan, maskax-ahaan, iyo mid-nafeedba. Ubadku ma bartaan waxa loo sheego, balse waxay matalaan sawirka ka dhex jira guriga dhexdiisa ay ku arkaan maalin kasta. Marka waalidku sameeyo tusaale wanaagsan, sida inuu dhagaysto ubadka marka ay hadlayaan, u dulqaato markay cadhoodaan, waxa uu kobciyaa kalsoonida iyo garaadka ubadka, waxa uuna xidhiidh wanaagsan ku dhex abuuraa waalidka iyo ilmihiisa yagoo noqda kuwo u diyaarsan nolosha.





Comments

Popular posts from this blog

Korinta iyo barbaarinta ilmaha dhashay.

Marxalada koritaan ee ubadku maro

Daryeelka iyo nadaafadda ubadka.